Sign in to follow this  
Somalina

Tabbabar Dalka Uganda Loogu Soo Gaba Gabeeyey Inka Badan 900-askari oo Ka Tirsan Dawladda Federaalka

Recommended Posts

Somalina   

December 16, 2010

 

Ciidamada-tababarka-loo-soo-xirey.jpg

Dalka Uganda waxaa maalinimadii shalay tababar loogu soo gaba gabeeyey cutubyo kamid ah Ciidamada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya,waxaana Ciidamada tababarka loo soo xirey ay kor u dhaafayaan 900-askari.

 

Munaasabada tababarka lagu soo gaba gabeynaayay ayaa ka dhacdey xerada Ciidamada oo lagu magacaabo Bihanga,waxaana kasoo qaybgalay madax kala duwan sida Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Gaashandhiga Uganda Dr.Crispus Kiyonga iyo Wakiilo kasocda Midowga Yurub iyo wadamo kale.

 

Wasiirka Gaashandhiga ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay u mahadceliyey Dawladda Uganda iyo Midowga Yurub qaabka ay isaga kaashadeen tababarkaan isla markaana u heelan yihin xal u helista xaaladda Soomaaliya.

 

Mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihin kuwa sii xoojin doona dagaalka ay Dawladda Federaalka kula jirto kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda gaar ahaan Xarakada Al-Shabaab.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay saddex ilaa shan batalyoon oo Ciidamo dheeraad ah kuwaas oo lagu tababaro dalka dibadiisa.

 

Wasiirka Gaashandhiga dalka Uganda Dr.Crispus Kiyonga oo ka hadlay munaasabada ayaa ku dheeraaday qaabka ay Dawladda Uganda ay kusoo celinayso nabadda Soomaaliya isagoo tusaale ahaan usoo qaatay sidii Uganda ay dalka Tanzania ka caawisay soo celinta nabadda xilligii uu dalkaas Madaxweyne ka ahaa Julius Nyerere.

 

Wakiilka Midowga Yurub ee dalka Uganda De Visscher ayaa sheegay in sanadka soo socda ay dalka Uganda ku tababari doonaan ugu yaraan 1,000-askari oo dheeraad ah.

 

Ururka Midowga Yurub ayaa lacag gaaraysa 215-milyan oo Euro ah ku qarash gareeyey tababarka Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

 

Xukuumada cusub ee Raysalwasaare Farmaajo ayaa sheegtay in dib u habayn ku sameyn doonto Ciidamada isla markaana wax ka qaban doonto xaaladda amni ee dalka.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wednesday, December 15, 2010

 

1000 Somali soldiers trained by the officers from the Uganda Peoples Defences Forces (UPDF) and senior military officers from 27 European Union countries are have been passed out today at Bihanga military training school in Western Uganda.

The soldiers expected to provide the core of officers and men of a new Somali army are expected to provide the much needed boost to the fragile Transitional Federal Government (TFG) in Mogadishu.

 

The TFG which is facing ever increasing attacks from a viscious Al-Shabaab attack is being kept in place by some 7500 African Union peacekeeping (Amisom) force. Uganda contributes about 5000 of the peacekeepers.

 

Chief guest at the pass out was newly appointed Somali Deputy Prime Minister who also doubles as minister of Defence Abdul hakim Mohammed Faqi. He is accompanied by the Ambassador. Sayid Dalur, Amb Mul Katende, Gen Ahmed Mohammed Abdulahi and Gen. Mohammed Sheikh.

 

Also present are Uganda’s Defence Minister Crispus Kiyonga, Land Forces Commander Gen Katumba Wamala, Army spokesperson Lt. Col Felix Kulayigye, Amb. Vincent De Visccher, head of the European Union in Uganda as well as top diplomats from a host of other European capitals.

 

This is the first group of officers and foot soldiers to be passed out from Bihanga Training School. This facility was set up early this year to train TGF Officers and foot soldiers in a bid to boost the military capability of war tone Somalia which has been at war for the last 21 years.

 

Source: Daily Monitor

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhanka kale,

Madaxweyne Shariif oo la kulmay Saraakiisha CXDS

December 14, 2010

 

img_0014021.jpg

img_0011.jpg

img_0005.jpg

img_0003.jpg

img_0002.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Sh. Shariif Sh Axmed ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha Hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Kulamadaan oo ka dhacay xarunta ee Taliska Ciidanka XDS ayaa madaxweynaha lagu siiyay warbixin guud, waxaana sidoo kale looga hadlay howlaha horyaalla ciidamada ee la doonayo in wax laga qabto.

 

Taliye ku xigeenka Ciidanka XDS General C/kariin Yuusuf “dhegobadan” ayaa ka mid ahaa saraakiishii uu madaxweynuhu kula kulmay xafiis uu ku leeyahay xarunta Taliska ee Villa Beydhabo.

 

Sidoo kale taliyaha Ciidamada Badda Generaal Faarax Qare iyo taliyaha ciidamada Cirka ayuu kulamo la yeeshay, taliyaha Guutada Hilaac ee ciidanka XDS Korneel Cageey oo hoggaamiya ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Dharkeynleey ayaa sidoo kale madaxwenaha la kulmay.

 

Kulamada uu la yeeshay madaxweynuhu taliyayaasha oo aan loo ogolaan saxafadda ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan iyo waajibaadkii shaqada oo lakala qaatay.

 

Madaxweynaha ayaa shalay waxa uu xariga ka jaray xarunta Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed, wuxuuna halkaas salaan sharaf uga qaatay guutooyin ka tirsan Ciidanka qalabka sida, Waxaana halkaas warbixin ku siiyay madaxweynaha Abaanduulaha Ciidanka XDS iyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada KMG ee Soomaliya.

 

Waxaa jiray dadaalo ay wadaan Madaxeynaha iyo R/wasaaraha oo lagu xoojinaayo ciidamada si ay u guttaan waajibaadka ka saaaran difaaca Dalka, dadka iyo diintaba.

 

waxaana sidoo kale jirta In xukuumadda Qorshaha Boqolka maallmood ay Kaalinta hore kaga jirto sidii loo sugi lahaa Amniga iyo nabadda Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaliya.

 

RM

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

This is for Xaaji Hanjab n co; daawada sawiradii aad dalbateen. :) You r welcome.

 

Madaxweyne Shariif oo xarigga ka jaray Xarunta KMG ee CXDS, DAAWO SAWIRRADA

dsc07718.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa shalayxarigga ka jaray xarun ay si KMG ugu shaqeyn doono Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay lagu qabtay xarunta Villa Baydhabo oo ah taliska cusub, waxaana halkaa Khudbad ka jeediyay Madaxweyne Shariif.

 

Waxaa sidoo kale ka hadlay Hoggaanka Ciidanka XDS, ayadoo uu ka qeyb galay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Madax Kale.

 

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa halkaas ku sameeyay Dhoolatus, waxaana xafladda ka heesayay Kooxda Horseed ee fanaaniinta Soomaaliyeed.

 

dsc07665.jpg

dsc07669.jpg

dsc07721.jpg

dsc07684k.jpg

dsc07687.jpg

dsc07694.jpg

img_0112.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif oo Booqday Xarunta Taliska Ciidanka, Wuxuuna ka hadlay Dagaalka Shabaab iyo xizbiga. SAWIRRO

filla%20bay%20dhabo.png

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta booqday Xarunta Ciidamada ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdish.

 

Madaxweyne Sh. Sheekh Shariif oo uu wehliyo ku simaha Taliyaha ciidamada xoogga ahna Abaanduuliyaha S/Guuto C/kariin Yuusuf Dhega badan iyo saraakiil kale ayaa soo kormeeray Afar xarumood oo ciidamadu jiiftaan ayna ciidamada Xooggu si iskaa wax u qabso ah uga hirgeliyeen xarunta ciidamada ee Villa Baydhabo.

 

Madaxweyne Sh. Shariif oo halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa tilmaamay in abaabulka, isku dubaridka iyo tirakoobka ciidamadu uu meel wanaagsan marayo sidaasi darteedna uu rajeeynayo in marka la tayeeyo ciidamada ay dib u soo celin doonaan sharafta iyo karaamada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Dowladuna ay ku dadaali doonto sidii howlaha ciidamada loo dhameystiri lahaa.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa soo hadalqaaday dagaalada u dhaxeeya Maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbiga ee ka oogan deegaanno ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose, wuxuuna Madaxweynuhu cambaareeyay dagaaladaasi, isagoo ku baaqay in shacabka ka barakacay Muqdisho aan lagu dul dagaalamin, isla markaana loo naxo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaaratay dagaalada ay kooxahaasi ka wadaan gudaha dalka.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxynuhu intaa ku daray in Maleeshiyaadkaasi ay markii hore isku baheeysteen gaaleeysiinta shacabka, iyagoo sidoo kale bilaabay dagaallo sababay dhiasho, dhaawac, burbur iyo barakac loo geystay shacabka.

 

Madaxweyne Sh. Shariif ayaa ugu baaqay maleeshiyaadkaasi in ay shacabka ka daayaan dhibaatada isla markaana ay ku soo biiraan Dowlada KMG ah, maadaama ay Dowladu wakiil ka tahay, Diinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowladu ay soo dhaweeyneeyso hadii ay ku soo biiraan

 

Booqashada Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Dowladda KMG ah ku dooneyso in ay dib ugu tayeeyso ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo Madaxweyne Sh. Shariif uu dhawaan xarunta Villa Baydhabo ka furay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

img_0101.jpg

img_0119.jpg

img_0121.jpg

z991.jpg

z992.jpg

z%20900.jpg

z999.jpg

 

S: RM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this