Somalina Posted December 18, 2010 imco, December 17, 2010(HOL): Maamulka xarakada Shababul mujaahidiin ee gobollada Jubooyinka ayaa maanta maamul cusub u magacaabay deegaanka Kamsuuma, iyada oo uu maamulkani badalayo maamulkii hore uga dhisnaa deegaankaasi. Gudoomiyaha gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in ay badalaad ku sameeyeen xubnaha ugu sareeya ee maamulka deegaanka Kamsuuma, waxaana uu sheegay in Gudoomiyaha cusub ee deegaanka Kamsuuma loo magacaabay Xasan C/laahi Max'ed (Caanonuug), Xafiiska Dacwada maamulkana waxa uu sheegay in loo magacaabay Khaalid Cabaas Cali. Sheekh Abuukar ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanka Kamsuuma in ay la shaqeeyaan maamulka cusub, waxaana uu sidoo kale kula dardaarmay xubnaha cusub ee la magacaabay in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan shareecada Islaamka. Maamulka cusub ee maanta loo magacaabay deegaanka kamsuuma ayaa kusoo beegmaya xilli wafdi uu horkacayo gudoomiyaha gobollada jubooyinka ay mudooyinka danbe kormeerro kala duwan ku marayeen deegaana iyo degmooyinka gobollada Jubooyinka. Xasan Nuur, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites