Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Farole Somalis Can Come To Peace If Foreign Players Stay Out

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland: Soomaali Hadii Gacmaha Shisheeye Ka Baxaan Way Heshiin Kartaa

 

 

 

Garowe (RBC Radio ) Madaxweynaha dowlada Puntland Oo Ka Hadalay Arimaha Ku Aadan Marti Galinta Koobka Gobolada Soomaaliya Ee Puntland Marti Galisay Ayaa waxaa Uu Soo hadal Qaaday Is Afgarad La’aanta Dadka Somalida Dhex Taal.

 

Madaxweyne C/raxmaan Maxmed Maxmuud ayaa sheegay in Dhibaatada Somalida ay Ka Dagi La’dahay Ay Tahay gacmo shisheeye Oo Faraha Kula Jira Somalia.

 

“Somalida Hadii Ay Heshiis U Soo jeesato Anaga Ayaa Marti Qaadi Doono Sida aan U Marti Galinay Shirar Kala duwan Oo Somaliweyn Leedahay” Ayuu Hadalkiisa Ku Yiri Madaxweyne Faroole.

 

Waxaa u Tusaale U soo Qaatay Shirarkii ay Lahaayen Hawenka Somalia Oo Lagu Qabtay Puntland Isla Markaasina Ka soo Qaybgaleen Haween Fara Badan Oo Somaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa Uu Carabka Ku Adkeeyay Sida lagama Maarmaan u Tahay In Gacmaha Shisheye Ee Somalida Ku Dhex Jira ka dhex Baxaan Si Shacabka Somaliyeed Arimohooda U Xalistaa.

 

isgona Sheegay In Puntland Diyaar U Tahay Wax Walba Oo Somalida Isku Keenaya Si dib Loogu Helo Qaranimadii Shacabka Somaliyeed.

 

Ugu Danbeytiina Puntland ayaa Hada Waxaa ay Marti galisay Ciyaarihii Gobolada Somalia Oo Mudo Hore U Danbeysay 1987 Xiligaasi Oo Ahayd Wakhti Aad U Fog Waxaana AMaan Ay Ka Heshay Puntland Dhamaan Dadka Daneya Arimaha Cayaaraha iyo Kuwa Nabada Jecel.

 

Mohamed A Rashiid

RBC Radio Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Boowe aa runtiis madaxweeynuhu . Dadka Soomaaliyeed wax colaadihi kama dhaxaayso. Waa dad isku diin ah, isku dhaqan ah, isku af ah, wada dashey , isku DNA ah, dhibka ku dhex jiraa waa dhaawr oday oo calooshooda u shaqaaystayaal ah,shisheeyuhuna ku adeegtaan saay danahooda gaar ka ah oo aay Soomaaliya ka leeyihiin u gaaraan. Marka hadii la iska qabto raga shisheeyaha u adeega , magaca Soomaaliyeedna ku tuugsada, Soomaaliya waa heshiinaysaa. Dhibka ugu ween waxaa weeye Soomaalida shacabkooda baa ah dad xun oo aan danahooda aqoon , dalkooduna qiimo ugu fadhiyin. Thank you, President Abdirahman Sheikh Mahamud for your enlightening speech. There is a quote that says ''a leader is a dealer in hope.''

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this