Saalax Posted December 16, 2010 Wasiirka Cadaalada JSL Ismacil Mumin Aar “Ninkii Soomaaliya Uga Qeyb Galayay Shirkaasi Waxaan Ku idhi Istaag Oo Taageer Somaliland Waayo Dumarkii iyo Carruurtii Aad Madfaca la Dhacaysay Waxay Ku Sugan yihiin Somaliland , Haddii kale Waanu Idiin Soo Celinaynaa” Wasiirka Cadaladda Somaliland Prof. Ismaaciil Hargeysa(OWN)-Wasiirka Wasaarada Cadaalda Somaliland Prf. Ismaaciil Muumin Aar Ayaa maalintii shalay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ka furay Shir laga waxa xaajoonayey sidii sharco loogu samayn lahaa Budhcad badeeda, sidoo kalena waxa uu Wasiirka Shaaca ka qaaday in mar uu ka qayb galayey Shir laga hadalayey Budhcad badeeda in uu Ninkii shirkaas Somalia wakiilka uga ahaa in uu ku hadaday in uu Somaliland Taageero Hadii kale Ay Somalilnad Dib u celin doonto Dadka Magan galyodoonka ah ee ka soo bara kacay Dagaalada ka socda Magaalada Muqdiasho, ku waas oo ku sugan Gudaha Somaliland. Shirkaasi ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda, Kalluumaysiga, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xoghayaha guud ee Guurtida iyo Ururka Haweenka qareenadda ah. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Md. Ismaaciil Muumin Aare oo ka hadlayay kulankaasi wuxuu yidhi “Waxaynu sidaad la socotaan aynu qeyb ka nahay caalamka dagaalka kula jira budhcad badeedda. Waxa Somaliland inoogu yimid dhawaan ninkii la dagaalanka budhcad badeeda kala taliya Xoghayaha guud ee qaramadda Midoobay, Madaxweynaha ayay ka wada hadleen arigtida aynu ka qabno budhcad baddeedda, Madaxweynuuhu wuxuu yidhi waxaanu masuuliyadeeda qaadaynaa wixii xeebahayaga ku soo xad gudba. Wixii maxaabiis ah ee la isku gudbinayo waa inay ka wada hadlaan labada dal ee midna uu ku xidhan yahay iyo ka kale waanna inay heshiis ka gaadhaan.” Prof. Ismaaciil Muumin wuxuu ka hadlay kulan uu dalka Denmark kaga qeyh galay oo lagaga hadlayay arrimaha budh cad baddeeda, waxaanu yidhi “Aragtida aynu ka qabno dal ahaan arrimaha budhcad badeedda waxaanu la tagnay dhawaan Copanhegan xarunta Denmark oo ay ku shirayeen in ka badan 50 dal, Somaliland ahaan ayaanu ku fadhinay oo miiskayaga waxa noogu qornaa Somaliland, waxa kale oo ka soo qeyb galay dawlada Shariifka iyo maamul goboleedka Puntland, ninkii Soomaaliya uga qeyb galayay shirkaasi waxaan ku idhi istaag oo shirka ka taageer Somaliland waayo dumarkii iyo carruurtii aad madfaca la dhacaysay waxay ku sugan yihiin Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorame, haddii kale waanu idiin soo celinaynaa. Waxaan u sheegay inay Somaliland dadkaasi soo barokacay ay nabad ku joogaan, Ninkii wuu sarokacay wuxuu yidhi waanu ku taageersan nahay oo nabadgelyo ayay samaysay, Dawladihii waaweynaa ee halkaasi ka soo qeyb galay oo Maraykanka iyo Ingiriisku ka mid yihiin waxay sheegeen inay Somaliland waxqabsatay nabad gelyana ay dadkeeddu ku nool yihiin.” Wasiirka oo ka hadlayay sida loogu baahan yahay inay Somaliland samayso shuruuc lagula dagaalamo Budhcad badeedda, waxaanu yidhi “Waxaynu isu nimid inaynu isla eegno oo ansixino wixii Guddida dib u habaynta shuruucda qaranku ay soo diyaariyeen sanadkii hore inagoo ka faa’iidaysanaya taageerada caalamku inaga siinayo arrinta budhcad badeedda. Waxa jeelasheena ku xidhan budhcad badeeddii inagoo doonayna in Hayadaha caalamiga inaga taageeraan horumarinta ciidamaddeena Ilaalladda xeebaha. Waxaynu u baahan nahay in la inaga taageero Kalluumaysiga..” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Cadalada Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aar. Oodweynews.com/HargeysaOffice Quote Share this post Link to post Share on other sites