Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: TFG Minister of Planning International cooperation in Puntland State..

Recommended Posts

abdiweli-300x198.png

 

Wasiirka Qosheynta Dawladda Federaalka oo Ka Warbixiyey Safarka uu Ku Joogo Garoowe

December 20, 2010 | 0 comments

Share

 

Raysalwasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka waramay safar uu kusoo gaarey dhowaan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Proff:Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ula kulmay Madax ka tirsan Dawladda Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole.

 

Raysalwasaare kuxigeenka ayaa soo dhoweeyey ciyaaraha gobolada Soomaaliya ee kasoconaaya xilligaan magaalada Garoowe kuna tilmaamay mid aduun weynaha ay soo dhoweyeen.

 

Wuxuu beeniyey in khilaaf ama mugdi ay ka dhaxeyso Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland isagoo tilmaamay in Madaxweynaha Puntland iyo Raysalwasaare Farmaajo ay dhowaan qaateen kulan muhiim ah oo ay kaga hadleen xirrirka labada dhinac,kulankaas oo ka dhacay magaalada Jabuuti.

 

”…Mugdi weyn oo u dhaxeeya TFG-da iyo Puntland aad uma ogi,wax mushkilad weyn hadda ma jirto…”,ayuu yiri.

 

Proff:Cabdiweli waxaa uu intaas raaciyey in xirrirka hadda ee labada maamul la rajeynaayo inuu sii horumaro oo kasii wanaagsanaado.

 

Dhanka kale Raysalwasaare kuxigeenka oo hogaaminaayay Guddi loo magacaabay xalinta beelaha ku dagaalamay duleedka Gaalkacyo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey xalinta labadaas beelood isla markaana la gaarey natiijooyin hordhac ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this