Xaaji Xunjuf Posted December 28, 2010 Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee Gambadha ee Sool fadhigoodu ahaa ayaa la sheegay inay shalay u ruqaansadeen tuulada Tuka-raq ee xuduuda Somaliland iyo Puntland, halkaas oo la sheegay in saldhig ay ka samaysteen. Ilo xogogaal ah oo aanu ka helay deegaanka gobolka Sool ayaa noo xaqiijiyey, in ciidamada qaranka Somaliland oo ku gaashaaman hubka culus ay isku balaadhiyeen xuduudaha bariga Somaliland iyo deegaanada xuduuda ku siman. Dhinaca kale ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helay xalay degmada Buuhoodle ayaa Haatuf u xaqiijiyey in ciidamo ka socda Maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayo Col. Dayr Iska Toos, oo ka mid ahaa maxaabiistii dagaal ee lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Puntland ee dabayaaqadii 2008-kii ku dhex maray tuulada Bali-hadhac ee la cafiyey, markii dambe ay soo gaadheen shalay galab degmada Buuhoodle, taasoo tibaaxuhu sheegeen inay ka soo kicitimeen ciidamadaasi magaalada Garoowe ee Puntland, iyadoo dhinaca kalena la sheegay, in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugnaa deegaanka Maygaagle ee nawaaxiga Buuhoodle ay heegan culus galeen, ka dib markii ay ka war heleen ciidamada Puntland ka yimid, si feejigana isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada ciidanka Puntland ay deegaankaasi ka wado. Wararka ka imanaya deegaanada bariga Sanaag ayaa sidoo kale wargeyska Haatuf u sheegay, in ciidamo ka socda Puntland ay soo dageen tuulada ceeleeyo oo qiyaastii dhinaca bari uga jirta magaalada Laasqoray 130-Km, iyagoo wararkuna intaa ku daraya, in xalay ay ciidamada Puntland iyo Kooxda Atam ee ka dagaalanta buuralayda Galgala ee bariga Sanaag ay hubka hoobiyaha isku adeegsadeen dagaal Madaafiica oo xalay dhex maray. Hase yeeshee ciidamada qaranka Somaliland ayaa dhinacooda la sheegay in si weyn ay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada Puntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 28, 2010 Jacaylbaro;683200 wrote: Stuff & Nonsense Hadhow uun markay xabbadu wiif wiif tidhahdo uun ha odhan wa stuff iyo rasaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 28, 2010 Adeer laf baad toobin ku haysaa ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Polanyi Posted December 28, 2010 DOn't YOU love it when Xaji and Jaceyl play good cop-bad cop.kkkkkkkkkkkkkkkk. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 5, 2011 Nuux Tani oo dhaqdhaqaaqyo ka wada gobolada SSC iyo xubno shirqolaya Buuhoodle oo la kulmay Taliyaha Ciidanka qaranka eeh Somaliland oo maalmihii u danbeeyey ku hawshaynaa tababar loo furay ciidan la beel ah Siilaanyo kuwaas oo laga soo uruuriyey tuulooyinka ay degto Beesha bariga burco iyo quriluqud ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey waxa uu dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday gobaladda SSC Nuux Taani Ismaaciil oo waday sahami ah sidii ay ku qabsan lahaayeen Buuhoodle ayaa waxa uu tagay deegaanadii dhawaanahan lagu dagaalamay isaga oo tuuladda Maygaagle kula kulmay Ragg ka tirsan mamuulka Somaliland ahna beelaha ssc halkaas ku sugan waxase fajiciso ku noqotay shacabka Buuhoodle ka dib markii ay Tuuladda Maygaagle Nuux Taani ay ugu yimaadeen xubno ka soo kicitimay Buuhoodle waxana xubnahaasi hogaaminayey Cabdimaalik Bashiir Baydan iyo Ninka Qaadka Buuhoodle haysta oo lagu magacaabo Dayib Dayib ayaa la sheegay in uu nuux ku amaanay sida wanaagsan ee ciidan ku sugan Maygaagle iyo Kalshaale uu sii maalgaliyey mudadii ay halkaas ku sugnaayeen sidoo kale Cabdimaalik Bashiir Baydan ayaa uu aad u dhaliilay waxana uu ku amray in uu ka qayb qaato qabashadda Buuhoodle hadii kale laga joojinayo Mushahaaradda uu siiyo dadku dhaw dhaw xubnahan ayaa noo xaqiijiyey in ay ka soo balan qaadeen sidii ay uga caawin lahaayeen Nuux Taani qabsashadda Buuhoodle gaar ahaan Dayib oo sheegtay in magaaladu ay isaga u xidhan tahay Nuux Taani ayaa habeenimadii xalayto ahaa ku soo hoyday Widhwidh oo ay u joogaan ciidanka Somaliland waxana uu halkaas ku sugnaa ilaa duhurnimadii maanta isaga oo galabtana u soo caraabay Oog waxana la filayaa in barito uu soo gaadho Laascaanood waxana la sheegay in socdaalkiisan uu yahay sidii uu isku diyaarin lahaa weerar buuhoodle ah isla markaasna uu u dhisi lahaa niyadda ciidanka Somaliland oo dhawr jeer ka waabtay weerar buuhoodle ah aaminsana hadii uu damac ka galo weerar ay ku qaadaan Buuhoodle in lagu jabinayo hase-yeeshee waxaa jira shirqoolo iyo waliba boodh isku qarin balaadhan oo ay wadaan Ciidamada ka amar qaata Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno calooshood u shaqaystayaal ah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 5, 2011 “Madaxweyne Siillaanyo Wali Ma Dhufayskii SNM-buu Ku Jiraa, Muxuu Ciidamada Noogu Soo Daad Guraynayaa, Cornayl Dayr Iska Toos-na Waa Nin Dhul Bahante Ah” “Nuux Taani-Na Colaad Buu Wadaa, Hadii Ay Ka Bixiwaayana Wixii Rag Yeeli Jiray Ayaanu Ku Dhaqaaqi Doonaa, Hadii 60-Kii La Eegayana Anigu Gaatama Ayaan Leeyahay” Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale Hargeysa, January 5, 2011(Haatuf) - Garaad Ibraahim Baaruud Guutaale oo ka mid ah garaadada *********** ee Buuhoodle, isla markaana ka mid ah hogaanka sare ee nabad diidka Buhoodle ayaa walaac ka muujiyay kormeerka Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland Gen Nuux Ismaaciil Taani uu ku marayo ciidamada qaranka Somaliland ee saldhigyadoodu yihiin jiidaha hore ee xuduuda iyo deegaanada gobolada Sool iyo Buuhoodle, isagoo intaa ku daray in ciidamada qaranka Somaliland ay ka baxaan deegaanadaasi, kuna hana jabay in Maleeshiyadooda nabad diidka ahi ay dagaal kala hor tagi doonaan ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanada Maygaagle, Kal-shaale iyo Widh-widh oo uu tilmaamay in ujeedada loo keenay ay tahay sidii ganacanta loogu dhigi lahaa Buuhoodle. http://www.haatuf.net/2009files/1581999.html read here more about garaad gutaale Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 5, 2011 The Zack;683074 wrote: Jacaylbaro, CAYN is what the C stands for in SSC . Sool, Sanaag, and Cayn. Buhoodle is one of the towns located in Gobolka Cayn. Zak, JB knows more than anyone else about Cayn ee waa case iska waal.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 6, 2011 Anigu Cayntaas ma garan waaryaa ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 6, 2011 hantiidi qurbajooga ssc oo gacanta u gashay Mahad cambaashe Published on january 5,2011 by taleex media Faadumo cali aw Maxammad oo ka mid a Hooyooyinka ku dhaqan magaalada buhoodle xarunta Gobolka cayn ayaa wax bixiyey hab dhaqanka kooxdi ku qudhaanabn jirtay magaca shacabka Sool sanaag iyo cayn, Faadumo waxay ay dabolka ka qaaday in hantiidi qurbajooga soo direen lagu tagriffaly qaarna loo waariday magaalada laascaanood oo ay gacanta u gashay cadwaga deegaanka ssc haysta xigasho xargaga.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 6, 2011 Badhsaabka Cusub ee Buuhoodle oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyo Magaalo Madaxda Gobolkaas January 6th, 2011 Buuhoodle (Somaliland.Org) Badhasaabka cusub ee xukuumadu dhowaan u magacawday gobolka Buuhoodle Md Axmed Maxamed Faarax, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle. Ka dib markii uu halkaas gaadhay gelinkii dambe ee Salaasadii doraad. badhasaabku markii uu gaadhay magaalada Buuhoodle waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay ururada bulshada sida ururada dhalinyarada oo ay iska xog waraysteen adeegyada bulsho ee gobolkaasi. Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu xiligan sido mushaharkii ay ku shaqeynayeen cuqaasha gobolkaasi,waxaanu madaxdhaqameedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugida iyo adkaynta nabadgelyada. Sidoo kale, waxa magaalada Buuhoodle tagay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer kuwaasi oo ku labisnaa dirayskoodii isla markaana watay gaadiidkoodii. Waxa saraakiishaasi ciidanka Booliska halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamada gobolka Buuhoodle ka joogay Somaliland. Waxa la sheegay in saraakiishaasi ay u socdeen hawlo la xidhiidha dhinaca ammaanka. Waa markii u horraysay ee taariikhda saraakiil ka socda Ciidamada ammaanka ee Somaliland ay tagaan magalaada Buuhoodle dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted January 6, 2011 Fidmad wadayaal bay Somaliland noqotay, war hoy ka jooga. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 6, 2011 ^^ Somaliland waligeed ba fidmo ma wadin , fidmada wanu iska fogeyna hadanu nahay reer soomaaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 6, 2011 Fidmo ka weyn inaad magaalooyin aydan shaqo ka lahayn inaad ku duushaan in the name of aqoonsi raadis bal sheeg Xaaji mujaahidow... Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted January 6, 2011 Xaaji Xunjuf;685958 wrote: Badhsaabka Cusub ee Buuhoodle oo Si Diiran Loogu Soo dhaweeyo Magaalo Madaxda Gobolkaas January 6th, 2011 Buuhoodle (Somaliland.Org) Badhasaabka cusub ee xukuumadu dhowaan u magacawday gobolka Buuhoodle Md Axmed Maxamed Faarax, ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle. Ka dib markii uu halkaas gaadhay gelinkii dambe ee Salaasadii doraad. badhasaabku markii uu gaadhay magaalada Buuhoodle waxa uu kulamo gooni gooni ah la yeeshay ururada bulshada sida ururada dhalinyarada oo ay iska xog waraysteen adeegyada bulsho ee gobolkaasi. Badhasaabka cusubi waxa uu sheegay inuu xiligan sido mushaharkii ay ku shaqeynayeen cuqaasha gobolkaasi,waxaanu madaxdhaqameedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sugida iyo adkaynta nabadgelyada. Sidoo kale, waxa magaalada Buuhoodle tagay afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer kuwaasi oo ku labisnaa dirayskoodii isla markaana watay gaadiidkoodii. Waxa saraakiishaasi ciidanka Booliska halkaasi ku soo dhaweeyay ciidamada gobolka Buuhoodle ka joogay Somaliland. Waxa la sheegay in saraakiishaasi ay u socdeen hawlo la xidhiidha dhinaca ammaanka. Waa markii u horraysay ee taariikhda saraakiil ka socda Ciidamada ammaanka ee Somaliland ay tagaan magalaada Buuhoodle dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay. Sawiro soo geli soo dhaweyntaa aad sheegtay waa hadii ay run tahay.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 6, 2011 A_Khadar;685970 wrote: Fidmo ka weyn inaad magaalooyin aydan shaqo ka lahayn inaad ku duushaan in the name of aqoonsi raadis bal sheeg Xaaji mujaahidow... anagu meelna kuma duuleyno saaxib , Dhulka uun bey amaanka sugayaan ciidanka qaranku, shaqadoodu na waxa weye inay shacabka ilaaliyan Quote Share this post Link to post Share on other sites