Xaaji Xunjuf Posted December 14, 2010 Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Booqasho Ku Tegaya Waqooyiga Ameerika- London,(Lasanod Online)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo beryahan ku sugnaa magaalada London ayaa naloo xaqiijiyey inuu dhowaan u ambabaxayo dhinaca Waqooyiga Ameerika.. Garaadka ayaa la filayaa inuu asbuucyada soo socda hadii Allah idmo gaadho dalalka Maraykanka iyo Canada. Garaad Jaamac oo intii uu joogay dalka Ingiriiska waxaa xafaldo soo dhoweyn ah u sameeyey jaaliyadda kasoo jeeda gobollada SSC ee ku dhaqan dalka Britain. Wararku waxay sheegayaan inuu Garaadku casuumadu ka helay oo booqan doono magaalooyinka Columbus, Minneapolis, Seattle iyo magaalada Toronto. Iyadoo ay jiraan jaaliyadu ku nool magaalooyin kale oo iyana codsaday in Garaadku soo booqdo. Waxaa sidoo kale Jaaliyadaha SSC ee ku nool magaaloyinkaasi ay bilaabeen qorshihii iyo qabanqaabadii soo dhoweynta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Shabakadda LASANOD kala socda warbixinta Safarka Garaadka oo maqal iyo muuqaal leh .. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 14, 2010 Hogaamiyaha SSC Oo Ka Ambaxabay Nairobi Asagoo ku Wajahan Dalka Maraykanka. Waxaa Caawa 11:30 Habeenimo ka duulay Dhabaha caalamiga ah ee Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi ,Hogaamiyaha SSC mudane Saleebaan Ciise Axmed asagoo ku wajahan magaalad Columbos ee dalka Maraykanka. Dr: Saleebaan Ciise Axmed {Xagla-Toosiye}, waxaa ku siia Sagootiyey Garoonka Dayuuradaha Madaxa Waaxda Arimaha debeda ee SSC Pro: Mohamud Ali Jaamac iyo Xubno ka tirsan Saxaafada SSC. Ka hor inta uusan Garoonka ka duulin ayuu Xaglatoosiye sheegay in Ujeedada Socdaalkiisu uu la xidhiidho hawlo shaqo oo ku aadan xilka uu u hayo umadda SSC. Dr: Xaglatoosiye wuxuu sheegay inuusan ka daali doonin gudashada waajibaadkiisa shaqo, asagoo sheegay in danta SSC uu meelkastaba u tagi doono. Hogaamiyaha ayaa ku beegan magaalada Ohio ee dalkaasi Maraykanka maalinimada beri ah oo Axad ah, marka saacada magaaladaasi ay tahay 5:00PM, asagoo ka dagi doona Culombios International Airport. Hogaamiyaha SSC iyo wafti balaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa safaro ku Ekeeyey magaalada Muqdisho, magaalada Kampala ee dalka Uganda iyo Nairobi oo ah xarunta dalka Kenya. Waxaana lagu wadaa in waftigii kale oo uu Hogaamin doono Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac iyo Xoghayaha Aminiga ee SSC Col: Yaasin Cali Abdulle Tamaad ay u ambabixi doonaan gudaha deeganada SSC si ay u sii amba qaadaan hawlaha SSC oo uu hada wado Col: Cali Sabrey oo ah Hogaamiye ku xigeenka Hogaanka SSC ahna ku simaha Hogaamiyaha SSC. Dhanka kale waxaa magaalada Ohio ee dalkaasi Maraykanka laga dareemayaa Diyaar garoow balaadhan oo ay shacabka SSC ee ku dhaqan magaaladaasi ugu jiraan soo dhaweynta Hogaamiyahooda. Taasoo ay si habsami leh u wadaan qaban qaabada Gudida Jaaliyadaas ee Ohio State. Waxaana ku soo biiri doona socdaalka Hogaamiyaha ee Waqooyiga Ameerika Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo asaguna maalmahan soo socda ka soo Ambabixi doona Magaalada London ee dalka Boqortooyada Ingiriiska. Quote Share this post Link to post Share on other sites