Liqaye Posted March 30, 2011 Golaha wasiirada oo magacaabay taliyeyaha ciidanka xooga dalka iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed War-saxaafadeed shirka golaha Wasiirada Waxaa maanta shir aan caadi aheyn isugu yimid golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) shirkaasi waxaa loo qeybiyay Ajanede ku saabsanaa magacaabida taliyeyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuxigeenka taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay in magacaabida taliyeyaashan ay muhiimad weyn u leedahay fulinta howlaha amniga qaranka sidaasi daraadeed wuxuu ka codsaday wasiirka gaashaandhigga ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi inuu golaha u soo jeediyo hindisihiisa ku saabsan magacaabida taliyaha xoogga dalka. Wasiirka gaashaandhigga oo ka hadlayay taliyaha cusub ee xoogga dalka wuxuu sheegay inuu u soo jeedinayo golaha in G/le sare Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini loo magacaabo taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in G/le sare C/qaadir Sh. Diini uu yahay sarkaal waaya aragnimo dheer u leh maamulka xoogga dalka wuxuuna soo qaaday wasiirku isagoo ka hadlayay taariikh nololeedkiisa inuu noqday taliye kuxigeenkii xoogga dalka mudadii u dhaxeysay 1987-1989, sidoo kale wuxuu soo noqday taliye ka ahaa dugsigii tababarka ciidanka ee Bali-doogle 1982-1985, 1979-1980, wuxuu noqday taliyaha Booliska/ Millateriga (Police force), haatana wuxuu ahaa La-taliyaha arrimaha ammaanka ee xukuumada federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed, iyo caalamka. Heerkiisa waxbarashada. 1989-1990 Us army Carlisle, PA U.S.A. 1986-1987 Us army Command and General Staff College, PA, U.S.A 1986 Us army John F. Kennedy Special Warfare Center and School, Fort Bragg, NC U.S 1972-1974 Military Academy, Odessa, Ukraine Luqdaha uu ku hadlo 1. Somali 2. English 3. Arabic 4. Russian Warbixinta Wasiirka gaashaandhiga uu ku tilmaamay waaya-aragnimada shaqo iyo heerkiisa waxbarashada ee taliyaha cusub kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado magacaabida taliyaha xoogga si loo ansixiyo. Dhamaan Golaha wasiirada waxay isku raaceen in G/le sare C/qaadir Sheekh Cali Diini uu noqdo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kolkaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu golaha u soo jeediyay in Booliska Soomaaliyeed loo magacaabo taliye cusub iyo kuxigeenkiisa wuxuuna ka codsaday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax inuu golaha u faah faahiyo hindisihiisa ku aadan taliyaha cusub waaya-ragnimadiisa shaqo iyo heerkiisa waxbarashadada Wasiirku wuxuu golaha u sheegay in G/le sare Dr. Shariif Sheekhunaa Maye uu soo jeedinayo inuu noqdo taliyaha Booliska Soomaaliyeed kuxigeenkiisana uu noqdo G/le sare C/xakiin Daahir Saciid Xaashi. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka oo ka hadlayay G/le sare Dr. Shariif wuxuu sheegay inuu yahay jaamici dhanka sharciga, waxna ku bartay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed. 1970 ayuu ku biiray tababar dembi barista una tegay dalka Talyaaniga (Aplicazione die Carabinieri) 1985-1987 Studied af Financial Law in Rome (Italy) at Scuola Applicazione dei Scuola Superiore della Plizia Tributaria (Ciidanka illaalinta canshuuraha) 1980 waxaa loo magacaabay kuxigeenka xeer illaaliyaha guud ee Maxkamadii Badbaadada Qaranka. 1981-1983 wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamada badbaadada Qaranka ee gobolada Galbeed ee Soomaaliyeed 2001- wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii dowladdii TNG Carte Luqdaha uu ku hadlo 1. Somali 2. Italian 3. Swedish 4. Swahili 5. English Warbixinta wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee ku aadaneyn waaya-aragnimada iyo heerka waxbarasho ee taliyaha Booliska Soomaaliyeed Dr. Shariif Sheekhuna iyo kuxigeenkiisa C/xakiin Daahir Saciid kadib, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu golaha u jeediyay in cod loo qaado taliyaha Booliska iyo kuxigeenkiisa. Dhamaan golaha Wasiiradu waxay isku raaceen magacaabida taliyaha Booliska ee cusub Mudane Dr. Shariif Sheekhuna Maye iyo kuxigeenkiisa mudane C/xakiin Daahir Saciid (Saacid). Xafiiska afhayeenka Xukuumada Mudane Cabdi Xaaji Gobdon media@opm.gov.so Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 Warsaxaafadeed: Golaha wasiirada oo go'aan ka soo saaray dawla goboleedyada la dhisanaayo War-saxaafadeed shirka golaha Wasiirada Shir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada uuna shir gudoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Mudane: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday qaabka federalism-ka iyo habdhismeedka dawlad goboleedyada. Sida uu qabo axdiga KMG dawladda Soomaaliya waxay dhiira galinaysaa hirgelinta nidaamka Federaalka, waxayse ka digaysaa in dalka Jamhuuriyada Soomaaliya laga dhigo degmooyin yar yar oo jufooyin u kala qo-qoban lana abuuro iska horkeen dadka walaalaha oo hadaba nabad kuwada nool. Axdiga KMG qaranka waxa uu qabaa in la dhiiragaliyo dawlad goboleedyada dhismay ka hor inta aan la samayn axdiga KMG qaranka, sida ku cad axdiga, dawlad goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan oo ka mid ah 18-kii gobol kuna yimid tilmaanta sharciga, jihaynta dawlada dhexe iyo rabitaanka dadka. Sidaa awgeed, wax kasta oo ku yimaada si aan waaqasanayn nidaamka aan soo sheegnay waxaa loo aqoonsanayaa waxba kama jiraan. Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay ka digtoonaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada noolaanshahooda dhaawici kara. Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mobile: +252-615536608 +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 Madaxweyne Sheekh Sharif oo Guddoonsiiyaay Shahaado Sharaf Dahir Cabdullahi Kadiye. War-Saxaafadeed: (Muqdisho, Soomaaliya, Maarso 29/ 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta waxa uu Guddoonsiiyaay Shahaado Sharaf Muwaadin Soomaliyeed oo lagu magacaabo Mudane Dahir Cabdullahi Kadiye. Madaxweynaha ayaa bixiyay shahaadada kadib markii uu mudane Daahir Cabdulaahi Kadiye uu doorweyn ka qaatay sii deyntii Paul and Rachel Chandler oo ahaa lamanayaasha Ingriiska ee burcad badeeda heysatay muddo dheer oo gaareysa Sanad iyo bilo. Madaxweynaha ayaa u bogaadiyay Mr. Daahir iyo dhamaan dadkii ku wehliyey, isagoo saxaafada la hadlay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay in ay Shacabka Soomaliyeed abaaro xun oo keenay in ay dad Soomaliyeed iyo xoolohoodiba ay gaajo iyo harraad dartiis ay u geeriyodeen, loona baahanyahay in deg deg loo gargaaro. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif. Sh. Axmed ayaa sheegay in beryahaan ay soo bateen warqado been abuur ah oo Dowladda laga sameeyo,oo aad usoo laalaabtay, isaga oo udigay cid kasta oo arintaas ku hawlan cideey rabto ha noqoto, isla markasina ay ciqaab mudandoonta oo aan la cafineeyn waqtiga ay noqotana sharciga la hortaagidoono. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Moqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 Xukuumadda KMG Soomaaliya ka hadashay nidaamka Federaalka kana digtay in la kala jarjaro dalka Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Kulan golaha wasiirrada DKMG ah ay ku yeesheen Muqdisho shalay ayaa looga dooday habka federaalka ama goboleysiga ee dalka Soomaaliya kaasoo ay dowladda Soomaaliya ku dhisan tahay. Kulanka oo uu guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si weyn looga dooday dowlad-goboleedyada kusoo badanaya dalka, iyadoo wasiirradii kulanka ka qaybgalay ay fikirado ka jeediyeen. "Sida uu qabo axdiga KMG ah ee Soomaaliya waxay xukuumaddu dhiira-galinaysaa hirgelinta nidaamka federaalka, waxayse ka digaysaa in dalka Soomaaliya laga dhigo degmooyin yar-yar oo jufooyin u kala qo-qoban lana abuuro iska horkeen dadka walaalaha oo hadda nabadda kuwada nool," ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Boonow oo saxaafadda la hadlay shirkaas kaddib. Dastuurka DKMG ah ayaa ku dhisan nidaamka federaalka ah, iyadoo xukuumaddu ay soo jeedisay inay aqoonsan tahay dhammaan maamul goboleeyada dhismay la go'aansan ku dhaqanka federaalka, balse ay ka digayso wax walba oo carqalad ku noqon kara. "Dawlad goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan, iyadoo la eegayo 18-ka ee ay Soomaaliya ka kooban tahay kuna yimid tilmaanta sharciga, jihaynta dawladda dhexe iyo rabitaanka dadka," ayuu yiri wasiirka dastuurka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in wax ka yar laba gobol ay noqdaan maamul goboleed, waxaana go'aankan golaha wasiirrada uu imaanayaa iyadoo ay kusoo badanayaan dalka maamul goboleedyo looga dhawaaqayo deegaanno ka mid ah kuwa Soomaaliya. Ugu dambeyn, bayaanka laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay uga baaqayso dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan wax kasta oo midnimadooda iyo wada noolaanshahooda dhaawici kara. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 Hab-raaca marxaladda kala guurka iyo qorshe howleedka dowladda 2011-2012 Dowladda Fedralka kmg ee Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta maamul leh hufnaan karti iyo ujeeddooyin qeexan islamarkaana Xanbaarsan Qaabka ugu Haboon ee looga gudbi karo xiliga ku meel gaarka iyadoo Dalka aanay ka dhicin Xili dowlad la’aan (vacuum). Aragtida Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Hirgelinta & ku Dhaqanka shareecada Islaamka, Nabad kuwada Noolaansho , Midnimo, Talo wadaag, Iskaashi & in Shacabka Soomaaliyeed soo Ceshada Kaalintii, Sumcadii iyo Haybadii uu caalamka ku lahaa, Noqdana xubin firfircoon oo Buuxiya kaalintii uu aduunka kaga Jiray. UJEEDOOYINKA: · Ujeedooyinka Dowladda Federalka kmg waxaa ka mid ah Baadi goobka, Midaynta, Kalsoonida, Qadarinta , Iskaashiga & is ixtiraamka Dhamaan Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed, Beesha, Caalamka & Wadamada Dariska . · Dhismaha Wadanka Guud ahaan gaar ahaan Dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Caddaalada, Shuruucda, Dhaqaalaha, Dib u Heshiisiinta, Arrimaha Bulshada, Hubka dhigista & Dhaqan Celinta. · Tayeynta, Abuurista & Howl gelinta Hay’ado leh Qaab Maamuleed Hufan oo leh Laxisaabtan Qeexan (Tranesprency and Accountipilty). QORSHAHA LOOGA GUDBI KARO MARXALADA DHAMAADKA WAKHTIGA TFG EE AUGUST 2011: Ugu horeyn waxaa haboon in lays weydiiyo sida ugu haboon ee loo wajihi karo marxalada dhamaadka Wakhtiga TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011. Waxaa Muuqata Muhiimada Jiritaanka TFG & Axdiga kmg inta laga gaarayo Dowlad Rasmi ah oo dalku yeesho, dhamaan Masuuliyiinta, Heyadaha iyo Shuruucda Dalka waxay ku dhisan yihiin Axdiga kmg iyo Shuruucda kalee lagama maarmaanka ah. • Haddaan dib ugu laabano Axdiga kmg Qodobkiisa 32aad Faqradiisa 1aad wuxuu leeyahay mudada Golaha Shacabku waa (Shan) Sano. • Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 4aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabka lama kordhin karo. • Isla Qodobkan 32aad Faqradiisa 2aad ayaa leh Mudada Golaha Shacabku waxay ku egtahay Taariikhda la ansixiyo Doorashada Xigta ee Golaha Shacabka. • Hadaan eegno Qodobkan 32aad faqradiisa 4aad waxaa baabiyay heshiiskii Jabuuti 2009 kaa soo ogolaaday in wakhtiga Dowlada Federalka kmg lagu kordhiyo 2 sano. • Sidaas darteed waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo Jiritaanka dowladnimada ka hor intaanay dhamaanin Wakhtiga Sharcigu tilmaamay iyadoo loo maraayo qaabka sharci ahaan ugu haboon isla markaana ay ku jirto danta guud ee dadka, dalka iyo diinta. • Haddaba waxaa lagama maarmaan ah inaan is barbar dhigno dhammaan talaabooyinka Axdigu tilmaamayo iyo marxaladaha lagama maarmaanka ah ee ay Duruuftu Keentay. • Waxaa loo baahan yahay in dhammaan rabitaanada shakhsiga & danaha gaarka ee Siyaasadeed Laga hormariyo danaha dalka, Shacabka, diinta iyo badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed. • Hadaan eegno dhammaan talaabooyinka suura galka si Heyadaha Dastuuriga ee Qaranku uga gudbaan marxaladan kala Guurka oo run ahaantii ku soo beegantay. 1. Xili aad xasaasi u ah oo dalku ku jiro dagaal ay kooxaha nabad diidka ahi ku hayaan dhammaan Shacabka Soomaaliyeed. 2. Abaaro Saameeyay dhammaan dalka Soomaaliyeed Dad & Duunyo. 3. Barakac ay sababeen Dagaalo & Abaaro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 MUUQAALKA & NIDAAMKA DAWLADDA TFG EE XILIGAN Waxaa si hufan u Muuqata Nidaam Dowladnimo oo Cagaheeda isku taagtay buuxisayna dhammaan Habraacii Dowladdeed Sida: • Baarlamaan Qaran oo si wadaniyadi ku dheehan tahay u gudanaya waajibaadkooda una dhabar adaygay siday dalka uga gudbin lahaayeen marxaladahan qalafsan. • Xukuumad kooban oo leh Furfurnaan Siyaasadeed, oo ay Han weyn u hayaan Shacabka Soomaaliyeed & Beesha Caalamka. • Qaab xisaabeed dheeli tiran lehna miisaaniyad Sanadeed Si sharci ah loo ansixiyay looguna dhaqmayo. • Dhismaha & tayeynta Dhamaan Heyadaha qaranka iyo kaabayaashooda. • Nidaam iyo la xisaabtan Dowlad wanaag oo ku wajahan horumarinta adeega Dadweynaha, Dib u dejinta Barakacayaasha, dhiirigelinta iyo kor u qaadista howlgelada gargaarka Biniadanimo , la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta. • Ciidan Qaran oo Tababaran Diyarna u ah Difaaca & Soo Celinta Nabadgelyada Dalka. • Howlgal ciidan oo si qotodheer looga fikiray loona dhameystiray kuna wajahan soo celinta amniga dalka oo dhan, Lehna qorshe kala horeeya oo wakhtiyaysan . • Qorshaha dhaqan Celinta, abuurista xirfado Shaqo iyo Horumarinta Garaadka ee ku Wajahan dhalinyarada Soomaliyeed taasoo horseedaysa in la badbaadiyo mustaqbalka dalka. • Qorshe Dib u heshiisiineed oo laga hirgalinaayo dhamaan Dalka. • Horumarinta Siyaasada dibada & Iskaashiga Caalamiga. • Dhameystirka & Hirgelinta Qabyo Qoraalka Dastuurka Federalka. Sidaasi darteed dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada Qaranka & qof kastoo ay taabaneyso xaqiijinta Jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah inay ka fikiraan dhammaan marxaladaha lagama maarmaanka iyagoo maskaxda ku haya qodobada kor ku xusan iyo kuwo kaloo badan. Haddaba si loo dhameystiro loona sii taaba geliyo dhammaan geedi socodka Horumarka & Bedbaadinta Qaranka waxaa lagama maarmaana in Xiliga dhamaadka TFG oo sharci ahaan ku eg bisha Augost 2011 isla markaana ay ahayd in loo dareero Doorasho Si shacabku u soo doorto Xildhibaanadii Matali lahaa iyo Madaxdii kale qaranka. HADABA: • Marka si dhaba loo eego xaalada wadanka , xogogaalnimada, waayo aragnimada & masuuliyada naga saran dalka & Shacabka Soomaaliyeed. • Markaan eegno xaalada & xeeladaha cadowga dibada & gudaha. • Markaan Cabiro muuqaalka Siyaasadeed & midka military ee u qorsheysan Dowladda kmg, Markaan Qiimayno Taageerada Beesha Caalamka ee Xiligan. • Waxaa lagama maarmaana inaan Heyadaha Dastuuriga ee Qranka Siino Wakhti ku filan oo ay ku dhameystiraan Howlaha Baaxada leh ee horyaala. • Hadaba Si Dowladda kmg ay dalka uga Saarto Xiliga ku meelgaarka loona helo Dowladd Rasmi ah waxaa lagama maarmaana in la dhameystiro lana hir geliyo Dastuurka Qabyada si shacabka Soomaaliyeed Go,aan uga gaaro Rabitaanka Mustaqbalkiisa. • Sidaas darteed Xukuumada kmg waxaa u cadaatay inaanay Suura gal ahayn in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Bisha Augost 2011 Sidaas darteed Xukuumadu waxay soo jeedinaysaa In Doorashada la Qabto Bisha Augost 2012. • Mudanayaasha sharafta leh waxaan xusuusinaynaa in haddii dalku galo Xili isbedel oo dhinaca Heyadaha Dastuurig ay dhici doonto Khataraha Hoos ku qoran iyo kuwo kaloo badan xitaa haddii saameynta isbedelku qaadaneyso mudo kooban . • Xukuumada KMG iyadoo ka ambaqaadeysa Dhammaan Qodobada Kor ku xusan, Isla markaana aragta Khatarta dhamaan Qodobada Hoos ku Qoran & kuwa kaloo aan halkan lagu soo koobi karin waxay xubnaha Golaha Baarlamanka ee sharafta leh u soo jeedinaysaa inay tixgaliyaan mudnaanta iyo Baahida Dib u dhigista Xiliga Doorashada. Haddii aan mid mid u soo qaadano dhammaan talaabooyinka kale ee laga fakari karo oo ah sidan: ARAGTIDA IN XILDHIBAANADA LAGA SOO DOORTO DEEGAANADOODA: In dalka doorasho ka dhacdo oo xildhibaanada laga soo doorto deegaanadooda waxay u baahan tahay in la fuliyo dhammaan Qodobadan: • Sugida amaanka dalka. • Tiro koob dhab ah. • Xaqiijinta Xuduudaha Degmooyinka & Gobolada. • Sameynta & ansixinta xisbiyo siyaasadeed iyo shuruucdooda. • Dhismaha Gudiga Doorashooyinka. • Wacyigelin. • Diwaan gelin. • Agab/Dhaqaale. Sidaasi darteed haddii aan eegno Xaqiiqada dhammaan marxaladaha uu xanbaarsan yahay qodobka Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 ARAGTIDA QABASHADA SHIR WEYNE QARAN: Arinta kale ee la is weydiin karo waxay tahay in la qabto shir weyne laysugu keenayo xubno Soomaaliyeed oo laga soo xulo qabaa’ilada isla markaana dib loo dhiso Gole Baarlamaan kaasoo lamid noqon doona 99% kana dhib iyo fashil badnaan doona kii lagu qabtay dalka Kenya ee Mpagathy. • Waxaa adkaan doonta in la helo Gole Baarlamaan oo bedela midka hada dhisan, • waxaa dhaci doona in Qabaailadu ku heshiin waayaan xulitaanka xubnaha Ergada shirka & qeybsiga tirada Barlamaanka, Shirkani wuxuu qaadan karaa in ka badan 2/3 Sano. • Sidoo kale wuxuu u baahan yahay Abaabul, Dhaqaale xoog leh iyo Siyaasaddii hagi lahayd taasoo u baahan mudo dheer oo loogu diyaar garoobo: Haddii aan eegno labada Qodob ee doorasho iyo Shirweyne waxay keenayaan dhowr khatarood sida, • In dalku noqdo Dowlad la,aan mudo oo uu yimaado (Vacuum) inta lagu jiro marxalada Isbedelka howshan oo sidaan sheegnay qaadan karta mudo dheer oo aan xad lahayn. • Inay adkaato inay soo baxaan wax Soomaali ay heshiis ku tahay oo lamida ama ku dhaw midkaan manta haysano. • In kooxaha Argagixisada oo xiligan ku jira marxalad adag oo isugu jirta Burbur & khilaaf dhexdooda inay Midoobaan iyagoo ka faaiidaysanaya Fursada marxalada kala guurka. • In Shacabka Soomaaliyeed oo hadda ku dhiiraday inay muujiyaan Ficilada & dareenka ay kaga soo horjeedaan kooxaha Argagixisada ay han jabaan oo u nuglaadaan fikradaha Shababka. • In Kooxahan Argagixisada oo hadda ay soo wajahday dhaqaale la,aan xoogan iyo Dhibaatooyin kaloo badan inay helaan fursad ay markale is ku Abaabulaan iyaga iyo Ajaaniibta Dibada Dhaqaalaha uga soo dirta iyagoo ka faa’iidaysanaya Xiliga kala guurka . • In kooxaha Argagixisada ahi u gacan haatiyaan Xubno badan oo ka mida Ciidamada Dowladda, Masuuliyiin, Dadweyne iyo Ganacsato kuwaas oo si ay naftooda u badbaadiyaan ay suura gal tahay inay ku biiraan iyagoo ka shaki qaba in dowladnimadu sidaa ku burburto oo la soo dhisi waayo Dowlad cusub taa soo suura gala 99%. • In kooxaha Argagixisada ahi ay qabsadaan Deegaano kale oo aysan hada Gacanta ku haynin kuna sii fidaan Dowladaha Dariska & Guud ahaan Caalamka. • In ciidamada AMISOM ay ku adkaato Joogitaanka dalka & howsha ay hadda hayaan kadib markay waayaan dowlad ay la shaqeeyaan. • Waxaa Cad in Ciidamada AMISOM ay soo wajahayso Jahwareer iyo khatar kaga imaaneysa Dibada & Gudaha dalka waxaana socda Qorshe kooxaha Argagixisada ahi wadaan oo ah inay khasbaan kacdoon shacab oo ku jihaysan Amisom shacabkuna wuxuu u arki karaa in Shabaab guuleystay oo aysan haysan fursad kale. • Sidoo kale Banaanaantani waxay keenaysaa in dhamaan dhismayaasha iyo kaabayaasha dowlada ee hadda soo kabanaya ay baaba,aan oo dib loo burburiyo sida ka dhacday magaalada Baydhabo Xiligii shirkii Jabuuti 2009. • Waxaa baabi’I doona dhamaan xoogaga Ciidamada Dowlada ee hada dhisan, Sidoo kale waxaa Gacanta Shabaabka geli doona Hub iyo Saanad Military oo aad u tiro iyo Tayo Badan Sidii hore uga dhacday Magaalada Beydhabo Xiligii Shirkii Jabuuti 2009. • Waxaa xoogaysan doona Kooxo, Qabaa’ilo, Jabhado & Shakhsiyaad xiligan ku jira Diyaar Garow & hub uruursi sugayana Xiliga isbedelka ee Dowlad la,aanta waxaana si degdega u howlgeli doona Qabqablayaal Dagaal oo Dalka dib ugu celin doona Dagaal iyo Fawdo. HIRGELINTA DASTUURKA QABYADA AH: Waxaa jira fikiro taageersan in si ku meelgaara loo hirgaliyo Dastuurka qabyada, Fikirkani kama foga in shirweyne la qabto waxaana lagama maarmaana in laysu keeno Odoyaal, Aqoon yahano & Xubno ka soo jeeda Bulshada Rayidka taa soo loola jeedo in si aan Afti dadweyne ahayn loo ansixiyo Dastuurka qabyada. Arintani waxay keeni kartaa dhowr arimood oo kala ah: 1. In shirku socdo mudo dheer isuna bedelo shirweyne Qaran oo la mida kuwii hore. 2. Inay dhacdo kala afkaar duwanaansho Ergada dhexdeeda oo horseedi karta in la ansixin waayo Dastuurka Cusub, Axdiga kmg laga tago oo ay soo baxdo (Constitutional Vacuum). Fikradahani waxay isugu jiraan kuwo ku jihaysan: 1. In la yareeyo tirada Xildhibanada. 2. In Xildhibaano Cusub Qabaa’iladu soo xushaan oo hogaamiyeyaasha dhaqanka arinta dib loogu Celiyo. Haddii arintani dhacdo waxaa muuqata khatarta Mustaqbalka Soomaaliya oo noqon doona in yagleelka Qaranimada mar kale la Burburiyo. Qaar kamida kooxaha dowladnimada diidan oo ku gabanaya qaab Beeleedka iyo Shakhsiyaad leh rabitaan Siyaasadeed ayaa Diyaar u ah inay ka faa’iidaystaan Fursadan iyagoo khilaaf ka dhex abuuraya Ergada shirka, Khilaafka 1aad na wuxuu noqonayaa Cida Shirka ka qeybgaleysa, tirada Ergada sida loo qeybsanayo Ergada iyo arimo kaloo badan, arintani hore ayay uga soo dhacday shirarkii hore. Run ahaantii lama soo koobi karo Khatarta iyo mushkilada ka abuurmi doonta haddii la qaato midkastoo kamida 3da Qodob ee kala ah Doorasho, Shirwayne & Ku dhaqmida Dasturka qabyada ilaa si buuxda oo sharci ah loo dhameystiro loona meelmariyo. GUNAANAD Goluhu markuu qiimeeyay marxaladda uu dalku marayo gaar ahaan arrimaha sugida amniga, iyo hawl gallada isdaba jooga ah ee ay xukuumadu kusoo celinayso xasilloonida Dalka; Sidoo kale markuu arkay in muddadii Hay’adaha dastuuriga ee dawladda dhamaanayso bisha August 2011, qiimeeyayna wax qabadka Xukuumada mudadii yareyd ee ay shaqeynaysay, ayuu Goluhu wuxuu go’aamiyay in dhamaan hay’adaha dastuuriga ah ee dawlada FKMG ah loo kordhiyo muddo hal sano ah isla markaana doorashadii dhici lahayd August 2011 dib loogu dhigo August 2012 si loo dhamaystiro hawlaha qabyada ah ee ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan: · Dhismo Ciidan oo Dhameystiran lehna Tiro, Tayo, Qalab & Hogaamin. • Soo Celinta Guud ahaan Amniga Dalka ( Mudo Kooban). • Dowlad Wanaag. • La Dagaalanka Musuqmaasuqa. • Dhameystirka Dastuurka Qabyada. • Ka Saarida Dalka Nidaamka KMG & Gaarsiinta Dawlad Rasmi ah. • Tayeynta Shaqaalaaha Dowlada & Abuurista Shaqooyin Dheeriya. • Daryeelka Bulshada & Gaarsiinta Gargaarka. • Dib u Dejinta Barakacayaasha. • Dib u Heshiisiin Dhameystiran. • Dhismaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Shuruucdooda Go’aanka iyo ansixinta qorsha hawleedka kor ku xusan waxay ku xiran tahay Golaha Barlamaanka inuu ansixiyo si uu si sharci ah uu ugu dhaqan galo. Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted March 30, 2011 Wasaarada Maaliyada Oo Sheegtey Inay Ku Guuleysatey Bixinta Mushaharaadka Hay'adaha Dawlada ... Wasaarada Maaliyada dawlada kmg ah ee soomaaliya ayaa ku guuleysatey sida la sheegey bixinta mushaharka hay'adaha kala duwan ee dawlada kmg ah ee soomaaliya xilli dawlada kmg ah 3-dii bilood ee laga soo gudbay ay si xiriir ah u bixineysay mushaharaadka hay'adaha qaranka ee kala duwan. Maxamed Xasan Aadan oo ah Wasiiru dawlaha wasaarada Maaliyadda dawlada kmg ah ee soomaaliya oo warbaahinta Gedonet xafiiskiisa magaalada Muqdisho ugu waramay ayaa sheegey in kor u kac sare ku yimid dhaqaalaha ka soo gala dekedda & garoonka diyaaraha,waxaana uu sheegey in dhaqalaha dekeda ka soo baxa uu kor u kacay 30%,garoonka uu kordhay in 50%,waxaana uu sheegey inaysan jirin wax lagu kordhiyey canshuuraha la qaado. Waxaana uu yiri wasiirku: " Waxaanu si wanaagsan oo niyad wanaag ah ugu guuleysaney bixinta mushahaaradka wasaaradaha, ciidamada ,xildhibaanada ee 3-dii bilood ee la soo dhaafey,waxaan arrimahaasi ku yimaadeen dadaal ay sameysey wasaaradu,waana mid aanu aaminsanahay inay socon doonto '. Dhanka kale waxaa uu wasiirku sheegey inay dhawaan bixin doonaan mushaharaadka kale,waxaana uu sheegey in wasaaradoodu isku hawshay sidii ay u raali galin lahayd dhamaan shaqaalaha kala duwan ee dawlada kmg ah,waxaana uu sheegey inay horumar arrimahahaas wasaraadoodu ka sameysey. Si kastey ahaataba waxa hadalka wasiiru dowlaha ayaa imaanaya xilli Xukuumaddu ay ku guuleeysatay meelmarinta qorshaha Sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo muujineysa sida ay Xukuumadani karti ugu leedayay fulinta waajibaadka loo igmaday ee horyaala taas ay wax badan wasaaradu ka qabatey. Ahmed Aadam Gacal Muqdisho-Gedo-News Gedonet.com@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 30, 2011 Wasaarada gaadiidka oo amaro dhul dhigtay Gaadiidleyda Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada Gaadiidka Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay soo saartay go’aano dhowr ah oo ku wajahan gaadiidleyda ka shaqeeya gudaha Magaalada Muqdisho iyo xeebaha gobolka Banaadir. Go’aamadaani maanta ka soo baxay wasaarada gaadiidka badda, dekadaha, cirka iyo dhulka ee xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxa ay si toos ah ugu socotaa milkiilayaasha iska leh gaadiidka iyo doomaha ka xamaasha biyaha Soomaaliya, waxaana ay maanat wasaaradu ay shaacisay in laga bilaabo 1-da bisha soo socota ee April in ay isasoo diiwaan galiyaan miliilayaasha iska leh gaadiidka iyo doomaha si ay u qaataan taargooyin ay ugu talagaleen in lagu dhajiyay doomaha iyo gaadiidka kale ee badda. Sidoo kale Wasaarada Gaadiidka xukuumada KMG ayaa waxa ay sheegtay in laga doonayo darwalada kaxeeya gaadiidka iyo doomaha in ay isasoo diiwaan galiyaan si ay u qaataan buuga wadista gaadiidka ee looyaqaan (Laysinka) sida uu maanta saxaafada u xaqiijiyay Agaasimaha guud ee Wasaarada gaadiidka Max’ed Cusmaan Cali Dhagaxtuur. Dhagaxtuur ayaa waxaa uu tilmaamay in is diiwaan galintu ay ku egtahay 12-ka bisha April ee soo socota, wixii xiligaasi ka dambeeyana waxa uu xusay in loo qaadan doono cid ku xadgudubtay sharciga ayna waajib noqoneyso in laga qaado talaabo adag oo waafaqsan sharciga. Inkastoo wasaarada gaadiidka xukuumada KMG Soomaaliya ay soo saartay awaamiir ku socota milkiilayaasha gaadiidka iyo Doomaha ayaan si dhab ah loo ogeyn sida ay ku dhaqan gali karto awaamiirtaani xili qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay gacanta ugu jirto xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 31, 2011 Wasiiru-dowlayaal iyo Wasiir ku xigeenno uu magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Khamiis, 31 March, 2011(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sheikh Axmed ayaa caawa hortiisa lagu dhaariyay 11 xubnood oo isugu jira wasiir ku xigeeno iyo wasiiru-Dowlayaal kuwaas oo isla maanta R/wasaaraha xukuumadda KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo uu soo magacaabay. Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa lagu shaaciyay magacaabista Xubnahaan, ayadoo Agaasimaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” uu saxaafadda u akhriyay liiska oo u qornaa sidan: Mudane C/casiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, wasiiru-dowlaha wasaaradda Warfaafinta Boostaha iyo ISgaarsiinta. Mudane Maxamed Sheekh Jaamac Negeeye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta. Mudane Feysal Cumar Guuleed wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha Guud iyo dib-u-dhiska. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Tamarta, Batroolka, Macdanta iyo Biyaha. Mudane Daa’uud C/kariim Xaaji Cumar, wasiiru-Dowlaha wasaaradda Shaqada, arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru-Dowlaha xiriirka arrimaha Baarlamaanka. Mudane C/rashiid Maxamed “Xidig”, wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga. Mudane Axmed Xuseen Xasan, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Marwo Saciido Xasan Cusmaan, wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta. Mudane Cali Sheekh C/llaahi Afgooye, wasiir ku xigeenkaWasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Mudane Saciid Maxamed Jimcaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare. Madaxweyne Shariif oo dhaarinta masuuliyiintaan kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in xubnahaani ay ka dhinaayeen golahii wasiirada ee dhawaan la dhisay, wuxuuna ku boorriyay in ay si wanaagsan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, isagoo ugu duceeyay in uu Alle la garab galo. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Muqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 31, 2011 Bannaanbax lagu taageerayo nabadda oo Muqdisho ka dhacay Bannaan baxaani lagu taageerayey nabbadda iyo guulaha isdabjooga ah ee ay soo hooyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho iyo boqollaal dad weyne ah oo dareenkooda ku muujinayey sida ay u taageersanyihin ciidamada Qalabka sida. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha degmada dharkeynley Macalin Cabdule Cali Hilowle oo faah faahin ka bixiyey u jeedada isu soo baxooda ee ku aadan taageero- siinta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan difaacidda dalka, islamarkaana ay kala qayb qaataan howlgalada ay ku difaacayan dalka. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa maagalada muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo isna bannaan baxaasi u mahad celiyay daweynaha degmada dharkeynleey iyo sida ay ula garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida hiil iyo hooba. “Waxaad u soo bannaan baxdeen in aad garab istaagtaan ciidamada qalabka sida si aad u miijisaan taageeradiina, waxaana rajeynayaa in muddo gaaban ay gacanta dowladda soo geli doonto degmooyinka kale ee ay haddu ku suganyihiin Khawaarijta Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka. Gaba gabadii dibad baxaasi lagu taageerayey ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka hadlay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Axmad Cali Yaqle oo halkaasi hadal gaaban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay in ay sii wadaan taageerada ay lagarab taaganyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dadweynihii ka qayb qaadanayey bannaan baxaasi ayaa waxa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya guddoonsiiyeen neef geel ah oo ay ku sheegeen in loogu talagalay in ay maanta ku qadeeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 31, 2011 Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada Oo Sheegay Inaysan Ka Qeybgelayn Shirka Kenya. Shirkii caadiga ahaa oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiirada kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa looga dooday shirka la sheegay inuu ka dhacayo bisha April 2011 magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Goluhu wuxuu soo dhoweeyey dadaalka beesha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augastina Mahiga, wuxuuna garwaaqsaday culeyska uu xilliga kala guurka ahi ku hayo ummadda Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay iaan shacbigeena ka gudbinno xilligaasi. Dood dheer iyo falanqeyn kadib, goluhu wuxuu go’aansaday in dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya aaney ka qeyb galin shirkaasi maadaama uu caqabad ku noqonayo horumarkii laga sameeyey dhanka sugida amniga, dhaqaalaha, siyaasada, arrimaha iyo bulshada iyo maamul wanaagaba. Dowladda Federaalka KMG ah waxay wadaa inay wadatashi la sameynayso odayaasha, waxgaradka, culimada, siyaasiyiinta, haweenka, maamulada iyo bulshada rayidka ah si loo xalliyo tabashada shacabka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, loogana wada shaqeeyo danta guud ee dalka, dadka iyo diintaba. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa baarlamaanka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay taageeraan go’aankan dhaxal galka ah si looga fogaado wax kasta oo wiiqi kara midnimada iyo danaha guud ee ummadda. Waxaa hubaal ah in waqtigii yaraa ee ay jirtay xukuumadan cusub ay gaartay guulo la taaban karo oo saldhig u ah ka gudbida waqtiga kala guurka ah, balse ay u baahan yihiin dhameystir. Jaangoynta siyaasada Soomaaliya waxaa mas’uul ka ah xukuumada Federaalka ee Dowladda Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxaan ugu baaqeynaa ergeyga gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dhamaan beesha caalamkuba inay nagu ixtiraamaan mas’uuliyidda Dastuuriga ah ee uu goluhu leeyhaya, naguna taageeraan howlaha culus ee ay ku jirto dowladd Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mobile: +252-615536608, +252-6-2536608 Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted March 31, 2011 Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Dowladda Ingiriiska Waxaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Moxamed Farmaajo xafiiskiisa ku soo booqday Ergeyga Dowladda Ingiriiska, Matt Baugh. Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa uga mahadceliyey Ergeyga Dowladda Ingiriiska booqashadiisa iyo imaatinkiisa caasimadda dalka ee Muqdisho. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxuu uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska kaalmadooda joogtada ah gaar ahaan dhanka gar-gaarka bani’aadanimo. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha waxuu uga mahadceliyey dowladda Ingiriiska sida ay arrimaha Somalia ugu soo jeesteen oo ay markhaati ka tahay in shirkii 10-ka March ka dhacay golaha Ammaanka ee UN-ka in dowladda Ingiriiska ay u soo dirtay shirkaas Wasiirkooda Arrimaha Afrika. Ergeyga Dowladda Ingiriiska ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa qaaliga ah uuna sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu markii ugu horreysay ay tahay oo uu ku soo booqdo xafiiskiisa ee magaalada Muqdisho. Ergeyga ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha socdaal uu ku soo maray Puntland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday dowladda Ingiriiska inay ku dadaalaan sidii Dowladda Somalia looga saacidi lahaa arrimo badan si loo soo celiyo amniga iyo dowlad wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin kooban ka siiyey Ergeyga dadaalada socda iyo go’aankii 27-kii March ay golaha wasiiradu ku gaareen in doorashooyinka madaxda qaranka dib loo dhigo muddo 12 bilood ah si aan hakad u gelin horumarka la taaban karo ee dhanka amniga, dhaqaalaha iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Ergeyga Ingiriiska waxey isla garteen in loo baahanyahay in caalamka iyo Dowladda Somalia ay sii wadaan wadahadalkooda iyo la tashiyadooda ku wajahan sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah. Waxey kaloo isla garteen in loo baahanyahay sidii gar-gaar bani’aadanimo loola soo gaari lahaa shacabka soomaaliyeed. Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha media@opm.gov.so Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted April 1, 2011 Ciidamada Dowladda oo howl galo aan caadi aheyn ka wada Wadooyinka Muqdisho Ciidamada Dowladda KMG ayaa saaka howl gallo aan caadi aheyn ka bilaabay qaar ka mid ah Wadooyinka xeyndaabka Muqdisho, halkaasoo saaka lagu arkayay Ciidamo fara badan oo wata Gaadiidka dagaalka. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa si weyn uga duwan dhaq dhaqaaqyadii hore, iyadoo Ciidamada baaritaano ku sameynayaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Wadada Maka Al-Mukarama oo ah wadada kaliya ee ugu muhiimsan isu kala gooshida qeybaha degmooyinka ayaa Ciidamada ay ka wadan baaritaanada, iyadoo labada dhinac kaga sugan gaadiidkana u kala baaraya meelaha ay u kala gooshayan. Sida ay sheegayaan wararka Rakaabka saaran gaadiidka ayaa si weyn loo baarayaa, waxaana dadka mid mid looga soo dajinayaa Gaadiidka, deetana baaritaan gaar lagu sameynayaa. Lama oga waxa xilligan ku soo beegay howl galkan, iyadoo xaalada Magaalada ay saaka tahay mid degan, waxaana howl galkan uu imaanayaa xilli la magacaabay Taliyeyaal cusub oo kala ah Taliyeyaasha Ciidamada Xooga dalka iyo Booliska. Ma jirto ilaa iyo hada cid lagu qab qabtay, mana jirto war ka soo baxay Talisyada Ciidamada, waxaana howl galkan ku soo aadayaa iyadoo Talisyada Booliska iyo Nabadsugida malin ka hor shaaciyeen in la sameeyay Ciidamo roondeynaya degmooyinka si ammaanka u xaqiijiyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liqaye Posted April 1, 2011 Somali PM asks for UK help in fight against al Shabaab militants Read more: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90043122?Somali%20PM%20asks%20for%20UK%20help%20in%20fight%20against%20al%20Shabaab%20militants#ixzz1IHjdH8KK With the beleaguered government of Somalia reiterating its commitment to clearing out what it calls foreign terrorists from the country, Prime Minister Mohammed Abdullahi Mohammed on Thursday asked the British government to join its fight against the al Shabaab militant group. clearpxl Mohammed made the request during a meeting with Matt Baugh, senior United Kingdom representative to Somalia, who on Thursday made a surprise visit to Mogadishu. Mohammed and Baugh discussed the bilateral relationship between Somalia and Britain as thousands of Somali refugees took refuge in the UK when the Somali government led by Maj. Gen. Mohammed Siad Barre was toppled and the country plunged into lawlessness and clan warfare. Baugh called for the Somali government to end the transitional period which the country was in for seven years. Before reaching the capital of Somalia, the British official stopped at Garowe, the capital of Somalia’s semi-autonomous state of Puntland, where he had meetings with regional authorities. It is the second time in less than five months for the UK official to visit Mogadishu. On Dec. 2, while visiting Mogadishu, Baugh said Britain will concentrate on underpinning the institutions of Somali government, pledging that Britain would cooperate with the newly formed government as much as possible Read more: http://www.allheadlinenews.com/briefs/articles/90043122?Somali%20PM%20asks%20for%20UK%20help%20in%20fight%20against%20al%20Shabaab%20militants#ixzz1IHjiDRo6 Quote Share this post Link to post Share on other sites