Somalina Posted December 22, 2010 Edmonton: (Sh. M. Networ) Dowladda Wdanka Canada ayaa sheegtay inay shaqo abuuris u bilaabeyso dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dalkeeda, iyadoo sidoo kale siineysa tababar ku aadan qaabka loo abuuro shaqooyinka. Dhalinyarada Soomaalida ah ee ku dhaqan gudaha dalka Canada kuwaasi oo wajahaya shaqo la’aan aad u baahsan waxaa ay heli doonaan tababaro loogu diyaarinayo, inay shaqeystaan iyo shaqo abuuris sida uu sheegay Mr. Peter Goldring oo ah xubin ka tirsan Barlamanka dalkaasi Canada. Mr. Peter Goldring ayaa hadalkaasi sheegay xili uu ku hadlayay Magaca Wasiirka hormarinta xirfadaha iyo shaqo abuurista dowladda Canada ninka lagu magacaabo Diane Finley. “In badan oo ka mid ah dhalinyarada reer Canada waxa ay wajahayaan dhibaatooyin xoogan oo xagga shaqada ah gaar ahaan xiliga maanta ah” sidaasi waxaa yiri Peter Goldring oo intaasi ku daray in taasi ay keentay in dowladda Canada ay go’aansato in furasado shaqo ay u abuurto dhlinyarada reer Canada oo ay Soomaalidu ku jiraan si ay uga faa’iideystaan mashaariicda shaqa abuurista ee ay bilowday dowladda Canada. Iyadoo gacan laga helayo barnaamijka Xariirinta shaqooyinka ee federaaliga ah, Ururka Waxbarashada ee Soomaalida Canada iyo ururka hormarinta dadka reer miyiga ah ayaa waxaa suura gali doonta in 12 dhalinyaro Soomaali ah lagu caawiyo inay hormariyaan xerfadahooda iyo qibradooda dhinaca shaqada si labo midkood ay u dhacdo oo kala ah in ay shaqooyin helaan inay iskuulada ku laabtaan. Ururka Waxbarashada Soomaaliyeed iyo ururka hormarinta reer miyiga ah ee ka dhisan dalka Canada, ayaa dowladda wadankaasi waxaa ay siin doontaa 138- kun oo doolarka Maraykanka si loo taageero mashruuca shaqa abuurista dhalinyarada Soomaalida. Quote Share this post Link to post Share on other sites