Sign in to follow this  
Saalax

Wasiirka Caafimaadka Sland DR Xuseen Xoog oo ku dhawaaqay in Todobaadka Talaalka Somaliland uu ka

Recommended Posts

Saalax   

posted by: Webmaster

 

Wasiirka Caafimaadka Somaliland DR Xuseen Xoog oo ku dhawaaqay in Todobaadka Talaalka Somaliland uu ka furmi doono dalka Maalinta Berri

 

Hargeysa/ToggaHerer

 

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ay wehelinayaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Qawdhan ayaa maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyey todobaadka Talaalka Caruurta oo ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa,Todobaadka Talaalka ayaa maalinta berri ah ka furmi doona dalka .

 

Dr Xuseen Xoog Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in talaalku caruurta uu faaido weyn u leeyahay cuduro fara badan oo aan daawo lahayna uu ka difaacayo Wasiirka ayaa intaa ku daray in bulshada Reer Somaliland gaar ahaan waalidiintu ay ku boorinayaan in ay caruurtooda talaalaan.

 

Wasiirka Caafimadka Somaliland aya ka dhwaajiyey in mudada uu talaal ku soconayaa ay tahay Muddo laba todobaad ah isla markaana waxa uu soo jeediyay in ay bulshadu ka faaidaysto Fursadaas caruurtana ay u sii diyaariyaan hawlwadeenada caafimaadka .

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday waxa ay diinta Islaamku ka qabto Talaalka waxaanu wasiirku sheegay in ay diintu soo dhawaynayso wax kasta oo wax ka taray caafimaadka Binu aadamka waxaanu ugu baaqay waalidiintu in ay caruurtooda ka talaalan cudurada halista ah ee aan daawada lahayn .

 

Gebogebadii waxa halkaas ka hadlay saraakiil ka socotay Hayadaha WHO iyo UNICEF oo iyagu u soo jeediyay Bulshada in ay caruurtooda ka talaalan cudurada dilaaga ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this