Saalax Posted December 23, 2010 Shirkadaha Maraykanka iyo Shiinaha oo Loollan Xooggan Ugu Jira Cidda Hantiyeysa Shidaalka Somalinad PDF Print E-mail Thursday, 23 December 2010 Bejijing (Togdhnews/Africa Intelligence)- Shirkada shidaalka soo saara ee dalalka Maraykanka iyo Shiinaha, ayaa la sheegay inay loolan xooggan ugu jiraan sidii ay u hantiyi lahaayeen ceelasha shidaalka iyo gaasta ah ee Somaliland, iyada oo la filayo in Madaxweyne Siilaanyo horaanta sannadka cusub ee 2011 booqasho ku tago dalka Shiinaha. Sida xalay lagu faafiyey shabakada aarimaha Afrika ka faaloota ee African Energy Intelligence, shirkada shidaalka Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo CNOOC (China National Affshore Oil Corp.), ayaa ku hawlan sidii ay ugu guulaysan lahayd ogolaansha inay iyadu si toos ah u maamusho ceelasha shidaalka iyo gaasta Somaliland, iyada oo dhinaca kalena ay shirkada shidaalka Maraykanka ee CONOCO ay iyaduna dhinaceeda ku doodayso inay dawladdii Siyaad Barre ka haysato ogolaanshaha ceelasha shidaalka ku yaal bariga Somaliland. Heshiis ay sannadkii 2006 Shirkada shidaalka Shiinuhu hore ula gashay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa fashilmay, kadib markii dawladda Somaliland oo ceelasha shidaalku dhulkeeda ku yaal arrintaa ku gacan saydhay, taasina waxay sababtay in shirkada Shiinaha ee CNOOC ay horaantii sannadkan 2010 dib u istaadho damaceeda ku waajahan dhulka shidaalka iyo gaasto ku jiraan ee Somaliland, iyaga oo xidhiidh toos ah la sameeyey maamulka Somaliland, balse waxa la rumaysan yahay in haddii shirkadda shidaalka Shiinuhu ku guulaysto ogaanshaha ceelasha shidaalka in taasi muran badan ka dhex dhalin doonto shirkadaha Maraykanka oo ilaa sannadkii 1980 ku hawlnahaa ceelasha shidaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ilaa hadda aaminsan inay iyaga oo qudhi ogaalsho u haystaan arrintaa, isla markaana awood ka xoog roon darteed uga xammaan urursadeen Soomaaliya. Dawladda Somaliland, ayaa la sheegay in ilaa hadda aanay macluumaad sax ah oo dhinaca khayraadka dhulka ah haynin, iyada oo aan wax shidaal qodis ah dhulkaasi laga samayn 1980 ilaa 2000, balse shirkad yar oo Ingiriis ah oo la yidhaahdo Fugro-Robertson, ayaa loo diidanayaa inay wax hawlgalo ah dhulkaasi ka samayso. Si looga baxo macluumaad la’aanta, isla markaana xog rasmi ah loo helo, waxa dawladda Somaliland heshiis la gashay shirkadda dhinaca sahaminta qaabilsan oo la yidhaahdo TGS-Nopec sannadkii 2009, taasi oo hawlo sahamineed ku sameeyey deegaano Somaliland ka tirsan. Safarka la filayo in madaxweyne Siilaanyo ku tago Shiinaha, waxa uu ka dambeeyey, kadib markii ay bishii April ee sannadkan 2010 booqasho ku yimaaddeen Somaliland wefti Shiine ah oo laba sarkaal oo ka mid ahi ka tirsanayaayeen shirkadda shidaalka Shiinaca ee CNOOC. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdirazak_PTL Posted December 24, 2010 Lol in a race for somaliland oil. Somaliland has no oil, stop trying to act like Puntland and get your IDEAS. This is what the reports says Beijng to Roll Out the Red Carpet for Somaliland President 24. December 2010 CNOOC is trying to win oil concessions directly from Somaliland after initially negotiating with Somalia’s central government, which has no say in Somaliland. Somaliland president Ahmed Mohamed Silanyo is due to fly to China early in the new year in the wake of a visit to the Somaliland last April by a Chinese delegation that included two officials from the China National Offshore Oil Corp. (CNOOC). The Chinese company wants to pick up acreage in Somaliland where Conoco identified oil and gas reserves in the 1980s. CNOOC made an initial attempt to debut in the province in 2006 by negotiating a production sharing contract covering the Mudug area in Somaliland with the Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu. However, the agreement remained a dead letter because Somaliland doesn’t recognize TFG’s authority. As a result, CNOOC switched its strategy early this year in favor of making direct contact with authorities in the province. If the company is awarded concessions it will find itself operating in both a legal minefield and an insecure environment. American companies active in the country until the late 1980s still believe themselves to be owners of their concessions and consider the acreage has simply been placed under force majeure (No. 562). In addition, the Somaliland government has no geological data on its subsoil. The results of drilling campaigns in the 1980s have been retained since the early 2000s by a small British concern, Fugro-Robertson, which has refused to turn them over to the Somaliland government. To make up for that lack of information, Somaliland retained TGS-Nopec in 2009 to acquire 5,300 km of seismic and magnetic data as well as 34,700 km of aeromagnetic data. Source: http://www.africaintelligence.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 25, 2010 To make up for that lack of information, Somaliland retained TGS-Nopec in 2009 to acquire 5,300 km of seismic and magnetic data as well as 34,700 km of aeromagnetic data. Wax fahan ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites