Sign in to follow this  
Saalax

Ma jirto Meel la igaga Wareejiyey Maamulkii Dekedaha oo Madaxtooyada Lagu Hoos Geeyey

Recommended Posts

Saalax   

Berbera (TogdhNews)- Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Somaliland Md. Maxamed

 

‘Yaasiin Xasan oo ka hadlayey shir uu shalay kaga qaybgalay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si rasmi ah u sheegay in aanay jirin meel maamulka dekedda Berbera lagaga hoos saaray wasaaraddiisa, isla markaana lagu hoos geeyey madaxtooyadda.

 

Wasiirka oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si wax looga weydiiyo ayaanay noo suurtogelin in aanu helno, kadib markii uu qaban waayey telefoonkiisa gacanta. Haseyeeshee, waxa uu meesha ka saaray Wasiirku warar muddooyinkii u dambeeyey aad looga hadal-hayey magaalooyinka Somaliland, isla markaana saxaafaddu baahisay oo sheegaya in madaxweyne Siilaanyo maamulka dekedaha ka hoos saaray wasaaradda kalluumaysiga, lana hoos geeyey madaxtooyada, isaga oo sheegay in aanay jirin meel maamulka dekedda lagaga wareejiyey wasaaraddiisa, waxaannu ku baaqay in haddii ay jirto cid haysa qoraalka digreetada ah ee la leeyahay madaxweynaha ayaa ku kala saaray wasaaradda iyo dekedaha soo bandhigaan.

 

“Ma jirto meel laygaga wareejiyey maamulkii dekedaha oo lagu hoos geeyey Madaxtooyada, ninka digreetadaa hayaana hasoo bandhigo,” ayuu yidhi Yaasiin, isaga oo ku nuuxnuuxsaday in uu warkaasi ahaa dacaayad laga faafiyey madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Waxa kaloo wasiirku sheegay in isaga loo magacaabay wasaaradda kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha, sidiina u hayo xilkaas, warkaasina ahaa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxaannu xusay in aanay jirin wax digreeto ah oo lagu sheegayo warkaasi, wasiirku ka dhawaajiyey in cidii haysa digreetada Madaxwaynuhu uu kaga hoos saaray dekedda wasaaraddiisa dadka u soo bandhigaan oo ay ka daayaan mala-awaalka.

 

Hadalka Md. Maxamed Yaasiin Xasan ayaa meesha ka saarayaa hadal muddooyinkan laysla dhexmarayey oo sheegayey in Madaxwayne Siilanyo maamulka Dekedda Berbera uu si toos ah u hoos geeyey Madaxtooyada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this