Sign in to follow this  
Somalina

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha:”Rajo Wanaagsan ayaan ka qabnaa Qorshaha 100-ka maalmood”

Recommended Posts

Somalina   

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay qorshaha 100-maalmood ay soo gudbisay Xukuumada kaas oo wax looga qabanaayo xaaladda ka taagan dalka.

 

Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar oo wareysi khaas ah siisay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegtay in ay socdaan dadaalo badan lagu hirgelinaayo qorshahaas isla markaana ay rajaynayso in ay wax badan ka qabsoomaan.

 

”…Rajo wanaagsan ayaan aad uga qabnaa,ilaa hadda meesha ay inoo marayso inta aan maleynaynay inka badan ayay maraysa.dadaalkuna ma yaraa…”,ayay tiri.

 

Dhegayso Wareysiga aan la yeelanay Sahro Maxamed Cali Samatar

http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2010/12/Wasiiru-dowlaha-Xafiiska-Raysalwasaaraha-Soomaaliya-Sahro-Maxamed-Cali-Samatar.mp3

 

Waxaa ay sheegtay in Wasiirada Xukuumada cusub lagu soo xushay aqoontooda isla markaana Wasaarad weliba ay ku dadaali doonto sidii ay kasoo bixi lahayd waajibaadka saaran ama horyaala.

 

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa tilmaamtay in shacabka Soomaaliya ay sugayaan waxqabadka ay la imaan doonto xukuumada cusub.

 

Dhanka kale waxaa ay ka warantay Safarada Raysalwasaare Farmaajo uu ku tegay wadamada Jabuuti iyo Itoobiya,iyadoo ay sheegtay in safaradaas ay ahaayeen mid muhiim ah isla markana inta badan taabanayso isbarasho.

 

Xukuumada Raysalwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa soo gudbisay qorshe ku saabsan 100-ka maalmood ee u horeeya waxyaabaha ay qaban doonto,waxaana qodobka ugu weyn ah wax ka qabashada xaaladda amni ee dalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this