Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The Chairman of the central bank of Somaliland visits Borama Pics

Recommended Posts

Wafti uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland oo booqasho gaaban ku yimid magaalada Borama+Sawiro

 

20/12/10-Borama-(Bnn) Guddoomiyaha Bank-ga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi iyo Qasnajiga guud ee Bank-ga dhexe Cabdi Guuleed ayaa booqasho howleed oo ay ugu kuur-galayaan howlaha Bank-ga Boorama ku yimid magaalada Boorama.

 

Mas’uuliyiintaan waxaa xarunta Laanta Bank-ga ee Boorama kusoo dhaweeyay Maamulaha laantaasi Maxamed Aadan Xaashi, waxuuna sheegay inay Shaqaalaha yihiin kuwa shaqada Bank-ga si wanaagsan u garanaya una badan yihiin Haween.

 

Guddoomiyaha Bank-ga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa booqday qeybaha uu ka kooban yahay Laanta Bank-ga ee magaalada Boorama, iyadoo mas’uuliyiinta laantaasina ugu warbixiyeen qaabka ay u shaqeeyaan iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si howsha Bank-ga ee Boorama hakad u galin.

 

Guddoomiyaha Bank-ga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa kulan la yeeshay Ganacsatada magaalada Boorama iyo Wakiilada Xawaaladaha ka howl-gala Boorama, waxuuna sheegay inay ku tala jiraan sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha dalka iyadoo ay iskaashanayaan Ganacsatada iyo Xukuumada Somaliland.

 

“Ganacsatada reer Boorama ee doonaya inay wax kasoo canshuurtaan Berbera ama wax kasoo iibsadaan Hargeysa, jeeg ayaa loogu sameynaya laanta Bankiga ee Boorama kaaseey lacagteey u baahdaan ama waxii Cash ahaan kaga qaadanayaan Bank-yada Berbera ama Hargeysa, taasi oo lagu badbaadinayo lacagta baabuurta lasaaro ee sababaya go’go iyo duuga ka dhiga” ayuu yidhi Guddoomiyaha Bank-ga dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir.

 

Mar uu la hadlayay Ganacsatada & Wakiiladaha Xawaaladaha waxuu sheegay in 4-toddobaad kahor uu Hargeysa kula kulmay madaxdooda ku sugan Hargeysa kalana hadlay sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa.

 

Ganacsatadii kulankaan ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Bank-ga dhexe ugu baaqay inuu Baanka Boorama u shaqeeyo sida ay u shaqeeyaan Bank-yada kale ee Somaliland ku yaala, iyagoo sheegay in Baanka Boorama yaaliin 10 iyo 20 Sh. SL, iyagoo sheegay in Boorama aan laga isticmaalin lacagta jeexan ee Somaliland taasoo shacabka dhibaato xoogan ku qabaan.

 

Socdaalka uu Boorama ku yimid Guddoomiyaha Bank-ga Dhexe ee Somaliland ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo noociisa ah, waxuuna socdaal ku marayaa gobolada kala duwan ee Somaliland, isagoo soo maray degmada Saylac ee gobalka Salal.

 

Kormeerkaan Guddoomiyaha Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa waxa uu hormood u yahay dedaalka xukuumada cusub, gaar ahaana Baanku ugu jiro hagaajinta iyo isku dheeli-tirka hawlaha maaliyadda oo kastamadu iyo laamaha Bank-yada ay laf-dhabar u yihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this