Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

IGAD Invites Somaliland for Southern Sudan’s Referendum

Recommended Posts

Jacaylbaro, swallow up the lies lol. No I am not a qowdhan and not easily misled by the propaganda. Thats why they dont like me. I dont mind markay iyaga been isku aqrinayan because iyagu bay dhibaysa beenta, it keeps them backwards and not progressing while im building an airforce and navy and paving bosaso streets and holding somali wide conferences to prove that i am ready to hold a peace conference. Horta siyasigu waad ka dhameysa reeraha kale runta hadi la taabto ama u wouldnt need to live off lies for 20 years if your politics is going anywhere.

 

SNM this and SNM that doesnt change the fact wiilka burco waxa laga ganacsada bosaso isago tahrib donayo. I can show u also of a video of ladies in burco crying how the nasty ssdf are slave-trading their men to yemen

Share this post


Link to post
Share on other sites

saxafiyiin.jpg

 

Afhayeenka Madaxtoyada C/laahi Cukuse

 

Hargeysa, January 12, 2011 (Haatuf) - Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hor kacaayey waftiga Suxufiyiinta Somaliland uga qayb galay oo ka mid ah martida dunida ee lagu soo casuumay inay goob joog ka ahaadaan Aftiada ka socota Koonfurta Suudaan ee dadweynaha ku dhulkaasi u dareereen inay ka go’aan Suudaan iyo inay ka mid ahaadaan, ayaa sheegay in hadii ay Koonfura Suudaan dadkeedu u codeeyaan inay ka go’aan Suudaan ay Somaliland diyaar u tahay inay aqoosato.

 

Afhayeenku waxa uu nasiib daro inay ku dhacday tilmaamay Somaliland oo 1960-kii la Midowaday Somalia ay kuwii ku darsatay ay meeshoodii burbursan tahay, balse Koonfurta Suudaan dawladii Suudaan oo jirta in dunidii kale ku qanacdo inay Aftida u dareeraan.

 

Afhayeenka madaxtooyadu waxa u sidaas ku sheegay mar u waramayay BBC-da.

 

Ugu horeyna isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa, uu yidhi “Waxa weyn baanu ka fahanay Koofurta Sudaan ka sokow inta aanu wadaagno labada dhinac oo halgan dheer oo ay soo galeen oo naf iyo maalba leh ka, wakhti badan oo ay soo mareen sida ay qadiyada ugu mitidayaan ee ay ugu adeegasan yihiin, intaasoo dhan baanu wadaagnaa, waxaanu ka fahanay oo kale caalamka marka Ilaahay kuu sakhiro inay suurta gal tahay inay tanoo kale dhacdo anaguna waxaanu rajaynaynaa inaanu kuwa ku xiga noqono.

 

S: Maxaad Is leedahay Inay Tani U Taha Somaliland Oo Muddo Dheer Aqoonsi Raadinaysay Oo Aan Ilaa Wakhtigan La Aqoon San, Dhawr Jeerna Doorasho Gashay?

 

J: Anaga nasiib daraa nagu dhacday kuwii aanu walaalaha ahayn ee aanu 60-kii Midownay ee Somalia ayaa gacanta ka baxay oo meeshoodii ay burbursan tahay oo inta lala xaajoodo kalsoonidii haysata sida halkan (Southren Sudan) u suurto gashay inay xukuuamadii Sudan oo jirta Cumar Al- Bashiir joogo ay suurto gal u noqoto inay dunidii kale-na kula qanacdo, anaga nasiib darada noo dheeri waxa weeyi kuwii aanu xidhiidhka noocaas ah yeelan lahayn ayaan meesha ka jirin.

 

S: Hadii Dadka Koonfurta Sudaan Ay U Codeeyaan Inay Goostaan, Ma Laga Yaabaa Tan Aad Istcimaashaan Oo Caalamka Ka Codsataan In La Idin Aqoonsado Oo Dawlad Gooni Ah Oo Qaarada Afrika Ka Tirsan La Idin Aqoonsado

 

J: Labaatanka sanadoodba dunida Ilaahay baanu ka codsanaynay aqoonsiga, markaa wixii ay nagu xidhayeen wuxu ahaa meeshaa burbursan in aanu sugno, meeshaa bubursanina inta ay qaadanayso dawlad la aqoonsan yahay baa ka jirta Muqdisho, laakiin dadkeedu aanu aqoon sanayn, anagu waxaanu garanaynaa inay meeshaa ka jirto dhibaato weyni, Koonfurta Suudaan tan ka dhacday oo kale ayaanu beesha caalamka uga fadhinaa in anagana markayaga beesha caalamku ay goob joog ka ahaato, inkastoo shacbiga Somaliland ku codeeyay %97 Haa, Somaliland sidaas bay ku taagan tahay shacbigeeduna ku ogol yahay dawladeedu ku dhisan tahay, golayaasheedii ku dhisan yahay oo intii dawlada laga doonayay oo dhana ay ku leedahay.

 

S: Isla Wakhtigaas Waxa La Diidanaa Wadamada Afrika Inay Sii Kal Go’aan Oo Wadamo Badani Meesha Ay Ka Soo Dhex Baxaan, arintaasi miyaanay Meesha ku jirin?

 

J: Horta waxa loo danaynayaa waa bini’aadmiga, marka la leeyahay Midooba iyo marka la leeyahay kala go’a waa nolasha bini’aadmiga waa xoriyada aadamaha, hadii uu dan u arko inay kala noolaadaan baa fiican, haduu dan u arko inay wada noolaadaan baa fiican, laakiin in la isku qasbaa maaha sidii bini’aadmiga danta u ah, qasabku dan maaha waxa dan ah inay labaduba raali ku yihiin haday raali ku noqon waayaan inay kala noolaadaan.

 

S: Markaa Idinku Ma Waxaad Doonaysaan Inaad Kala Go’daan, Hadii La Wediiyo Dadka Reer Koonfureedka Inay Taa Ogalyihiin?

 

J: Inta aan la weydiin ma kala go’naa mise ma kala go’no waa in la weydiiyaa idinku inaad jirtaan ma doonaysaan mise ma doonaysaan, markaa markay go’aansadaan ee ay wax noqdaan ee ay isku raacaan muran ha galiyaan ma yaan la galininbe, su’aashani wey danbaysaa duniduna maaha inay su’aashaa soo horaysiiso, anaga su’aasha kowaad waxa weeyaan horta ma jirtaan, marka aad jirtaan wada noolaada, marka aad jirtaan kala noolaada.

 

S: Somaliland Miyay Taageeraysaa Inay Koonfurta Sudaan Goosato?

 

J: Anagu waxaan jecel nahay Koonfurta Sudaan muddo dheer bay u soo dagaalamaysay xoriyadeeda, markaa dadkeedu haduu u codeeyo waxaanu anagu raac sanahay Haa sidaasanu raacsanahy.

 

S: Ma Waxaad Rabtaan Inay Sudaan Kala Go’do?

 

J: Maya anagu Suudaan ha kala go’do ma lihin, Suudaan ha isku taalona ma lihin, waxaanu leenahay Koonfurta Sudaan shacbigeedu wixii ay halganka u soo galeen marka ay u codeeyaan xaq bay u leeyihiin in loo aqoosado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenku waxa uu nasiib daro inay ku dhacday tilmaamay Somaliland oo 1960-kii la Midowaday Somalia ay kuwii ku darsatay ay meeshoodii burbursan tahay

Nasiib darro indeed ................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this