Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland finance Minister returns back home from Djibouti

Recommended Posts

Maxamed Xaashi oo dalka Dib ugu soo noqday ka dib markii xaalad caafimaad loogu qaaday dhawaan Jibuuti..

posted by: Webmaster

 

Hargeysa/ToggaHerer

 

Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Maaliyada Somaliland oo muddo Todobaado ah ugu maqnaa Wadanka Jibuuti Xaalad Caafimaad ayaa maanta dalka dib ugu soo noqoday.

 

Eng Xaashi oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa isaga oo ku sugan Madaarka Caasimada ee Hargeisa u sheegay warbaahinta in uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay waxaanu u mahadceliyey intii gacan ka geystay wax ka qabashada caafimaadkiisa.

 

Wasiir Xaashi ayaa u mahadceliyey dadka ay ka mid yihiin Marwo Samsam Cabdi oo ka hawl gashay qaadisdiisa Jibuuti iyo Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo aqbalay soo diritaankii diyaaradii degdega ahayd ee Jibuuti u qaaday .

 

Wasiirka Maaliyada Eng Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in la aqbalay ducadii ay bulshada Somaliland u soo diraysay maadama oo isaga oo caafimaad qaba uu ku soo guryo noqday dalka waxaanu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka qayb qaatay gurmadkii caafimaad sida Dhakhaatiirta Saaxibadii iyo eheladii ba waxa uu kale oo si gaar ah ugu mahadnaqay dadkii ku soo dhaweeyey Jamhuuriyada Jibuuti oo ay ugu horeeyaan Jaamac Xayd, Axmed Cismaan Geele Arab , Maxamed Aw Siciid , Labada Cisbitaal ee Malatariga Faransiiska iyo Cisbitaalka Samra ee Jamhuuriyadda Jibuuti.

 

Madaarka Hargeysa Interanational Hargeisa Airport waxa ku soo dhaweeyey Eng Xaashi Wasiiirada Duulista iyo Hawada , Ganacsiga , Shirgudoonka Golaha Wakiilada Marwada Kowaad ee M/weynaha,Afhayenka Madaxtooyada, Madaxa Paratacol Ka madaxtooyada .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Maaliyada Oo Dalka Ku Soo Guryo Noqday Kana Hadlay Sidii Jabuuti Loogu Soo Dhaweeyay

December 20th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu muddo sadex todobaad ah lagu dawaynayay cisbitaal milatari oo ku yaala wadanka Jabuuti.

 

Wasiirka maaliyadda oo maanta ka soo degay madaarka Hargeysa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirrada Waxbarasharada, Duulista iyo Hawada, Marwada Madaxweynaha, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Madaxa Baratakoolka iyo Suldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan.

 

Wasiirka Maaliyada oo ka hadlayay xaaladiisa caafimaad wuxuu yidhi “Xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waxaanan u mahad celinayaa Wasiirka waxbarashada oo kaalin weyn ka qaadatay qaadistaydii Jabuuti, Maxamed Aw- Siciid oo ii soo diray diyaarad deg dega ah, Jaamac Maxamuud Xayd iyo masuuliyiinta dawlada Jabuuti iyo cisbitaalkii la igu dawaynayay oo aan mahad weyn ka sheeganayo.waxa kale oo aan ammaan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo Jaamac Xayd.”

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu u mahad celinayo dadweynihii reer Somaliland ee xanuunkiisu dhibayay.

 

Wasiirka Maaliyaddu waxa sugaysa isku dubo ridka odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2011-ka, waxaana shaqaalaha iyo ciidamada dawlada uga fadhiyaan inuu mushaharka u kordhiyo 300%, arrintaasi oo uu balan qaaday xisbiga KULMIYE xiligii uu olalaha doorashadii madaxtooyada lagu jiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why do people, including Somalilanders care about him coming back? Cajeeb, you don't see the Brits waving their flags, and holding musical parties when a minister comes back?

 

And this is about all Somalis. We have the same thing in Galbeed!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this