Saalax Posted December 19, 2010 Guud Ahaan Gobolada Somaliland Oo Uu Maanta Si Rasmiya Uga Bilaabmay Ole-olahe Caruurta Lagaga Talaalayo Cudurka Dabaysha Hargeysa(OWN) – Waxa maanta Guud ahaan Gobolada Iyo Dagmooyinka Dalka oo idil si rasmiya uga bilaabmay Ololaha ciribtirka cudurka Dabeysha oo lagu tallaalayo carruurta ay da’doodu ka yar tahay shan sano jirka. Hawsha talaalkan ayaa waxa si wada jira u hirgalinaya Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Caafimaadka WHO iyo Sanduuqa ilaalada Caruurta ee marka magaceeda la soogaabiyo la yidhaa UNICEF, Shalay ayaa Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Xuseen Maxamuud uu magaalada Hargeysa kula kulmay howlwadeennada ka qeyb qaadanaya tallaalka, kuwaasoo uu kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeegaan carruurta u baahan talaalka si looga hor tago cudurada dilaaga. wasiirku wax uu dadweynaha reer Somaliland kula dardaarmay inay Caruurtooda ka Talaalaan cudurad dilaaga ah waxa kale uu uu Bulshada kula dardaarmay in ay u dhaga nuglaadaan dhalinyarad ku hawlan Ole-oleha talaalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites