Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo ku sugnaa Afgooye oo isku dhiibay Al Shabaab

Recommended Posts

yadoo xiisadda culus ee u dhaxeysa Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ay mareyso meeshii ugu dambeysay ebid ayay ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam isu soo dhiibeen Xarakada Al Shabaab.

 

Hadal-haynta ugu badan ee caawa leesla dhex maraayo magaaladda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay tahay, in ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo ku sugnaa degmada Afgooye ay maanta isu soo dhiibeen Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab.

 

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo ku hubeysnaa qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxay galabta isu soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo halkaasi ku leh dhufeysyo waaweyn oo ay ka qoteen.

 

Isu dhiibidda ciidamadaan ay isu soo dhiibeen Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dhalisay samxad aad u xoogan, taasoo ka dambeysay in Ururka Xisbul Islaam uu ka muujiyo caro aad u culus, isla-markaana majirto ilaa iyo iminka wax ficil ah oo uu ka bixiyay Ururka Xisbul Islaam.

 

Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha sar sare ee Ururka Xisbul Islaam, xilli ay kusoo siqayaan ciidamadda Mujaahidiinta ee Xarakada Al Shabaab, balse waxaa hubaal ah in shacabku ay qabaan dareen xoogan oo ku aadan, in saacad kasta la-fillan karo dagaalo xoogan.

 

Sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa waxay caawa ka taagan yihiin gudaha magaaladda Afgooye, waxaana mararka qaarkood la-maqlaayaa rasaasta ka dhacda hubka fudu fudud.

 

Wixii xaaladda magaaladda Afgooye ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe haddii uu RABI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this