Abdirazak_PTL Posted December 20, 2010 Amisom oo si Weyn uga Shakisan Heshiiska Puntland & DKMG la Galeen Shirkada Saracen International & Faahfaahin Dheeri ah oo la Ogaaday (Warbixin) Muqdisho (RBC) Warqad ay qoreen saraakiisha sare ee hawlgalka ciidamada Amisom ee kusugan magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Amisom ay si weyn uga shakisan tahay shirkada Saracen Interntional taasoo heshiis dhinaca amniga ah ay la galeen DKMG Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland. “Amisom waxay dooneysaa in faahfaahin buuxda laga siiyo waxa ay tahay hawsha shirkada Saracen International ee la sheegayo in dhinaca amniga loo soo kireystay, taasoo ka hawlgaleysa gobolka waqooyiga ee Puntland. Hawlgalka Amisom waxaa uu ka shaqeeyaa magaalada Muqdisho, waxaana uu si weyn ula socdaa dhaqdhaqaaqyada amni ee gudaha wadanka Soomaaliya. Anagu runtii ma fahamsanin illaa hadda waxa uu noqon karo waajibaadka shirkadan… sidaas darteed Amisom waxay dalbaneysaa faahfaahin dheeri ah in laga siiyo shirkadan”. Sidaasi waxaa lagu yiri warqad ay qoreen hogaanka ciidamada Amisom eek u sugan magaalada Muqdisho taasoo loo diray xafiiska madaxweyne Sheekh Shariif bartamihii bishii November. Waxaa sidan RBC Radio u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan qeybta warfaafinta ee dowlada oo naga codsaday inaan magaciisa la sheegin. Xafiiska Villa Soomaaliya ‘Presidential Office’ Warqadaasi ayaa waxaa markii ay gaartay xafiiska madaxweyne Shariif, waxaa la soo qoray warqad lagu soo saxiixay ‘Presidential Office” oo ah xafiiska madaxweynaha. Waxaana warqadaasi soo qoray C/rashiid Khaliif Xaashi oo ahaa agaasimaha xafiiska madaxtooyada. Warqada C/rashiid Khaliif oo lagu soo qoray English ayaa lagu yiri sidan: DFKMG Soomaaliya way ogtahay heshiiska shirkada Saracen International, wuxuuna intaan ka warqabno ku saabsan yahay arimaha amniga gaar ahaan dhanka badda. Hadda waxaa shirkadu hawsheedu ka bilawday Puntland oo ah maamul goboleed hoos yimaada DFKMG Soomaaliya. Uma maleynayo in wax dhibaato ahi ka dhalan karto dhaqdhaqaaqa noocani oo kale ah, balse waqtiga ku haboon madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha Amisom way ka doodi karaan. Waxaana diyaar u nahay inaan bixino faahfaahino dheeri ah……” Waqtiga hadaladan ay isdhaafsanayaan xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo Amisom waxay ku beegneyd kadib markii la soo gabagabeeyey tababarkii ugu horeeyey ee la siiyey ciidankii ugu horeeyey ee shirkada Saracen International ay u tababartay Puntland kuwaasi oo tiradoodu ay gaareyso 150 askari. Inkastoo warqada laga soo saaray xafiiska Sheekh Shariif loo diray saraakiisha Amisom, ayaa haddana waxaa cad in weli meesha usan ka bixin shakiga Amisom ka qabto dhaqdhaqaaqa shirkadan dhinaca amniga ah, waxayna arintaasi sii xoogeysatay kadib markii dhowr maqaal oo arimaha shirkadaasi ku saabsan lagu soo daabacay wargeysyada waaweyn ee wadamada reer galbeedka iyo Afrika ka soo baxa kuwaasoo faahfaahino xasasi ah ka bixiyey shirkada Saracen International. Maxay tahay Saracen International? Warbixin dheer oo toddobaadkan bilawgiisii uu soo qoray wargeyska East Africa ee dalka Kenya ayaa daaha ka rogtay xogta hoose ee shirkada Saracen International, iyadoo wargeysku xitaa sheegay shakhsiyaadka iska leh shirkada. Saracen International waxaa iska leh nin lagu magacaabo Gen. Caleb Akandwanaho, oo loo yaqaano ‘Salim Saleh’ kaasoo horey uga tirsanaan jiray ciidamada wadanka Uganda. Salim Saleh wuxuu la dhashay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni, waana walaalka yar ee Museveni. Sidoo kale Salim Saleh wuxuu weli yahay la taliyaha sare ee madaxweyne Museveni. Sidoo kale warbixin ay shaacisay wakaalada wararka AP ayaa sheegtay in Saracen International ay soo qoratay labo nin oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanke CIA, kuwaasoo lagu kala magacaabo Pierre Prosper iyo Micheal Shanklin. Halkan ka akhri warbixin hore Halkan ka akhri warbixin hore Labadan nin ayaa la sheegay inay bixinayaan tababarada dhinaca ciidamada ee la siinayo dadka la tababarayo. Waxaana dhaqaalaha ku baxaya kireynta saraakiishan sirdoon bixinaya wadan aan la sheegin. Walaaca Amisom Sida RBC Radio ay u sheegeen saraakiil arimaha militariga ku xeeldheer waxaa Amisom ay ka walaacsan tahay in hawsha Saracen International ay marmarsiinyo u noqoto kooxaha mucaaradka ee Islaamiyiinta oo dagaal adag kula jira DKMG iyo Amisom. Hawsha qarsoodiga ah ee ay wado Saracen International waxay sidoo kale kicineysaa dareenka shacabka Soomaalida oo ad uga horjeeda siyaasadaha reer galbeedka ee gudaha wadanka ka socda. Waxayna dhinaca kale caqabad ku noqoneysaa hawlgalka Amisom oo DFKMG ka caawiya amaanka iyo tababarada ciidamada. Dhaqaalaha ku baxaya Saracen International Sida ay qoreen wargeysyada reer galbeedka isla markaana lagu soo daabacay shabakada www.raxanreeb.com, dhaqaalaha shirkadan Saracen International ku baxaya ayaa lagu qiyaasay $10 milyan, waxaana bixinaya wadan Muslim ah kaasoo ilaa hadda aan la magacaabin. Lama oga sababta loo qariyey wadankaasi dhaqaalaha ku bixinaya hawshan sirta ah, balse waxaa loo badinayaa in wadamada Carabta aysan dooneyn inay ka dhexmuuqdaan arimaha siyaasada Soomaaliya darteed iyo iyadoo wadamada Carabta ay doonayaan inay ilaasadaan wajiga ay u hayaan kooxda Al Shabaab oo dagaal adag kula jirta DFKMG Soomaaliya. Khatarta ka dhalan karta Diblomaasi Mareykan oo u waramay wargeyska East Africa ayaa sheegay in marka uu maqlay warka ku saabsan Saracen International iyo hawsha ay ka wado Soomaaliya uu soo xusuustay hawlgalkii Uganda ka sameysay gudaha wadanka Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo [DRC] sanadkii 1998 ee ay kula dagaalameysay kooxdii mucaaradka ahayd ‘anti-Kampala rebels’ xilligaasoo ciidamada Uganda ay la shaqeyneysay shirkada Saracen International. Faragalintaasi ayaa sida uu sheegay diblomaasiga Mareykanka waxaynatiijo gurracan ku abuurtay shacabka jamhuuriyada DRC iyadoo carqaladeysay guud ahan dadaaladii nabada ee laga waday jamhuuriyada DRC taasoo la mid noqon karta hawsha sirta ah ee Saracen International ka wao gobolada Puntland. Faahfaahin uu qoray wargeyska the Guradian oo laga soo xigtay Maxamed C/raxmaan oo ah wiilka madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa lagu sheegay in ciidamada ay tababarayso Saracen International ay la dagaalami doonaan kooxo burcad ah oo ku sugan degaanka Galgala ee gobolka Bari, halkaasoo ahayd meeshii ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad taabacsanaa hogaamiyaha Maxamed Siciid Atam. Wargeyska the Guardian ayaa sheegay in Galgala aaney kujirin meelaha lagu yaqaano falalka burcad badeednimada ee ka jira Puntland. Aragtida caalamka Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka hadlay arinta Saracen International ayaa ka dhawaajiyey walaaca laga qabo in Saracen International ay ku xadgudubto cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya la saaray 1992 ka dib markii ay sooifbexeenin heshiiska Saracen International ku jiri karo in hub dibada laga keeno oo la soo galiyo Soomaaliya. waxayna Qaramada Midoobay sheegtay in si deg deg ah loo baarayo xiriirka Saracen International iyo cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya. Dhinaca kale afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Mareykanka P.J Crowley ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Washington wuxuu ku cadeeyey in dowlada Mareykanka ka warqabin arintan, wuxuuna sidoo kale sheegay in xitaa Mareykanka uusan ogeyn wadanka dhaqaalaha bixinaya. Ka sokow hadalka afhayeenka wasaarada arimaha dibada waxaa warar hoose ay sheegayaan in waaxda sirdoonka Mareykanka CIA ay bilawday sidii ay wax badan uga ogaan lahayd arimahan. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites