Sign in to follow this  
General Duke

TFG Puntland State Health Ministries working together…PICS

Recommended Posts

aadan1.jpg

Bayaanka oo dhameystiran halkan hoose ka eeg

 

……

 

Bayaan ee soo saareen wasiirdaha Cafimaadka ee Somalia oo ku wajahan istratijiyada Nafaqeynta Somaaliya

 

2011 – 2013

 

 

 

a. Kadib markaan garaney in nafaqeynta ay tahay aasaaska cafimaadka iyo wax soo saarka bulshada;

 

b. Kadib markaan aragnay in Somalia ay saameeysay nafaqo dari ba’an oo qoto dheer tobankii sanno oo la soo dhaafay, taas oo wax yeeleeysay horumarkii dhaqaalaha ee hab wanaaga ummada Soomaaliyeed;

 

c. Ka dib marka aan fahamnay xoogaga kala duwan ee ku hawlan nafaqyenta, iyo dowrkooda kala duwan iyo muhimada ay ku leeyihiin horumarinta tayada adeegyada nafaqeeynta Soomaaliya;

 

d. Kadib marki aan garwaaqsanay bahiida weyn ee loo qabo istratijiyad mideysan ee lagaga hortagi karo nafaqa darida ka jirta wadanka Soomaaliya;

 

e. Haddii aan nahay hogaanka wasaaradaha caafimadka ee Somaliya,waxaan si cad u qeexeeynaa in aan hormuud ka nahay la dagaalanka nafaqa darida;

 

f. Waxaa naga go’an ah in aan isu keeno cid walba oo ku hawlan ka mira dhalinta hadafka guud oo ah: Talabixinta, hagaajinta, horumarinta iyo meelmarinta loo adeegsanayo kobcinta xaalada nafaqada Soomaaliya.

 

Anagoo ah wasiirada caafimaadka ee somaaliya waxaan ansaxineeyna oo taagyeerenaa istratejiyada nafaqeynta ee Soomaliya 2011-2013

 

Djibouti, 14th December 2010

 

Wasiirka caafimdka dowlada federaalka ee Somaliyeed

Mudane Dr Adan Hagi Ibrahim

 

Wasiirka caafimdka ee dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya

Mudane Dr Ali Abdullahi Warsame

Share this post


Link to post
Share on other sites

Statement of the Health Authorities of Somalia

 

On the Somali Nutrition Strategy 2011-2013

 

a) Recognising that good nutrition is the foundation for a healthy and productive life;

 

b) Recognising that Somalia has suffered alarming levels of acute and chronic malnutrition for the past decades, which have impeded the economic development and well-being of the Somali population;

 

c) Recognising the diversity of actors, their respective role, and their usefulness in improving the quality and the availability of nutrition services in Somalia;

 

d) Realising the need for a unified and coherent strategy to tackle malnutrition in Somalia;

 

e) Reaffirming our leadership in spearheading the fight against malnutrition;

 

f) Committing ourselves to bring all stakeholders to work towards achieving a common goal: To contribute to the improved survival and development of Somali people through enhanced nutritional status

 

We, the Health authorities of Somalia, endorse the Somali Nutrition Strategy 2011-2013

 

Djibouti, 14 December 2010

 

H.E. Hon. Dr. Adan Hagi Ibrahim, Minister of Health of the Transitional Government of Somalia

 

H.E. Hon. Dr Ali Abdullahi Warsame, Minister of Health of the Puntland State of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirada Caafimaadka Dawlada Puntland iyo Dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir looga hadlayay dhibaatada nafaqo daro ee haysatada dadka Soomaaliyeed.

Posted by admin on December 15th, 2010

 

Jabuuti:Magaalada Jabuuti ee caasimada jamhuuriyada Djabuti ayaa maalintii Talaadadii (14-Dec-2010) waxaa kusoo gabogaboobey shir muhiim ah oo looga hadlayay dhibaatada haysata shacabka soomaaliyeed xaga nafaqa daradda iyo quudinta.

 

Shirkan ayaa labadii maalmood ee Isniinta iyo Talaada waxaa uu ka soconayay Hotelka KAPRISKI ee magaalada Jabuuti, shirkan waxaa ka qaybgalay labo wafti oo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo Wasiirka caafimaadka dawlada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Adan Xaaji iyo qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah waxaana shirka qabatey IGAD.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaaa Siyaasad midaysan oo ku aadan nafaqaynta dadka dhibaatadda nafaqa daradu ay hayso ee soomaliyeed sanadaha 2011-2013 ka. Shirkaan oo madaxda caafimaadka soomalidu muujiyeen wadashaqayn weyn iyo mowqif midaysan ayaa waxaa si qoto dheer looga hadlay qoraal qabyo ku saabsanaa siyaadda ku wajahan quudinta iyo nafaqaynta dadka dhibaatada nafaqaradu haysato saddexda sanno ee soo socota.

 

Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray abaaraha laga baqayo inay ka dhacaan Dalka gaar ahaan gobolo ka mid ah Puntland, ayadoo roobkii dayrta la waayey. Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland ayaa wuxuu muujiyey wal wal uu ka qabo abaar iyo biyo la’aan soo wajahda gobolada Puntland, wuxuuna codsaday in loo istaago in qorshe midaysan oo loogu diyaar garoobayo ka hortaga abaaraha la sameeyo.

 

Intii uu socdey Shirkaan ayaa waxaa u suurta gashay wafdiga Puntland iyo kan DKMG madaxdoodu inay si hufan oo midaysan uga wada hadlaan arrimaha caafimaadka dalka iyo sidii si wada jir ah loogu istaagi lahaa badbaadinta shacabka soomaaliyeed ee la il daran caafimaad darada iyo waliba nafaqa xumida.

 

Ugu danbayntii shirkaan oo ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah iyo is afgarad ayaa waxaa lagu ansixiyey isla markassna lagu saxiixay qoraalkii kama danbaysta ahaa ee ku saabsanaa siyaasadda nafaqaynta ee 2011-2013, waxaana la isla gartay in shirka kiisa kale lagu qabto magaala madaxda Puntland ee Garowe. Wasiirka caafimaadka Dowladda Puntland ee soomaaliyeed Dr. Cali C/laahi Warsame ayaana martiqaad rasmi ah u fidiyey dhigiisa wasiirka caafimaadka DKMG Dr. Adan Xaaji inuu Booqasho ku yimaado Puntland, taas oo uu Wasiirka caafimaadka dawlada KMG ah ee Soomaaliya uu uga mahadceliyey dhigiisa dawlada Puntland martiqaadka iyo walaaltinimada uu kusoo dhaweynayo Puntland.

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xafiiska Wararka Caafimaadka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this