Sign in to follow this  
Somalina

Taliyihii nabad sugida Somaliland oo ka hadlay sababta uu isu casilay

Recommended Posts

Somalina   

Nairobi:( Sh. M. Network) Taliyihii hore ee Ciidamada nabad sugida Somaliland Xuseen kenyatta oo shaqada ka tagay todbaadyo ka hor ayaa ka hadlay sababaha keenay in uu shaqada isaga tago, waxaana Xafiiska Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee Magaalada Nairobi uu soo gaarsiiyay warqad qoraal ah oo uu uga hadlayo sababta uu xilka isaga tagay.

 

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Ethiopia ay gacan ku laheyd sababta ka dambeysay in uu xilka isaga tago markii ay raali ka noqon weysay sida uu sheegay ka mid ahaanshiyaha dowladda Madaxweyne Siilaanyo.

 

Xuseen kenyatta ayaa sheegay in qoraal ay u soo gudbisay dowladda Ethiopia wasiirka cusub ee arimaha dibada Somaliland lagu sheegay in Ethiopia aysan raali ka aheeyn in safar ay ku tagaan dalkooda masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay isaga taasi oo uu tilmaamay in masuuliyadeeda uu leeyahay masuulka Ethiopia u qaabilsan Somaliland iyo wasiirkii hore ee Somaliland C/laahi Max’ed Ducaale oo haatan kusugan Addis Ababa.

 

Waxaa uu sheegay taliyihii hore ee ciidamada nabad sugida Somaliland in labadaasi nin iyo Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Somaliland iyo Ethiopia ay masuul ka ahaayeen in uu isaga tago shaqada uu ku hayay Xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin oo uu ku tilmaamay mid musuq maasuq ku dhisneyd.

 

Xuseen kenyatta ayaa sidoo kale warkiisa qoraalka ah ku eedeeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, Wasiirka hore ee arimaha dibada Cabdullaahi Ducaalle, boqor buurmadoobe iyo masuul Ethiopia ee Somaliland in ay ku lug leeyihiin hub farabadan oo uu sheegay in laga soo dajiyay galbeedka Somaliland kuwaasi oo uu sheegay in loo sii gudbiyay Soomaaliya, Kenya iyo koofurta Suudaan.

 

Max’ed Cabdi Mascuud

Shabelle Nairobi – Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bad Journalism indeed ...................

 

 

First, Somaliland ma laha NABAD SUGID ee waxay leedahay SIR DOON which is totally different if u know what i mean. Markaa Xuseen wuxuu haystay SIR DOONKA.

 

Second, Why send letter to Shabelle only ?? why now ??? ,,,,,,,, Aar naga daaya dee ,,, Sheekadii Waagacusub weeyaane ,,, lol

 

The reason he resigned is well known here and one doesn't need to go to Shabelle's office in Kenya to know. I don't want to disclose but it was an internal issue with other senior government officials.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Calm down JB!

Shabelle waa idaacada ugu caansan caalamka 2010, muxuu u tagi waayey? c'mon now!

 

Adiga kulamaan hadlayn dee xabiibi .... dadkaan la hadlayay ,,,, hehehehehehe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this