Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Sifir Arrives Hargeisa, Welcomes the Pardon

Recommended Posts

Siyaasiga Sifir oo dalka dib ugu soo noqday maanta

 

 

 

 

Siyaasiga Hore u aaminsanaa Mabada Soomaliweyn Maxamud C/laahi Jaamac (sifir) ee Dhawaan uu cafiyey M/weynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday .

 

 

Maxamud C/laahi Jaamac (sifir) oo maanta ka soo degay Madaarka Diyaardaha ee Magaalada Hargeisa ee Hargeisa International Airport iyada oo madaarka ay ku soo dhaweeyeen dadweyne isugu jira Siyaasiyiin Salaadiin Xildhibaano iyo dadweyne kale.

 

 

Maxamed C/laahi Sifir oo ah siyaasi u dhashay Somaliland oo mudooyinkii danbe dalka dibada kaga maqnaa isaga oo xilal ka soo qabtay xukuumadii loo dhisay Somalia ayaa isaga oo ugu waramay madaarka Hargeisa Warbaahinta sheegay in uu muddo Todoba sano ah dalka ka maqnaa isla markaana uu mudadaas ka qayb galay siyaasado badan oo dalka dibadiisa ah .

 

 

Mr Sifir ayaa ka dhawaajiyey in la gaadhay wakhtigii uu rabitaanka iyo siyaasada dadkiisa uu ka shaqayn lahaa mar uu ka jawaabayay in uu ka qayb galayo siyaasada dalka waxa uu yidhi haddii la ii baahado diyaar ayaan u ahay in aan u shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa .

Mar uu ka jawaabayay Mudane Sifir aragtidiisii hore ee uu aaminsanaa waxa uu yidhi in adduunkaba in dalal hore oo midaysnaa ay jireen sida Midawgii Soofiyeeti balse markii danbe ay kala noqdeen wadamo kala gaar ah sidaa darteedna ay Somaliland la mid tahay dalalkaasi dib u kala noqday .

 

 

Mr Sifir oo muddo dheer dalka kaga maqnaa isla markaana ka mid ahaa dawladii u danbeeyey ee dibadaha loogu soo dhisay Somaliya xilal sarena ka qabtay kana soo horjeeday gooni siu taaga Somaliland ayaa M/weyne Axmed Siilaanyo uu cafis u fidiyey dhawaan ka dib markii uu soo codsaday cafiskaa kana noqday mabdii uu hore u aaminsanaa..

 

 

 

 

Warqabadka TogaHerer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this