Saalax Posted December 18, 2010 Guddigii Ay Xukuumadda Somaliland U Xil Saartay Diyaaradii Saanadda Milatari U Siday Puntland Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukunka Diyaaraddan Ay Hor Geynayaan Maxkamad. (Hadhwanaagnews) Saturday, December 18, 2010 Kampala-(HWN)- Guddii gaar ka ahayd ee ay Somaliland u xil saartay in ay baadhitaan buuxa ku soo sameeyaaan diyaaradii saanada milatari u siday Puntland, ayaa ku dhawaaqay markii u horaysay in kiiska Diyaaradaas ay hor geynayaan Maxkamadda. Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bayaamiyay in xukuumadda Somaaliland ay xukunka diyaaradan hor geynayso maxkamad , isga oo ka dhawaajiyay in lagu soo oogayo seddex kiis oo dacwado ah oo kala in diyaaraddani ay oo ku soo xad gudubtay Hawada Jamhuuriyadda Somaliland,, iyo Saanadda militari ee ay siddo, iyo raga diyaaraddan la socda oo sheegtay in ay yihiin Suxufiyiin u dhashay dalka Koonfur Afrika. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u kashiftay in diyaaradani ay saanad iyo hub u siday dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, balse ma jiraaan wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay Puntlan oo ku saabsan Inkastdiyaaraddan ay Somaliland gacanta ku dhigtay. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay dadweynaha Somaliland si weyn u hadal hayeen maalmihii u danbeeyay kiiska diyaaradan iyaga oo is weydiinayay waxa laga yeelayo iyo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto xukunka diyaaraddan. Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay) Quote Share this post Link to post Share on other sites