Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Hizbul Islam Announces War Against Alshabaab ???

Recommended Posts

Muqdisho (HWN) Hoggaanka sare ee ururka Ururka Xisbul Islaam oo ka shirayay xaaladda cusub ee ay kala kulmeen xoogaga Al-shabab oo degaanno ay ku sugnaayeen Xisbul Islaam la wareegay ayaa waxaa kulankooda ka soo baxay go’aanno dhowr ah.

 

Warar ku dhow dhow kulankaas ayaa sheegaya inay ka soo bexeen go´aanno hordhac ah oo ay ka mid yihiin inay iska difaacaan xoogaga Al-shabaab, isla markaana ay dib u soo ceshadaan degaannadii ay dhawaan kala wareegeen xoogaga Al-shabaab.

 

"Kulanka, waxaa lagu go´aamiyay in Xisbul Islaam ay difaacato goobaha ay haatan gacanta kaga hayaan Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan degmada Afgooye iyo deegaannada loo barakacay" ayuu yiri sarkaal Xisbul Islaam ka tirsan oo ka mid ah ka qeyb galayaasha shirka.

 

Shirka oo uu goobjoog ka aha guddoomiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo saraakiil sarsare ayaa waxaa lagu sheegay in marna Xisbul islaam aysan aqbalaynin in deegaanno kale lagala wareego, sidoo kalena ay dib u qabsanayaan deegaannadii ciidamadooda ka soo bexeen, gaar ahaan Buurhakaba iyo Tooratoorow.

 

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in degmadaasi ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexaysa ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam.

 

Waxaa laga cabsi qabaa in degmada Afgooye uu dagaal ka qarxo sida ay sheegayaan dadka degan degmadaas, iyadoo ay degmada isku hor fadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Xarakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam,.

 

Labada ciidan ayaa xaafadaha degmada Afgooye ku wada sugan waxayna dhinac waliba halkaasi ka waddaa baaritaano gooni gooni ah, iyagoo baaraya dadka iyo gaadiidkaba.

 

 

Source: Hadhwanaag News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Diintii lagu dhuumanaayey aawey dee?

 

Tuuganimadooda soo maanta banaanka ma taal. I have been saying it since day 1, AS waa tuugo.

Aawey taagerayaashii tuugada? Abti Shaabaabey aawey, iyo Guavabaab? :D :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this