Sign in to follow this  
Kamaavi

Mindida Cadowgaagu kugu halgaado iyo mijin qabashada walaalkaa midkee xanbuun badan?

Recommended Posts

Buuxo   

^ Habaryar ilaahay khayr haku siiyo. Amiin for the ducaa.

 

A&T,Sifiican baad usheegtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mindida Cadawgaagu kugu halgaado iyo Mijin qabashada walaalkaa midkee xanuun badan?

Waa runoo ka walaalka ahi ee inta aad amintay haddana cadawga ku loogaya runtii kaasi aya cadowga kaaga darran waayo cadowgaadu wa ad taqaanayo ku gaban mayo wadna iska ilaalin karta balse kaanad iska ilaalin karaynin ee adan ka shakiyeynin waa kan kula dhashaye ee cadowga hoosta kala jira habeen iyo dharaarna ku shirqoolaya kasi marka si aad ka yeesha garan maysid markaasi waa adagtahay inad ka hortagaa illeen waa cadow dahsoone.

 

Runtii qoraalkan Rooda waa qoraal akhrintiisu murugo kugu reebayso waa qoraal xambaarsan fariimo badan oo isugu jira garasho & garnaqsi marna si gaara ugu socota somali xagga dhalashada sii wada wadaagaan marna ku socota somalidoo idil oo ay ku tilmaameyso in maankodi & garashadoodiba la nastaqay marka ay noqden kuwa u jajaban hadba siduu cadawgoodu u ged-gedisto.

 

Tan iyo inti qaranimadii Somaliya dhulka gashay dadkiina qabiil qabiil midiyaha isugu wada afeysten, dhulkii & shacabkiina gacanta u galeen kuwa qowleysato arxan-darayaal ah, taasna dhalisay in hankii dowladnimo iska daaye kii ka somalinimo ayba gebegediba meesha ka baxday oo waxad arki dad dhahaya ""adeer, maxaa naga galay, OG & amxaradu waa aay wada dagaan ama ha is laayan ama ha is daayen, waa shaqo utaala ayaga" bal fiiri, halkaas baanu maanta joognaa, marka qoraaga maqaalkan wa ay carabawday arrinka inoona cudurdaartay balse ma aysan filanaynin tageero & taakulayn iska daaye in ayagaiiba soomali dhexdooda ku amaan heli waayeen oo qofkii magacaas OG wataba bilaabatay in lagu gorgortamo Puntland-ba ha ugu horeysee. Hal mar maahin, 2,3,4 tiro ka shan ayeey dhagaheygu ku soo dhaceen in Puntland aay gudbisay dhallinyaro culimo ka soo jeeda OG balse waxaa is weydiin mudan aawaye nabadoonadoodi, caaqiladoodi indheer-garatkodi? Maxayse uga kici waayeen ugana gilgilan waayeen arrinkan mar kasta soo noq-noqonaya? Sheeko yaroo bog internetka lagu soo daabacay iyo waa la cambaareyey iyo wadaadba masaajid waa' ka istaagayo yiri hala joojiyo iwm ma ay soconayso cid ka dhageysaneysana malahan waa haddii aad xaqiiqda la doonayo gabadhuna cidda aay si toosa ula hadleysayi waa iyaga ee inta sida isu dhamaan haddi tolnimo & wadadhalasho jirto ha soo siidaayeen gabanadii la dhiibay hana ku dadaalan in waxani mar dambe aysan dhicin ama ganacsigooda ha sii wataano aduuna waa harka labadiisa gelin maalin ayaa imaan doonto ...wa tilkal ayaam... baahidu dhinaca kale degto...markasna waxba tari mayso tolnimo dib laga soo xasuustay iyo goor xeero iyo fandhaali kala dhaceen.

 

thats my 2 cent worth!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Mindida Cadawgaagu kugu halgaado iyo Mijin qabashada walaalkaa midkee xanuun badan?

minjo qabashada walaalkaa, mindida cadowga ayaa dhanaata,

 

taariikhda ooy kuu gasho ayaase daran

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this