Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dagaal-yahano jihaad doon oo ka tirsan Al shabaab oo so gaaray Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Dagaal-yahano fara-badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay kusoo qul qulaayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, si’ay uga qeyb qaataan dagaaladda xoogan ee lagula jiro dowladda kmg ee Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.

 

Dagaal-yahanadaan oo ku hubeysnaa qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxay ka yimaadeen gobolada Jubooyinka, Baay iyo Bakool, waxayna u badan yihiin dhalinyaro yar yar oo ay tababaro kala duwan u soo gaba-gabeeyeen saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab.

 

Ciidamadaan ayaa waxaa loo-qeybiyay laba qeybood, qeyb kamid ah ayaa waxaa la-geeyay waqooyiga magaaladda Muqdisho, si’ay u xoojiyaan aagaga dagaal ee uu Shabaab ku lee yahay waqooyiga magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Qeybta labaad ayaa waxaa la-geeyay xeryo waaweyn oo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, halkaa oo ay ku yaallaan saldhigyada ugu waaweyn ee ay Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ku lee yihiin magaaladda Muqdisho.

 

Ciidamadaan oo aad u fara-badnaa ayaa waxaa tababaro kala duwan loogu soo dhameeyay gobolada Jubooyinka, Baay iyo Bakool, waxaana la-sheegay in’ay yihiin dagaal-yahano Jihaad doon ah.

 

Maaha markii ugu horeysay oo ay Xarakada Al Shabaab magaaladda Muqdisho soo geliso dagaal-yahano xoogan oo taabacsan, habeen hore ayay ahayd kadib markii ciidamo taabacsan Xarakada Al Shabaab laga kala keenay degmooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this