Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

The First Tourist In Mogadishu in 20 Year. (PICS)

Recommended Posts

Muqdisho (RBC) Nin u dhashay wadanka Canada laguna magacaabo Mike Spencer Bown ayaa markii ugu horeysay mudo 20 sano ka dib wuxuu dalxiis ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo joogto ah.

 

Mike Spencer Bown oo ahaa ganacsade ku nool Indonesia ayaa go’aan ku gaaray inuu booqasho dalxiis ah ku yimaado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isagoo ganacsigiisii soo xaraashay.

 

Mike oo la kulmay wariye ka tirsan RBC Radio ayaa sheegay in uu isagu go’aansaday inuu booqasho ku tago 160 wadan oo caalamka ka mid ah ayna ku jirto Soomaaliya.

 

Mike Spencer Bown waa 41-jir, wuxuu sheegay inuu ogaa in xaalada Soomaaliya qasan tahay, 20 sano mudo gaaraysansana dagaalo ka socdeen, balse wuxuu yiri “taasi marnaba igama reebin dalxiis inaan ku tago Soomaaliya”.

 

 

Mike oo heysta qori Baasuuke ah

 

“Soomaaliya waa wadan leh waxyaabo qurux badan oo taariikhi ah, waxaana ogaa in Soomaaliya yahay wadan aad ugu fiican dalxiiska….. waan jecla markasta inaan imaado Soomaaliya”, ayuu yiri Mike Spencer Bown oo ku soo degey mid ka mid ah hotelada magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu noo sheegay Mike in markii uu diyaarada ka soo degey shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka diideen inuu wadanka soo galo, uuna ku sigtay in dib loo celiyo.

 

“Illaa 4 jeer ayey shaqaalaha garoonka Aadan Cadde damceen inay i celiyaan, laakiin waan qeyliyey waxaan ku dhahay I DAAYA anigu dalxiis baan ahaye way diideen…… waxaan sameeyey khiyaano illaa markii dambe ay iska tagtay diyaaradii aniguna waxaan ku haray garoonka gudihiisa..”, ayuu yiri Mike.

 

 

“Shaqaalaha garoonka waxay i dheheen WAAD WAALAN TAHAY ama jaajuus ayaa tahay, waxaan ku iri MAYA, markaas ka dib waxay ii geeyeen ciidanka Amisom ee jooga garoonka”, ayuu sii raaciyey.

 

Mike wuxuu RBC Radio u sheegay inmarkii dambe ay u suuragashay inuu hotelka u soo gudbo, laakiin wuxuu sheegay in lagu amray inuusan hotelkiisa ka soo bixin waayo sababo amaanka darteed.

 

“Waligay ma arkin nin sidan oo kale ah, waa ninwaalan ayey mar kasta igu lahaayeen dadkii an arkay”, ayuu yiri Mike oo ka sheekeeyey sida ay u arkeen dadkii uu kula kulmay hotelka.

 

Muqdisho waa meel maalin kasta ay ka dhacaan dagaalo iyo duqeymo joogto ah, waxaana adag in qof ajnabi ah uu ku noolaado magaalada isagoo aan heysan waardiyaal hubeysan oo tiro badan.

 

Laakiin Mike wuxuu noo sheegsy in isagu uu san arkin wax dhibaato ah. “Qof kasta wuu igu qoslaa markuu maqlo ereyga ‘DALXIIS’”. ayuu u sheegay wariyaha.

 

“Waxaan jeclaa inaan booqdo xeebaha quruxda badan ee Soomaaliya iyo meelaha miyiga ah, laakiin nasiib xumo…. hadda ma aha waqti ku haboon taasi…..”, ayuu yiri Mike oo sheegay inuu aad u jeclaaday intii uu joogay hotelka Muqdisho.

 

“Uma maleyn jirin in qeybta DKMG maamusho ee Muqdisho ay sidan u yar tahay”, ayuu yiri isagoo la yaaban koobnaanta xaafadaha dowlada maamusho ee magaalada.

 

Mike Spencer wuxuu sheegay in uu ku qancay mar hadduu yimid Soomaaliya uuna aaminsan yahay in balantiisii uu fuliyey. “Soomaaliya waa meeshii iigu dambeysay e liiska wadamada aan soo booqday, mar haddaan joogo waa fiican waana sameeyey balanteydii”.

 

Mike wuxuu kaloo sheegay inuu horey u booqday Ciraq iyo Afghanistan oo ay ka jiraan dagaalo joogto ah dad badana ku dhintaan, balse wuxuu sheegay in Soomaaliya uu aad uga heley.

 

 

 

Mike Spencer Bown ayaa RBC siiyey sawiradiisa waxaana ka dhex muuqda isagoo wata qoriga AK-47 iyo qoriga Baasuukaha, wuxuuna sheegay inay u dhiibeen ilaalada hotelka uuna isku sawiray.

 

“Waa waqti fiican oo xusuus ii leh”. ayuu yiri.

 

Mike ayaa sidoo kale u sheegay RBC Radio inuu doonayey inuu la kulmo wasiirka dalxiiska ee DKMG Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in markii uu baaray liiska golaha wasiirada Soomaaliya uu ka waayey wasaarad qaabilsan dalxiiska taasi bedelkeedana waxaa jirta wasaarada boostada, mana uusan ku guuleysan inuu helo wasiirka wasaaradaasi.

 

Maalintii Jimcaha ayuu Mike Spencer Bown dib uga duulay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

 

mike-b2.jpg

 

mike-b3.jpg

 

mike-b4.jpg

 

Mike-Spencer-Bown.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this