Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Garoowe: 43 Referees from across Somalia being trained in 5 days Seminar

Recommended Posts

In ka badan 40 tababare iyo seminaar looga furay Garowe

 

20. December 2010

 

Ugu yaraan 43 macallin oo kubada cagta ah kana kala yimid gobalada dalka Soomaaliya ayaa maanta u fariistay tababar aqoon kororsi ah oo socon doona muddo 5 maalmood ah.

 

Tababarkan ayaa waxaa bixinaya Macalinka macalimiinta Cawil Ismaaciil Maxamed iyadoo Garsoore Hore oo caalami ah Macalin Cali Maxamed Axmed uu isna Macalimiinta siinayo casharro la xariira waxyaabaha tababarayaasha ka quseeya xeerka kubada cagta.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo furitaankii seminaarkan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarkan ujeedadiisu ay tahay in lagu kordhiyo aqoonta macalimiinta taas oo qeyb ka ah dadaalada ku aadan horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya.

 

“Qorshaha Xiriirku waxaa uu yahay in aqoonta kubada cagta dalka oo dhan lagu baahiyo howshaasna dadka laga doonayo in ay qabtaan waa adinka anaguna waxaan qaadanaynaa doorka nooga aadan ee ah in aan aqoon idin gelino”ayuu xoghayaha guud usheegay macalimiinta tababarka loo furay.

 

“Goballada qaarkood waxaan ku aragnay garsoore hadana koox u cayaaraya marna macalin noqonaya taasna waxaa keeneysa aqoon darrida aan iminka dooneyno in aan ka gudubno”ayuu xoghayuhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Saciid Maxamuud Nuur oo isna furitaankii seminaarkan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in xiriirku sanadka soo socda uu badin doono tababarada iyo tartamada lagu qabanayo gobalada dalka oo dhan.

 

“Waxaan idinku boorinayaa in aad ka faa’iideysataan tababarada noocan oo kale ah”ayuu guddoomiyuhu u sheegay macalimiinta tababarka loo furay isagoo kadibna ku dhawaaqay in tababarku furanyahay.

 

Dhanka kalana tartanka kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya oo ka soconaya magaalada Garowe ayaa galay wareegii 2-aad,waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo 31-ka bishan.

 

By Shafi’i Mohyaddin Abokar (ISLOW)

 

Garowe-Puntland State of Somalika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this