Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia president Sh Sharif says my army needs to stop chewing qaad

Recommended Posts

Shariif : “ Ciidanku waa inay joojiyaan isticmaalka qaadka”

 

Muqdisho:( Sh. M. Network) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka hadlayay Munaasabada 67-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka codsaday askarta haatan ka tirsan ciidamadaasi inay isku dayaan joojinta isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan qaadka.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu sheegay in uu ka warqabo joojinta isticmaalka qaadka inay tahay mid adag hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in uu rumeysanyahay inay jiraan askar go’aan ka gaari karta sidii ay isaga joojin lahaayeen qaadka, isagoo kula taliyay kuwa kale in si tartiib tartiib ah ay u joojiyaan.

 

“Dad badan waxaan rumeysanhay inay go’aan ka gaari karaan cunista qaadka, kuwa kale waxaan leeyahay yareeya maalmihii aad cuni jirteen, yareeya waqtigii aad cuni jirteen sidoo kale yareeya qeybtii aad cuni jirteen” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa si sarbeeban ciidamada dowladda ugu baaqay in hadii ay iska dhaafaan qaadka lacagtii ay ka bixin jireen aanay u isticmaalin waxyaabo kale oo muqaadaraad ah, isagoo kula taliyay inay reerahooda ku biilaan si naloshooda ay u wanaagsanaato.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya Cali Max’ed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) oo goobtaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in horay taliska boolisku uu u soo saaray awaamiir ku aadan in ciidanka boolisku aanay isticmaalin qaadka, askarigii arintaasi lagu helaana uu muteysan doono ciqaab adag, waxaana uu intaasi ku daray in wali ciqaabtaasi ay taagantahay.

 

Hase ahaatee marka laga soo tago *****lida taliska ciidanka Booliska ee ku aadan in askarta dowladda aysan qaad isticmaalin ayaa waxaa meesha ka saaraya arintaasi xog ogaalnimada madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo ciidanka qudhooda kula dar daarmay inay qaadka joojiyaan maadaama howl culus laga sugayo.

 

Inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ay Maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaad ku arkeysa ciidamo aad u farabadan oo ka tiran dowladda KMG Soomaaliya xiliga uu qaadku soo dagayo, kuwaasi oo kuu muuqanaya iyagoo dhooban meelaha lagu iibiyo qaadka, waxaana mararka qaar dhacda in ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay aagag hore ee dagaalka uga soo baxaan qaad awgiis marka la gaaro xiliga uu jaadku soo dhaco, taasi oo keenta in Al Shabaab ay si fudud uga faa’iideystaan qabsashada goobahaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Xaaji Xunjuf;681461 wrote:
Sh sharif manu nin ahayn wamaxay ha noolato waxad tidha sh sharif ha noolado lol

Xaaji waa typo dee...wax kale maad weysey aad qabsato. Aniga I'm multitasking oo 2 sec window ayaan wax ku type gareynooyaa ok...

 

Sharif Ha Noolaado! waakaas...soo ok ma ahan hadda... :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Khat has it's ups and downs. It's like a caffeine it keeps you aware & awake especially during at nightime operations in battlefields. On the other hand the negatives (it makes people lazy in the daytime.)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this