Saalax Posted December 18, 2010 posted by: Webmaster Wasiirka Caafimaadka Somaliland DR Xuseen Xoog oo ku dhawaaqay in Todobaadka Talaalka Somaliland uu ka furmi doono dalka Maalinta Berri Hargeysa/ToggaHerer Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ay wehelinayaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Qawdhan ayaa maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyey todobaadka Talaalka Caruurta oo ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa,Todobaadka Talaalka ayaa maalinta berri ah ka furmi doona dalka . Dr Xuseen Xoog Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in talaalku caruurta uu faaido weyn u leeyahay cuduro fara badan oo aan daawo lahayna uu ka difaacayo Wasiirka ayaa intaa ku daray in bulshada Reer Somaliland gaar ahaan waalidiintu ay ku boorinayaan in ay caruurtooda talaalaan. Wasiirka Caafimadka Somaliland aya ka dhwaajiyey in mudada uu talaal ku soconayaa ay tahay Muddo laba todobaad ah isla markaana waxa uu soo jeediyay in ay bulshadu ka faaidaysto Fursadaas caruurtana ay u sii diyaariyaan hawlwadeenada caafimaadka . Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday waxa ay diinta Islaamku ka qabto Talaalka waxaanu wasiirku sheegay in ay diintu soo dhawaynayso wax kasta oo wax ka taray caafimaadka Binu aadamka waxaanu ugu baaqay waalidiintu in ay caruurtooda ka talaalan cudurada halista ah ee aan daawada lahayn . Gebogebadii waxa halkaas ka hadlay saraakiil ka socotay Hayadaha WHO iyo UNICEF oo iyagu u soo jeediyay Bulshada in ay caruurtooda ka talaalan cudurada dilaaga ah . Quote Share this post Link to post Share on other sites