Somalina Posted December 17, 2010 Muranka iyo dagaalka dhexmara labada waalid wuxuu dhibaato badan u gaystaa Ubadkooda ama caruurtooda yar-yar waayo ilmaha marka gurigooda Mashaakil ka taagan yahay waxa ku dhaca niyad jab, Naxariis la,aan iyo waliba iyada oo aanu fahmin duruusta loogu dhigayo iskuulada. Carruurta gurgooda mashaakil ka jiro la mid maaha caruuta kale sida ay waxa soo gaara maskaxdiisa dhaawac.dhaawacaas oo aan ka harin ilaa marka uu waynaado. Sidoo kale waxay ku tilmaamaan dhakhaatiirta cilmi Nafsigu dadka had iyo jeer geysta dilalka iyo ficilada kale ee xun-xun in 80% ay yihiin kuwo markii ay yaraayeen waalidkood isku xumaa oo arki jiray iyaga oo markasta is dilaya ama isku qaylinaya Waxa kale oo isna dhibaatada noocana la qaba ilmaha ay kala tagaan walidkii Tarbiyada caruurtu kama maaranto labada dhinac Aabaha iyo Hooyada dhinac kaliyina kama soo bixi karo masuuliyada waayo waxa lumaya kalsoonidii iyo kalgacalkii ka dhaxayn lahaa ilmaha iyo waalidka. Maxaa yeelay waxa yaraada Jacaylkii uu u baahnaa marka ay kala maqan yihii labada waalid waxa la ogyahay in dumarka intooda badani ay u arkaan in ubadkan ama caruurta tarbiyadooda ay kaligood ku filan yahay kagana wanagsan yihiin raga laakin taasi maaha mid saxa waayo Illaahay SWT ayaa isu dheeli tiray bani aadamka kana dhigay Aabo iyo Hooyo. Hadaba waxa aan shaki ku jirin inaad Aabo iyo Hooyo diyaar u tihiin farxada u badkiina ee bal hadaba si ay taasi idiinku suurto gasho is waydiiya shantan Suaalood : 1: Ma tihiin laba qof oo ku wanaagsan cibaadada Alle S W T fahamsana Diinteena Suuban waayo hadii aanay marka hore caqiidadeenu dhisnayn ma buuxin karno shuuradaha laynooga bahan yahay 2: Ma is ixtiraamtaan labadiinu? 3: Sidoo kale ma qadarisan oo maka xishootaan ubadkiina mana u diidaan in dhagahoodu ay maqlaan ama aad iyaga ku tiraahdaan wax yaabaha xu-xun? 4: Kolay laba qof oo meel wada joogaa khilaaf wuu soo dhexgalayaa laakin maka ilaalisaan in ay idin maqalaan caruurtu marka aad wada hadlaysaan 5: Marka khilaaf idin dhexmaro maku dhamaystaan dhexdiina idinka oo aan u baahan cid kale ? Hadii ay jawaabtu tahay Haa waxa hubaala in aad tihiin Qoys wanaagsan ubad fiican oo if iyo Aakhiraba anfacana soo saaara. Quote Share this post Link to post Share on other sites