Saalax Posted December 19, 2010 Wasiirka Arimaha Dibada Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Xumuumada Somaliland Soo Gabagabaysay Baadhitaan Ay Ku Waday Diyaaradii Saanad militari U Siday Puntland Ee Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa Hargeysa(OWN)- Wasiirka Wasaarda Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr.Maxmed Cabdilaahi Cumar isla markaana ahaa Gudoomiyha Guddi uu Madaxweynaha Somaliland u saaray in ay baadhaan Diyaarad Saanad militari u siday maalka Puntland, taas oo Xukumadu Gacanta ku dhigtay ayaa shaaca ka qaaday in ay Xumuumada Somaliland Soo gabagabaysay Baadhitaan ay ku waday diyaaradaas. Wasiirka ayaa waxa u sidaasi ku sheegay mar uu maanta waraysi siiyey Idaacada BBC, waxa uu ugu horayn Wasiirku ka warbixyey Guddi uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo u saray arinta Diaaradaas, Gudusaas oo uu Gudoomiyue u ahaa Wasiirka Arimaha Dibadu waxa uu sheegay “ markii Madaxweynuhu Gudidayada magacaabay waxanu yeelanay kulan, waxanu aanu Go’aansanay in aanu xafiiska Qaramada Ee arimaha Nabada Aduunka la socod siino arintan, intaas ka dib waxa Xafiiska la socodka Cuna qabataynat Hubka ee Saaran Somalia uu noo soo diray Guddi, Guddidii waxa ay imaadeen Hargeysa waxana aya baadheen Diyaardii waxa ay waraysteen Nimanki waday diyaaradaas, qalabkii diyaarada saanaana waxana ay ka qaateen sawiro, waxana cadaatay tuhunkii loo haystay diyaaradaas oo ahaa in ay jabisay Xeerka No.733 oo Qaramada midoobay Somalila kaga mabnuucday waxa alaale wixii saanad milatari ah” Waxa kale oo uu Wasiirku tilmaamay in baadhitaana la waday lagu ogaaday in Dayaarad laga leehay wadanka Armenia, isla markaan ay ka timid wadanka South Africa, iyada oo soo martay wadanka Uganda, una soctay magaalo xeebeedka Boosaaso ee maamulka Puntland. Waxa kale oo uu Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland intaas ku daray “Baadhitaankii ay wada Hay’ada dambi baadhista Somalilaland waala soo gaba gabeeyey waxa arintaas loo gudbiyey Xeer ilaaliyaha Qaranka , si uu Dacwadaas Maxkamada ugu gudbiyo, arintaasina waxa ay u Gudubtay Maxkamada waxana kala cadayn doonta indii dambi leh iyo cidii kale Maxkamada.” Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay “ dambiga ugu weyn ee ay galeen waa in ku xad gud been isla markaana ay Jabiyeen, Xeer No.733.” Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in aanu jirin ilaayo hada cid si rasmiya uga la soo xidhiishay diyaaradaas. Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr.Maxmed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu meesha ka saaray Eedaymo uu Hogaamiyha mucaaridka ee Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu soo jeediyey Xukuumada Maxmweyne Siilaanyo eedaymahaas oo la xidhiidhay in Xumuumada Somaliland ay ka qayb gashay Shir ka socda wadanka Djabuoti kaas oo ay kawada qayb galeen Somaliland iyo Puntland. Waxa kale oo uu Dr.Maxmed Cabdilaahi Cumar sheegay in xukuumada Somaliland ay soo dhaweynayso Aftida aayo ka tashiga ee bisha Koowaad ee sanadka fooda ingu so ohayo ka dhacaysa Koonfurta wadanka Sudan, waxana uu sheegay in hadii ay dadka reer South Sudan doortaan gooni isu tag ay Dawlada Somaliland soo dhaweynayso, isla markaana arinaasi albaab Cusub u furayso dadaalka Aqoonsi raadinta ee ay Somailand ku jirto. Quote Share this post Link to post Share on other sites