Sign in to follow this  
Jacaylbaro

IGAD Delegation Visit Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa (Waaheen) – Wefti ka socda urur gobolleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee ururkaas Mr Maxbuud Macalim, shalay booqasho ku yimi dalka JSL.

 

Weftigan iyo xubnaha kale ee ku wehelinaya xoghayaha booqashada, ayaa waxa madaarka caalamigaa ee magaalada Hargeysa si diiran ugu soo dhaweeyey, Wasiirada arimaha dibedda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Xanaannada xoolaha iyo ilaalinta deegaanka Dr Axmed Xaashi Oday, waxaana markii ay ka soo dageen diyaaradii siday xubnaha weftigu, uga mahadnaqeen masuuliyiinta Somaliland soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen markii ay lugahooda soo dhigeen ciida madaarka caasimada Hargeysa.

 

U jeedada safarkan ay ku yimaadeen dalka weftigan uu horkacayo Xoghayaha guud ee urur gobolleedka IGAD oo noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado JSL tan iyo markii ay gooni isu taaga ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, ayaa lagu sheegay inay tahay mid la xidhiidha la wareegida dugsiga sare ee ku yaala degmada Sheekh oo ay hore gacanta ugu hayn jirtay ururka midowga Afrika, taas oo la sheegay in wixii hada ka dambeeya ay gacan ku hayntiisa si rasmiya u la wareegi doonaan urur gobolleedka IGAD.

 

Sidoo kale waxa la sheegay in urur gobolleedka IGAD ay Somaliland ka caawin doonaan dhinaca tayeynta waxbarashada, iyagoo macalimiinta dalka tobobaro kor loogu qaadayo aqoontooda siin doonaan si waxbarashada Somaliland u noqoto mid tayadeedu aad uga sareeyo meesha ay hada taagan tahay.

 

Dhanka kale, xubnaha golaha wasiirada ee xukumada Somaliland ka tirsan ee weftiga ku qaabilay gagada diyaaradaha caasimada Hargeysa, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha dalka weftigan ka socda dalalka urur gobolleedka IGAD, taas oo ay ku tilmaameen inay tahay fursad wanaagsan oo wax weyn ka tari doonta hanaanka lagu raadiyo ictiraafka Somaliland, maadaama uu weftiga hogaaminayo xoghayaha guud ee ururkaas oo matalaya dhammaan dalalka ka mid ka ah ururka IGAD.

 

Weftiga, ayaa kulano kala duwan la yeelan doona masuuliyiinta kala duwan ee xukumada Somaliland muddada ay ku sugan yihiin dalka.

 

Xubnaha weftiga, ayaa la filayaa inay booqdaan degmada Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil oo uu ku yaalo dugsiga ay doonayaan in gacan ku hayntiisa la wareegaan hada ururka IGAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this