Akash Posted November 18, 2010 www,wardheernews.com Waa galab Jimcaad. Goor sheegtu waxay sii caga cagaynaysaa 5:50 ee galabnimo. Waxaan booqasho dalxiis ku joogaa goob ka mid ah meelaha il doogsiga leh ee wabiga Niilka. Qofba wax bay naftiisu ku falantahaye, taydu waxay wax walba ka jeceshahay daawashada deegaanka. Cadceeddu iyada oo aad mooddo in ay huruud marsatay, waxay u sii tukubaysaa godkeeda, waxaanay gayiga ku sii sagootinaysaa falaadho casuusa. Falaadhahaasi marka ay biyaha ku dhacaan waxay kugu soo noqonayaan iyaga oo ay adag tahay wax aad ku suurayso qurux daraadeed. Cirku caad ma leh, oo waxaad mooddaa calankeennii oo xidigta laga ilaaway. Shinbiro koox kooxa ayaa hawada si habsami ah ugu dabaalanaya. Socodka biyaha wabiga waxaad mooddaa gabadh tamashlaynaysa, oo talaabada si degan u qaadaysa. Way dhaldhalaalayaan oo iftiinka qoraxdu markii uu ku dhacay waxay isku bedeleen midab widhwidhaya. lakabyo yaryar baa dushooda ku samaysmaya, haddana baaba'aya. Wabigu wuxuu neefsanayaa neecaw udgoon oo aad sanka ula raacayso sida tan saxan saxada roobka oo kale. Waxa dhegaha uu ugu deeqayaa jabaq guux yari ku jiro oo u eg in meel fog laga afuufayo. Aniga iyo isaga waxba nooma dhexeeyaan. Aragga, maqalka, iyo urtaba isaga ayaan ergo ahaan ugu deeqay. Baashayda bidix waxa fadhiya lamaanayaal da'yar oo daadihinaya kal gacal uguba; isma qabaan, oo yaa ii sheegay? Waxaan ka dareemayaa sida ay iskugu sidkan yihiin, waayo way adag tahay aragtida laba is qaba oo sidaa iskugu dhololaya, ama isku jeceli. Baashayda midig waxa fadhiya barbaar, walaw uu qarsanayo dhibtiisa, dadkana intii karaankii ah yool habaabinayo, haddana waxaan daah iga saarnayn in uurkiisa dab ka holcayo, maankiisana mudacyo lagu mud mudayo. Waa kacayaa, haddana waa fadhiisanayaa. Saacadda ayuu fiirinayaa, eegmadiisuna dhan bay u badan tahay, oo dhanka koonfureed bay u badan tahay. Waxaan shiki igaga jirin inuu gabadh la balansan yahay. Waxa aan shaki igaga jirin in ay ka habsaantay, Waxaananse garanayn inay u jartay iyo in kale. Ma jecli in ay u jarto, waayo waxaan si dhaba u dareemayaa xanuunka uu qabo. Mar kaliya ayaa barbaarkii sida carruurta beerraqay, markii gacalisadiisii dhankii eegmadiisu u badnayd ay ka soo baxday. Haddii la is gacan qaaday, waxaan eegayay in uu daahitaanka ku yar canaanto iyo in ay cudur daar ka bixiso, masay dhicin labadaa midina. Waxaan xusuustay heestii Saado Cali, oo aan is idhi maxay uga dhigi wayday " Raggu naago jecelaa, dumarkuna u daranaa". Dhabta waxa ii saaran buug uu qoray Axmed Amiin, oo ahaa qoraa Masriya Alle ha u naxariistee oo la yidhaa: "Faydul khaadir". Buuggani wuxuu ka kooban yahay toban qaybood, ama buug, qaybtiisii sagaalaad baana maanta dhabtayda taalla. In badan baan bikir jabiyay xikmad ku duugan gudaha buuggan, maantase waxa hortayda yaalla xikmad ka ballaadhan, oo ah ta xiliga iyo goobta. Muuqaalada ashqaraarka leh ee aan kor ku soo xusay waxay gilgilayaan wadnaha, waxay ruxayaan maanka, waxaanay sangaalaha ka daadinayaan nafta. Markii aan gilgilmay, ee aan ruxmay waxaan dareemay fudayd jidheed iyo firfircooni maskaxeed. Aniga oo duulid ku dhaw baan is weydiiyay "waa maxay farxaddu?" Farxaddu waa dareen rayn rayneed oo qofku ku muujiyo xaaladda uu ku sugan yahay sida uu ula dhacsan yahay. Farxaddu waa baadi ka maqan aadamaha, hadh iyo habeenna wuxuu ku raad joogaa sidii uu u heli lahaa. Ninba meel buu ka raadinayaa, nin welibana si buu u doonayaa. qof baa maal ka raadinaya, midna mansab; nin baa aqoon ka baahdnaya; qof baana awood ku raadinaya. Hase yeeshee waxaa adag inaad maqasho qof leh farxad baan raadinayaa ama ku raad ku joogaa. Sababtu malahayga waa kala duwanaanshaha baahiyeed ee bani aadanku qabo iyo sida aan la iskugu raacsanayn meelaha farxadu ka soo burqato. Wax waliba sida ay u leeyihiin dhab iyo dhalanteed ayay farxaduna u leedahay mid dhaba iyo mid samays ah. Haddaba qof waliba marka uu helo hantidii, mansabkii, aqoontii iyo awooddii uu muddada badan ku taamayay ayuun buu meesha ka waayayaa farxadii dhabta ahayd. Markaasay laba mid uun noqonayaan: mid loo badan yahay oo ah samaysashada farxad aan afka baarkiisa dhaafsiisnayn iyo mid tiro yar oo jecel inuu dadka u sheego in aanay farxadda dhabta ahi ku jirin helitaanka waxyaabo badan oo ay dadku ku hammiyaan. Hase yeeshee wuu og in aan cidi ka dhagaysanayn, markaasuu iska aamusaa. Farxadda dhabta ahi waxay ku qarsoon tahay gudaha jidhkaaga, gaar ahaan wadnahaaga, waxase ku hareeraysan oo cuna qabateeyay waxyaabo badan oo aad ku dhaqanto asaadan dareensanayn. Waxaa kuwaas mid ah xasadka, xiqdiga, xinka, xumaanta iyo xafiiltanka. Waxyaabahani waa jira sidayaal waxaanay dhalaan cudurka nacaybshaha. Nacaybshuhu wuxuu meesha ka saaraa kalgacalka, is jeclaanta, walaaltinimada, wax wada qabsiga iyo naf qaybsiga. Waxa hore loo yidhi "Dab iyo cudur meel ma wada fadhiistaan". Waxa kale oo ay dhalaan beenta, khiyaamada, qalbi adaygga, wax is daba marinta iyo namiimiyanimada. Intani waxay meesha ka saartaa, runta, daacadnimada, naxariista, isku kalsoonaanta iyo is aaminka. Cuduradani marka hore waxay ku abuuran yihiin gudaha qofka iyaga oo aan firfircoonayn. Sidoo kale kuwa ay meesha ka saarayaana waxay ku abuuran yihiin gudaha qofka iyaga oo aan firfircoonayn. Matalan iniinta beenta dhasha iyo ta runta dhashaaba waxay wada yaalaan gudaha uurka qofka. Hadba ta uu beero ayuun baa biqlaysa. Oo miyaanay dhici karin in labadaba la wada beeraa? Way dhici kartaa, waxase kala duwan mid waliba waxa ay ku samaanayso ama ku hano qaadayso. Iniintaasi ta ay doontaba ha noqotee, marka ay gudaha qofka ku biqisho waxay u baahan tahay ilays iyo hawo. ilayska iyo hawadaasi ma'aha kuwan aad aragtaan, waase degaanka iyo dadka. Haddii ay hesho deegaan ku habboon iyo dad aqbali og muddo gaaban ka dib baalal ayay la kala baxdaa oo waxay bilawdaa hawlihii ay u xil saarnayd. Haddii kalese way dhadhaa oo jiritaankeedu macno buuran ma yeesho. Bal u fiirso qofka ballanta sideeda u oofiya, xiligeedana aan ka dib dhicin, waxaan nidhaahnaa inaga oo meeqaamkiisa hoos u dhigayna "Waa daacad" ama waxaan moodnaa inuu bilaa shaqo yahay. Ka gidaarka dadka u dhiibaana wuxuu ku faanaa hebel baan sawiray ama siray isaga oo madaxa kor u taagaya. Bal iyaba waa yaabe maxaa ballan darada sharaf ka dhigay, ballan oofintana wanaaggeeda naaqusay? Maxaa xumaanta taaj u xidhay, samahana tagoogta ka jabiyay? Maxaa beenta qaali ka dhigay, runtana raqiis? Maxaa cadhada caadi ka dhigay, kal gacalkana kud? Halkan waxaad si fudud uga ogaan kartaa in waxyaabahii xumaa oo idili ay uurkeenna iyo oogadeenna buux dhaafiyeen, halka waxyaabihii samaana ay galgalanayaan kutubta iyo buugaagta gudahooda, ama ay noqdeen wax laga sheekeeyo jiritaankooda sida Diinasoorka. Waxa kale oo aad si fudud u ogaan kartaa in qashin iyo qudhun inaga buuxo. Qashinka iyo qudhunkaas inaga buuxaa waxay sababeen inaan wax walba il taban ku eegno, dhan tabanna ka eegno. Taas oo sababtay inaan ku sugnaanno mugdi nololeed iyo cidhiidhi nafsadeed. Bal u fiirso haddii aan aragno erayga "JACAYL" isla markaaba waxa maankeenna ku soo degdegaya nin iyo naag. Lagama yaabo inaan is nidhaa armaa laga wadaa jacayl Alle, mid waddan, mid walaaltinimo, mid jaarnimo, mid bani'aadantinimo iwm. Haddaba maxaa keenay inay kuwani inaguba soo dhici waayaan? Jawaabtu waxa ay ila tahay in ay keeneen arrimahaas oo aan ka jirin gudaheenna walow aan afka ka sheeg sheeganno. Halkan waxa inooga cad inaan wax walba cidhiidhi galinay ama macnihiisa koobnay. Oo inaan wax walba cidhiidhi galinana maxaa inoogu wacan? Waxa inoogu wacan adeegsi la'aanta maskaxda, akhrin la'aanta kutubta iyo iska indho tirka waaqica. Waxaan qabaa in Soomaalidu leedahay maskax fiican, waxaase mudan in la ogaado lahaanshaha shayga iyo ka faa'iidaysigiisu inaanay kala maarmi karin. Waxaan ka wadaa haddii aynu caqli fiican leennahay oo aynaan ka faa'iidaysanayn, waxay ka dhigan tahay in aynaan lahayn caqli. Haddaba inagu ma ka faaiidaysannaa caqligeena? Jawaabtu waa maya haddii aynaan murmayn. Maxaa sababay inaynu ka faaiidaysan wayno? Waxa sababay guriga aan ku barbaarnay, dugsiga aan u baqoolnay iyo bulshada aan la caweynay. Oo sidee bay u sababeen? Waxay u sababeen guriga aan ku barbaarnay kama jirin wada tashi toolmooni, haddii uu ka jirana kama aynaan qayb qaadan jirin, haddii aynu ka qayb qaadanana afka ayaa la inagaga boodi jiray oo waxa la odhan jiray: bal waxani wuxuu caqli xumaantiisa ku hadlayo eeg! Waar naga aamus ***** yahaw !!! Markaa si aynaan nacasyo u noqon waxaan xal u aragnay inaan shiba nidhaa. yacni, in aynaan maskaxda furfurin. Dugsigu wuxuu u sababay waxaynu ku soo qaadanay casharo. Macallinku casharka inaad fahanto wuxuu ka jeclaa inaad xifdido. Inaad eray ku kordhiso wuxuu ka jeclaa inaad sidiisa uga soo baxdo. Tani waxay inna dhaxalsiisay inaan aqoonta gabigeedaba moodno wax beri hore dhammaatay, oo aan waxna lagu kordhin karin, waxna laga dhimi karin. Aqoontaa yar ee aan qaadanay waxa daah furay nin cad, markaa waxaynu iyana si dadban u fahannay inaan nin madoobi waxba keeni karin. Halkana waxa ka dhashay adeegsi la'aan labaad oo maskaxdeena ku wajahan. Bulshadu waxay u sababtay waxay qalad ka fahantay, kana fahansan tahay fikirka. Maxaabad bulshada ka doonaysaa aqoonyahanka Soomaaliyeed baa fikirka, fikrad qaldan ka haysta. Maalin baan niman aanu asxaab nahay ku idhi: gaadhiyada marka aan saaranahay way igu adag tahay inaan wax akhriyo, ama si wanaagsan ugu sheekeeyo qofka ila fadhiya. Waxay igu yidhaahdeen oo waayo? Waxaan ugu jawaabay; waxaan jecelahay inaan iska fikiro. Labaduba isku mar bay igu yidhaahdeen iyaga oo ii nasteexaynaya fikirku ma fiicnee iska ilaali. Arrimahaas iska noolaanta ah ee aan eaddexda sababood ka tilmaamay waxay maskaxdeenna ka dhigeen galoof iyo hal gudhan iyo ban aan geed lahayn. Haddaba wadnaheenna oo aan ogayn waxa ku hareeraysnaa iyo maskaxdeenna oo aan arkayno waxa ku gedaaman miyay kula tahay in maal, mansab, aqoon iyo wax la midi farxad dhaba ina haleeshiinayaan? Waxay ila tahay maya. Waxa inala gudboon in qof waliba is qalo oo qashinka iyo qudhunka ka buuxa iska sifeeyo, Waa haddii uu rabo farxad dhab ah oo aan dhalanteed ahayn. Hadalka waxaan ku soo koobayaa odhaah uu yidhi nin faylasuuf ahi :"Noloshu way gaaban tahay ee yaan la gaabin." Axmed Ismaaciil Maxamuud "Axmed Deeq" E-Mail: awliyo177@hotmail.com Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted December 21, 2010 Qoraal waqti la giliyay waaye. Ninka qoray waan is naqaanaa, nin da' yar oo Abwaan ah waaye. Share this post Link to post Share on other sites