Sign in to follow this  
General Duke

Deh Deg : Shabab oo caawa Xabsi u taxaabay Daahir Aweys hubkii iyo ciidamadii X.Islaam oo hal xiro l

Recommended Posts

Deh Deg : Shabab oo caawa Xabsi u taxaabay Daahir Aweys hubkii iyo ciidamadii X.Islaam oo hal xiro la iskugu geeyay

 

Deegaanadii ay ka tali jireen Xisbul Islaam iyo hubkoodii waxaa caawa gacanta ku haya Al-Shabab

 

Deegaanadii ay ka tali jireen Xisbul Islaam waxaa caawa gacanta ku haya Al-Shabab kuwaasi oo si lama filaan ah ula wareegay dhamaan hubkii Oday Xasan Daahir Aways iyo ciidamadii Xisbul Islaam oo caawa hal xiro lagu aruuriyay

 

Ciidamadii Al-Shabab ee ku sugnaa Tree disha ayaa u ruqaansadeen dhanka Siinka dheer iyo Ceelasha kuwaasi oo gabi ahaan la wareegay goor dhow gacan ku hayntii goobahaasi .

 

Degmada Afgooye waxa iyadana gacanta ku dhigay ciidamo uu hogaaminayay nin magiciisa lagu soo gaabiyay Sheikh Ayuub oo ka soo jeeda Asal ahaan gobalka Bakool .

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in isla sacadani Xisbul Islaamkii Xamar joogay gaar ahaan wadadii Aadan Cade hubka laga wareejiyay iyo Aagii ay ku jiraan .

 

Ciidamda hubka laga qaaday ayaa waxaa haatan la geeyay Xeradii Maslax ee duleedka Muqdisho kuwaasi oo isla caawa loo bilaabay wacyi galan dhanka Maskaxda ah .

 

Sarkaal magaciisa diiday oo Shabab ah ayaa inoo xaqiijiyay in caawa kadib la maqli doonin Magaca Xisbul Islaam madama Saraakiishii Xisbul Islaam gacanta cawa lagu dhigay .

 

Xasan Daahir Aweys Guddomiyah Xisbul Islaam ayaa haatan waxaa la geeyay Beer ku tala Afgooye halkaasi oo uu kula kulmay Sheikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur iyo ciidankii qabsaday Afgooye .

 

Wadadka ayaa waxa uu abuu mansuur ka codsaday in loo cafiyo hadaladii labadani maalmood uu Idacadaha ka sii daayay ee ahaa in ay Al-Shabab la dagaalamayaa .

 

Si kastaba ha ahaatee dhamaan Goobihii Xisbul Islaam cawa waxaa ku hoyana Shabab ,Hogaamiye Xasan Aweysna cawa waxa uu ku jiraa Xabsi Guri lama yaqaano waxa ay ka yeelayaan .

 

 

onkod.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this