Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Shabaab oo nin gowracay iyo Shabaab lagu laayay agagarka Leego

Recommended Posts

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa gowrac ku dilay nin rayid ah kadib markii Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab habeenkii xalay lagu dilay inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Leego iyo Bur hakaba oo ka kala tirsan gobolada Shabeelada hoose iyo Baay.

 

Habeenkii xalay ayaa kooxo hubeysani waxa ay wadada u galeen gaari uu watay horjooge ajnabi ah oo u dhashay Sacuudiga laguna magacaabi jiray C/lla Muhaajir, waxaana halkaasi ku geeriyooday horjoogahaasi iyo sadex ka mid ah Ilaaladiisii oo Soomaali ahaa, sidoo kale waxaa halkaasi ku basbeelay gaarigii ay wateen kadib markii kooxahasi ay baasuuke ku dhalaaliyeen.

 

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka waxa ay ku kalaheen dadkii reer miyiga ahaa ee ka dhawaa hareeraha wadada waxa ayna soo kaxeeysteen nin deegaankaasi caan ka ahaa oo magaciisa lagu soo gaabiyay Ufuroow, kaas oo bartamaha laamiga ay ku gowraceen madaxiisana xabadka u saareen si ay ugu baqdin geliyaan dadka deegaanka.

 

Arintani ayaa la rumeysanyahay in ay qeyb ka tahay dagaaladii u dhaxeeyay maleeshiyaadkii burburay ee Xisbiga iyo Shabaab, kuwaas oo maalmo ka hor ku dagaalamay Bur hakaba iyo deeganno ku xeeran.

 

http://radiomuqdisho.net/news/wararka/2879-shabaab-oo-nin-gowracay-iyo-shabaab-lagu-laayay-agagarka-leego.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this