Sign in to follow this  
SayidSomal

Silsiladii 'Google Failure'

Recommended Posts

NGONGE   

Sayid*Somal;683222 wrote:
Nagogow waxaad tahay nin nuukiliir lala dhacay, welise soo noole

Waa naxariis Illahay, in aad weli ka nooshahay nabaradaydiiye

Nasiibdaro darade maantaan neefta kugu celine

Horta waxaad ogataa, aniga Sayidkuba in aan nasab iyo naf wada nahaye

Niman laga gardaranyahay oo naaquudayaashii isugu habarwacdeen baan nahaye

Adiguse waxaa tahay Nacasyahow, waa la wada yaqanaaye

Afka-hooyo hodanka ah iyo Naafada tahay waa la wada yaqanaaye

:D :D..i yara sug aan google search samiyaay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maahmaahyo Soomaaliyeed waa muuhim, micnahooda iyo murtidoodaba waan macaansadaye

 

Mid baa odhan ‘Aqoon la'aani waa iftiin la'aan’e, murtideeduna waa ta manta ini haysahe

 

Micnaheedu waa ima taqaniine, aan iskiin baro’e, mugdi baad mutinaysaane

 

Abwaanka laygu magacdaray, waa awoowgey ayeeyaday dhalaye

 

Ana waxaan ahay jiilkii daraawiishta, xuluftii mushxaradaan u digayaaye

 

 

 

Maansada iyo murtida ragbaa daabacoo, galiyey diiwaane

 

Sayidkii dardaarmoo iyidhi, maruu hadal ii deeqaayey

 

Danbaabiyo marabo, doqon wareerkeede

 

Balse doqomihii SOL saftee, aan seefta wada saadho

 

Doqonimada kala darajo weyaan, Jaceylbaro ugu tunweyne

 

Waa mid ragakale ka daba mushraxadayah, dumar siddiisiiye

 

Dulleynimada Ayuub baa xiga, waa dad mayaqaane

 

Inanyahow ogow Qardho waa, hoyga suugaanta soomaale

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

^^ Xawaash intani ka badan? So kan ku leh Sayidka waa awoowgay oo gabaygaan ka dhaxlay (hada wuxuu o jeeda kii o xaday maha kan oo qoray). Eesh cala xawaash. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D

War is dhiib ninyahow - haddii kale xawaashkaan kugu karbaashayaa :D

 

Talexii Saxiib, taladaada marwalba waa u dhega nugloonahay - balse - dan baan ka leeyahay - nimankay ku socto baan ku merjinayaaye :D

bal adigu warkaga caddaysi - ma jiilkii darawiishta baa tahay mise naaquudayasha SOL baad ka mid tahay? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Socoto anoo ah Saq dhexe gudcur madow online sow ma noqon

Sabbo caws engagan sakaaro boodi, surgin sow jiriq kuma siin

Soodh iyo tooray galka intaan ka siibay, qoorta sow kuma dhagin

Sakaarka beerka iyo sinta, dhuuxa sow soor kama dhigin

Sokooye tolkay saxiib iyo rafiiq, sow isuma keenin

Sayid kalooy tahay, Safir iyo abtigiis, Ngongnena sow ma cantuugin

Sugaantii Somaliyeede sanado taalay dhulka, kor sow kama yeelin

Sodankaas martida ah iyo saddexda Sol gasha baan salax rogayaaye

Caku Sayid Somal Silsiladii google iyo sadar la soo xaday

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Sayid*Somal;683355 wrote:
^^
:D
:D

War is dhiib ninyahow - haddii kale xawaashkaan kugu karbaashayaa
:D

 

I hereby issue a full and non-negotiable surrender. I do not do so out of cowardice or a belief that I can not win (again). I simply do it out of a sense of benevolence and love for a besieged brother. Maybe the English habit of rooting for the underdog has rubbed off on me but my Burcaawi ancestral blood has been boiling again at the sight of such a noble (but clumsy) Qardhaawi being surrounded on all sides by vultures and chancres.

 

 

Now that your biggest foe is out of the battle, I am sure you can confidently handle all comers. Should you require any help fending off all these people or for any random searches, all you have to do is call. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

• Hanfi iyo hunguri soo dhiciyo, hinif Hargaysaa leh

• Hanqadh iyo hillaac bililigliyo, halalac Muqdishaa leh

• Cir habqamay xareed laga harqaday, Qardhaa leh

 

• Xiin hawle iyo heega curan, hogol daruurreed Garowaa leh

• Hir doogliyo caleen hamasha iyo, habatac Koonfur baa leh

• Maal hooray ciir laga hanfaqay,Soomaali Galbeed baa leh

 

• Caanaa had iyo jeera iyo heeshi, Laascanood baa leh

• Qumba lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar Miyi baa leh

• Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji Mudug baa leh

 

• Habaqliyo harraad iyo kulayl hilin, Burco baa leh

• Hadii hadowga geedood engego, horasho JQ iyo Qaloocan baa leh

• Hagahagi hunguri duulayiyo hogo,tuuladii Abtigiis baa leh

 

• Hadhac iyo qabow lala herjado, hadh iyo raxoQardho baa leh

• Hawo iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon nawaaxigaQardhaa leh

• Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh

 

• Lugi waa higiishee himmiyo, halabsi Jigjigaa leh

• Haad iyo haldhaa roori iyo, huguf Buhoodlaa leh

• Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf duushay Soomaaliland baa leh

 

• Aar soo hingoodiyo bad iyo hugun,Kismaayaa leh

• Habaas kacay halaakiga dhacsiga, halowna Bob baa leh

• Haliilyaale aan dhiirran iyo haadiis fuley, Jacaylbaro baa leh

 

• Hankakoobsi iyo booto iyo hoobsi, Ngonge baa leh

• Hamham iyo humsiga reenka iyo higilla, Ayoub baa leh

• Hannas weerar iyo qaylo iyo hirif, General Duke baa leh

 

• Heeraa in laysula bixiyo heeggaan dirir, Mr Somaliyaa leh

• Hirey iyo wirey maalintey iyo humuro joogtaba,Wyre baa leh

• Haadaa qabiilnimo, Cowke oo lagu holeyn baa leh

 

• Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdiyo Xiinfaniin baa leh

• Hadal ruma Daraawiishta, Taleexi iyo weli hanuunaa leh

• Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shabaab baa leh

 

• Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay TFG baa leh

• Xaar laysku heylaamiyiyo halalac, AMISOM baa leh

• Hammuunaan damayn iyo hunguriyo horor,Burcadbadeed baa leh

 

• Hoobaaq laguu qodahayiyo hagar, Oodweynaa leh

• Hundhur iyo caloolxumo, Xanji Xunduf baa leh

• Hankuugyo uurgulguluc iyo hiijo qabo, AfricaOwn baa leh

 

• Hoh iyo caku iyo hiif, Saalax iyo ninkii hawkar galay baa leh

• Halaaka iyo laandeyr Prometheus iyo ninkii marin habaabaa leh

• Hinji iyo habaar waaq, Nuune iyo jinkii huray ustaadkaa leh

 

• Heeggaa in loo maro arlada,shekiqabayaasha SOL iyo habi la'aan baa leh

• Hor Ilaah in loo jeedsadiyo haajir, Muslimiinta SOL baa leh

• Haawiyada naareed, Johny B iyo ninkii Ferenji haystaa leh

 

• Hab wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli

• Hodya deeqa hoo iyo waxsiin, hablaha SOL oo dhan baa leh,

• Hannaan quruxsan haashaar gobeed, ina adeertay Koolkat baa leh

 

• Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo

• Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka

• Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh

 

• Hal madow higgaad iyo Quraan, Ha iyo Wow reebban

• Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso

• Nin kaleba naftiisa ha hafree, aniga iyo awoowgey baa u hoodo leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^:D :D

Horta nimankii aaway - Kuli ma dhinteen? waa adigaan u tacsiyaynaaye! :D

 

 

All that is left for me to do now is - in aan xooga laalush ah u tuuro Fiqikhayrne - for him to translate the above poem into English and declare me the absolute winner that I am without doubt. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
wyre   

Sayid*Somal;684530 wrote:

• Hirey iyo wirey maalintey iyo humuro joogtaba,
Wyre
baa leh

Haddaan dib dambaba afkeygan kula soo laaco anigaa kaa gardarane sadarkaa maad ka tiri meesha :D

 

Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad
Shabaab
baa leh

Middaa ayaad been weyn ku sheegtay ugaas :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Sayid*Somal;684530 wrote:
• Hanfi iyo hunguri soo dhiciyo, hinif
Hargaysaa
leh

• Hanqadh iyo hillaac bililigliyo, halalac
Muqdishaa
leh

• Cir habqamay xareed laga harqaday,
Qardhaa
leh

 

• Xiin hawle iyo heega curan, hogol daruurreed
Garowaa
leh

• Hir doogliyo caleen hamasha iyo, habatac
Koonfur
baa leh

• Maal hooray ciir laga hanfaqay,
Soomaali Galbeed
baa leh

 

• Caanaa had iyo jeera iyo heeshi,
Laascanood
baa leh

• Qumba lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar
Miyi
baa leh

• Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji
Mudug
baa leh

 

• Habaqliyo harraad iyo kulayl hilin,
Burco
baa leh

• Hadii hadowga geedood engego, horasho
JQ
iyo
Qaloocan
baa leh

• Hagahagi hunguri duulayiyo hogo,
tuuladii Abtigiis
baa leh

 

• Hadhac iyo qabow lala herjado, hadh iyo raxo
Qardho
baa leh

• Hawo iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon nawaaxiga
Qardhaa
leh

• Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh

 

• Lugi waa higiishee himmiyo, halabsi
Jigjigaa
leh

• Haad iyo haldhaa roori iyo, huguf
Buhoodlaa
leh

• Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf duushay
Soomaaliland
baa leh

 

• Aar soo hingoodiyo bad iyo hugun,
Kismaayaa
leh

• Habaas kacay halaakiga dhacsiga, halowna
Bob
baa leh

• Haliilyaale aan dhiirran iyo haadiis fuley,
Jacaylbaro
baa leh

 

• Hankakoobsi iyo booto iyo hoobsi,
Ngonge
baa leh

• Hamham iyo humsiga reenka iyo higilla,
Ayoub
baa leh

• Hannas weerar iyo qaylo iyo hirif,
General Duke
baa leh

 

• Heeraa in laysula bixiyo heeggaan dirir,
Mr Somaliyaa
leh

• Hirey iyo wirey maalintey iyo humuro joogtaba,
Wyre
baa leh

• Haadaa qabiilnimo,
Cowke
oo lagu holeyn baa leh

 

• Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdiyo
Xiinfaniin
baa leh

• Hadal ruma Daraawiishta,
Taleexi
iyo weli hanuunaa leh

• Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad
Shabaab
baa leh

 

• Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay
TFG
baa leh

• Xaar laysku heylaamiyiyo halalac,
AMISOM
baa leh

• Hammuunaan damayn iyo hunguriyo horor,
Burcadbadeed
baa leh

 

• Hoobaaq laguu qodahayiyo hagar,
Oodweynaa
leh

• Hundhur iyo caloolxumo,
Xanji Xunduf
baa leh

• Hankuugyo uurgulguluc iyo hiijo qabo,
AfricaOwn
baa leh

 

• Hoh iyo caku iyo hiif,
Saalax
iyo ninkii hawkar galay baa leh

• Halaaka iyo laandeyr
Prometheus
iyo ninkii marin habaabaa leh

• Hinji iyo habaar waaq,
Nuune iyo jinkii
huray ustaadkaa leh

 

• Heeggaa in loo maro arlada,
shekiqabayaasha SOL
iyo habi la'aan baa leh

• Hor Ilaah in loo jeedsadiyo haajir,
Muslimiinta SOL
baa leh

• Haawiyada naareed,
Johny B
iyo ninkii Ferenji haystaa leh

 

• Hab wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli

• Hodya deeqa hoo iyo waxsiin,
hablaha SOL oo dhan
baa leh,

• Hannaan quruxsan haashaar gobeed, ina adeertay
Koolkat
baa leh

 

• Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo

• Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka

• Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh

 

• Hal madow higgaad iyo Quraan, Ha iyo Wow reebban

• Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso

• Nin kaleba naftiisa ha hafree,
aniga iyo awoowgey
baa u hoodo leh

Anigu waan daalay and can not keep holding the fort on my own. In this post you seem to have mentioned lots of Nomads yet not of them seems to have the heroic Burcaawi blood of my ancestors to put you back in your place! Start a petition and send it to me, people. Aniga idin ka celin doona. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this