Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Maleeshiyaadka Shabaab oo si naxdin leh u dilay nin da' ah

Recommended Posts

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa degmada Shibis ka afduubtay nin da’ ah dabadeedna si Bani’aadanimada ka baxsan u dilay.

 

Barqanimadii shalay ayaa maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabab waxa ay si xoog ah degmada Shibsi uga afduubeen nin da’ah oo u soo baxay sidii uu u soo eegi lahaa gurigiisa maadama uu in mudo ah qax uga maqnaa.

 

Ninkan oo da’diisa lagu qiyaasay 60 jir ayaa maleeshiyadan waxa ay ku qasbeen in uu u soo dhaqaaqo dhanka isgoyska Juba oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowlada iyo Maleeshiyadaasi si loogu maleeyo nin ka tirsan maleeshiyadooda oo ay askartu u toogtaan.

 

Ninkan da’da ah oo marki uu u soo dhawaaday dhufeyska ciidanka dowlada ku qeylinayay waa la.igu soo qasbay ayay askartu si taxadar leh u hubinayeen tan iyo intii uu ku soo socday waxaana maleeshiyada Shabaab ay ku soo rideen dhowr xabadood oo kaga dhacay qaarka danbe hase ahaatee markii uu dhulka ku dhacay oo uuyaalay mudo saacado ah ayey shalayto gelinkii danbe markale xabado ku soo fureen isagoona halkaasi ugu geeriyooday .

 

Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaliya ayaa ku guuleystay in meyka marxuumkan ay goobta kasoo qaadaan islamarkaana ay raadiyaan eheladiisa sida uu radio Muqdisho u sheegay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.

 

Arintani ayaa qeyb ka ah tacadiyada Maleeshiyaadka Shabaab ay u geystaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this