Xaaji Xunjuf Posted December 22, 2010 Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo socdaal shaqo ugu baxay maanta wadanka Ethiopia Hargeysa/ToggaHerer Wasiirka Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta safar shaqo ugu anbabaxay wadanka Ethiopia safarkan oo ah mid lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal . Safarka Wasiirka ayaa qaadan doono dhawr maalmood waxaanu lagu wadaa in uu la kulmo madaxada sare ee Dawlada Ethiopia iyada oo kulamadan yihiin qaar ku saabasan dhamaystirka iyo ka midha dhalinta kulamdii uu la yeeshay M/weyne Siilaanyo safarkii uu dhawaan ku tagay wadanka Ethiopia . Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa inta uu joogo Addis ababa uu kulamo la yeelan doono qaar ka mid ah dublamaasiyiinta Shisheeye ee fadhigoodu yahay Magaalo madaxada Ethiopia ee Addis Ababa. Warqabadka ToggaHerer Hargeysa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 26, 2010 Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Safiirka Itoobiya ee Shiinaha Siyum Mesfin iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa Dalka Dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhamaystay booqasho Afar cisho ah oo uu ku tagay Dalka Itoobiya, isagoo kulamo uu la yeeshay Madaxda Arrimaha Dibeda ee Dalkaasi kala hadlay arrimo kala duwan waxaanay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ka soo saartay War-saxaafadeedkan:- WAR-SAXAAAFADEED Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Maxamed C/llahi Cumar oo mudo 4 Maalmood ah socdaal shaqo u joogay Magaalada Adis-abeba Caasimadda Dalka Ethiopia. Mudadii uu Wasiirku ku sugnaa magaalada Adis-abeba, wuxuu kulamo la yeeshay Ra’iisal Wasaare-xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ethiopia Mudane Hailemariam Desalegn, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda Mudane Siyum Mesfin oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Ethiopia u Fadhiyi doona Dalka Shiinaha. Masuuliyinta Labada Dal kulamadooda waxay ku lafa-gureen oo ay isla jeex-jeexeen ka midho dhalinta iyo hirgalinta Qodobadii Wada-hadalkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia ku gaadheen dhawaaan Magaalada Adis-abeba. Wadahadalkan Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Ethiopia waxay si wada-jir ah u diyaariyeen Jadwal Shaqo oo lagu Meel-marinayo lagagana Midho-dhalinayo Xidhiidhkan Cusub ee dhinacyada Siyaasada, Ganacsiga iyo Nabadgalyada. Labada Wasiir Arrimo Dibadeed Dr. Maxamed iyo Mudane Hailemariam Waxa kale oo ay wada-hadalkooda ku soo qaadeen Arrimaha Geeska Afrika Guud ahaan iyo Cod-bixinta gooni isu-taaga koonfurta Sudan. Wasiirka Arrimaha dibadu Dr. Maxamed mudadii uu joogay waxaa casho sharaf si wada jir ah ugu sooryeeyey Ra’iisal Wasaare xigeenka isla markaana ah Wasiirka Arrimaha Dibeda Mudane Hailemariam Desalegn iyo Wasiirkii hore ee Ethiopia Mudane Siyum Mesfin. Socdaalkan waxaa uu qayb ka yahay dadaalka Xukuumada cusub ku horumarinayso xidhiidhka ay shacbiga reer Somaliland la leeyihiin dalalka aynu jaarka nahay gaar ahaana Dalka Ethiopia, kaasi oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanaya. Press Office www.Somalilandforeign.net inkastoo War-saxaafadeedka aan lagu soo qaadin Ujeedada Kulanka Wasiirka Somaliland iyo Safiirka Itoobiya ee Shiinuhu waxay ka wada hadleen hadana waxa loo malaynayaa inay iskula soo qaadeen sidii loogu googol xaadhi lahaa safar la filayo inuu Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo ku tagi doono Dalka Shiinaha kaasoo uu casuumadiisa u siday Sida la sheegay Siyaasiga Cismaan Jaamaca Kalluun. Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu badhtamaha bisha jeenawari noqdo inkasta oo aan la garanayn ilaa hada Ujeedada Safarkaasi Quote Share this post Link to post Share on other sites
yaa tahay Posted December 28, 2010 somaliland iyo itoobiya waa walaalo yahuud ah, seey isku sheegeen ineey yahuuda kasoo jeedaan itoobiyana sidoo kale yahuud ayaaba iska le Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2010 Adna maxaad tahay ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
yaa tahay Posted December 28, 2010 im a moslim not a kafir nationalist Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2010 yaa tahay;683468 wrote: im a moslim not a kafir nationalist and what is moslim ???? Quote Share this post Link to post Share on other sites
yaa tahay Posted December 28, 2010 Jacaylbaro;683471 wrote: and what is moslim ???? someone who rejects and desbliefs in the taghout and beliefs in Allah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2010 MOSLIM ??? ........... where does it exist ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted December 28, 2010 one more question: alshabab ma muslim or gaalo? Quote Share this post Link to post Share on other sites
yaa tahay Posted December 29, 2010 Jacaylbaro;683476 wrote: MOSLIM ??? ........... where does it exist ?? maxaa kawadaa yacni where does it exist??? Quote Share this post Link to post Share on other sites
yaa tahay Posted December 29, 2010 Polanyi;683478 wrote: one more question: alshabab ma muslim or gaalo? alshabaab waa gaalo sababtoo ah they do takfir on the rulers becouse they rule with something other then the Sharia lakiin they say about the supporters of the rulers waa muslim. there r so many other things oo alshabaab muslim ku aheen lakiin this one is the most visible Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qodax Qorax Posted December 29, 2010 Jacaylbaro;683471 wrote: and what is moslim ???? JB, Moslim is someone who lost weight after using Hallal diet bars. Check the before and after pictures. Amazing result, where can I get those Moslim's? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted December 29, 2010 wat about takfir wal hijra? Quote Share this post Link to post Share on other sites
yaa tahay Posted December 29, 2010 Polanyi;683660 wrote: wat about takfir wal hijra? takfiir wal hijra? i dont know nothing about theire aqiedah Quote Share this post Link to post Share on other sites