Kamaavi Posted December 15, 2010 Raysul wasaaraha DKMG ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Raysul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi iyagoo isla soo qaaday xaalada amni ee Somalia. Raysul wasaare Zenawi ayaa sheegay in dowladiisii ay sii wadi doonto dadaalka ay Beesha caalamka iyo Ururka Midowga Africa kagala shaqeynayaan sidii xasilooni waarta loogu soo dabaali lahaa Somalia.Zenawi ayaa sidoo kale xusay in xasiloonida Somalia ay muhiimad weyn u leedahay Gobolka Geeska Africa islamarkaana oo hoosta ka xariiqay in Ethiopia ay dhinac kasta kala shaqeyn doonto xukumada DFKMG ee Somalia. Dhanka kale Raysul wasaare Farmaajo ayaa tibaaxay in xukumadiisu ay ku dadaali doonto sidii usii xoojin lahayd xidhiidhka kadhaxeeya labada dal. Farmaajo ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed iyo Beesha caalamkaba ay cambaareynayaan ficilada argagixisada caalamka sida Alshabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.Wuxuuna cadeeyey in DFKMG inay si adag ula dagaalami doonto kooxda nabad diidka iyagoo kaashanaya quwadaha caalamiga ah ee nabada jecel. Kulankan ayaa noqanaya kii ugu horeeyey ee uu Farmaajo kula kulmo madaxda dalka Ethiopia tan iyo markii loo magacaabay xilka Raysul wasaaranimada, waxaana la odhan karaa mid gundhigiisu yahay isbarasho. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 15, 2010 oo kalay muxu gacmaha jilbaha ugu haya , inu yara nerfiis yahay ba la mooda . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted December 15, 2010 Did Che' not predict this ? Though later than expected. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted December 16, 2010 Xaaji Xunjuf;680324 wrote: oo kalay muxu gacmaha jilbaha ugu haya , inu yara nerfiis yahay ba la mooda . Follow your leader... Quote Share this post Link to post Share on other sites