Sign in to follow this  
Kamaavi

Mindida Cadowgaagu kugu halgaado iyo mijin qabashada walaalkaa midkee xanbuun badan?

Recommended Posts

Kamaavi   

Saturday, 10 October 2009 18:49

 

Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa umadda Soomaaliyeed inteeda wanaaga iyocadaalada jecel waxaanan u rajaynayaa in uu Illahay guud ahaan umada Soomaliyeed dhibataada ka dul qaado una soo celiyo qaranimadii, midnimadii, haybadii iyo isku kalsoonidii luntay waxaan si gaar ah u salaamayaa umadda Soomaalida Og'aadeenya ee la gumaysto una halgamaysa xoriyadeeda gaar ahaan inta sida dhabta ah uga danqatay xanuunka gumaysiga kana dhiidhiday waxaanan u rajayanyaa in u Illahay guusah u soo dadajiyo.

 

Inta aanan fogaanin waxaan jeclahay in aan yar iftiimiyo ruuxa aan ahay, waxa aan ku hubaysanahay iyo sababta igu kaliftay qormadan, waxaan ahay gabadh ka mid ah Soomaalida Og'aadeenya ee uu gumaysigu ragaadiyay waxaan ka mid ahay da’da ciilka ku calool gashay cadhada la soo dhalatay taraysada lagu anqariyay gulofka dagaalkana lagu gardaadiyay walina aan qoob qabow ku joogsanin cimriga aan jiro oo meel dhexaad ah dhagahaygu wax badan oo farxad u ah ma aysan maqal idhahayguna ma aysan arag maskaxdaydana habeen iyo maalin kama bixin fikir iyo is weydiin.

 

Waxaan indhaha ku kala qaaday dagaal u dhexeeya Soomaalida O'gaadeenya iyo dad Afrikaan ah oo ku soo duulay doonayana in ay gumaystaan, anigoon caqilgaygu igu filaanin ayaan ka mid noqday dadka go’aansaday in aysan marnaba gunimo ogolaanin tabari meel ay dhigtaba waxaanan aad ugu rajo weynahay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida Ogaa'deenya iyo Itoobiya in uu soo af jarmi doono xili aan fogayn guushii mudada dheer aanu raadianynaya ay soo muuqato sidoo kale waxaan ku han weynahay in aan mar uun arki doono guud ahaan umada Soomaaliyeed oo Eebbe u soo ciliyay sharaftii isna wada jecel oo is qadarinaysa anigoo aad ugu dhaata Soomaalinimada waxaa marwalab idanqanaysa boog igu taala oo uu xoqayo ruux Soomaali ah.

 

Hardanka colaadeed ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ee Ogaa'deenya degan iyo Abasiiniyiinta dhulboobka ku can baay ee duulaanka ah waa mid soo jireen ah oo dhamaan Soomaalida khuseeya waana mid saamayn balaadhan ku leh guud ahaan Geeska Afrika lagumana xalin karo wax aan xornimo ahayn waxaa jira duruufo aan yarayn oo laga yaabo inay dib ridaan guusha uu shacabka Ogaa'deenya higsanayo waxaase si dhab ah loo ogaaday in ay dadka Ogaa'deenya isku tashadeen ayna ka go’antahay in ay wax walba oo qaali ah ku iibsadaan gobanimadooda taas oo ay hubaal tahay in wax badani uu ka hirgalay.

 

Halganka Ogaa'deenya lagu xoreynayo oo lagu tilmaamo in uu yahay halganka caalamka ugu taariikhda dheer waxaa hor mud u ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaa'deenya(JWXO) oo ah Jabhadii ugu cimriga dheerayd ee abid dhulka Ogaa'deenya u dagaalanta maantana ah xoog aan la dhayalsan karin oo Geeska Afrika ka dhex muuqda kana soo dhex baxay shacab gobanimo doon ah, halagnkan oo asal ahaan Soomaali oo dhan khuseeya wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaa mar qoriga u wada qaadday Soomaali weyn waxaana la cidhiidhi galiyay gumaysiga Itoobiya taas oo ugu dambayntii sababtay in ay Itoobiya u soo gurmadaan quwado waawayn oo reer Galbeed ah, sikastaba ha ahaatee halganka Ogaa'deenya wuxuu madi noqday markii qaranimadii Jamhuuriyadii Soomaaliya luntay inkasta oo halgankani uu yahay mid wadadiisii ku qotoma hadana Dawladii dhexe ee Soomaaliya markii la waayay shacabka Ogaa'deenya wax badan ayaa kaga lumay.

 

Burburkii Soomaaliya aafadii iyo darxumadii ka dhalatay shacabka Ogaa'deenya wax badan ayaa ka soo gaadhay si walbana dhibaatadu way u saamaysay waxayna la qabeen Soomaalida inteeda kale waxaase u dheer halgaada gumaysiga oo aysan hiil u helin, halganka ay JWXO hor muudka u tahay wuxuu ku soo beegmay xili adag oo ku talo galkiisa leh waxaana ku xeeran duruufo caam ah iyo kuwo khaas ah intaba JWXO markii ay dagaalka hubaysan bilowday hiil kama aysan filaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya sababtoo ah qaranimadii meesha ayay ka baxday waxaana bilowday dagaal sokeeye oo aad u baahsan arintaasi shacbka Ogaa'deenya iyo JWXO waxay ku ahayd walwal ilaa eegga taagan waxayna dareemayaan in geestii ehelku ka jiray ay dabayli kaga socoto kuna banaantahay oo ay walaba dhiilo culusi ka jirto xalna loo la’yahay .

 

Inkasta oo aan ku dheeraaday gogol dhiga bal aan gudo galo ujeedada cinwaanka qormadayda oo ah Mindida Cawogaagu kugu halgaado iyo Mijin qabashada walaalkaa midkee xanuun badan? waa su’aal aan jawaabteeda ka sugayo cid kasta oo jawaab u haysa waxayna ka dhalatay xanuunka boogta ixanfafaysa ee marwalab idanaqnaysa taas oo sida aan kor ku xusay ay idanqayaan dadkii nabaradayda dhayi lahaa ee dhawaca aan qabo la tacaali lahaa.

 

Tolow waa kuwee kuwaasu?.

 

Sida afkan aan wax ku qorayaayi tilmaamayo waxaan lahadalyaa cida aan wax walba wadaagno sida dhalasho,dhaqan,dhul iyo diin waxaaanan filayaa in aadan akhristoow u baahnayn in aan sii tilmaamo dadka aanu waxaasoo dhan wadaagno cida ay yihiin wayna kuu cadahay in aan Soomaalida lahadlayo.

 

Maxaan ka cabanayaa?

 

Sida hadalkayga hore laga dhadhansanayo umadda Soomaaliyeed inteedi xorta ahayd ma jiro hiil weyn oo in ay naga garab dagaalamaan ah oo aanu ka filaynay marka la eego xiligan waxaase waajib ku ah wixii ay awoodaan in aysan naga hagranin bal ka waran hadii Soomaalidu hiilkii aanu uga cudur daaraynay iyo ka badanba ay siinayaan Cadowgii aanu hiilka u la ayn waxayna Soomaalidu noo quudhaa wax uusan gumaysiga aanu la dirirayno noo quudhin sida runta ah Itoobiya waxyaalo badan ayaanu kaga adkaanay marwalbase waxaa la duuban in badan oo Soomaali ah kuwaas oo noo mijinqabanaya, ma doonayo inaan qormadan eegga ku falanqeeyo inta nooc ee ay dadka Soomaaliyeed noogu mijin qabanayaan uguna hiilinayaan cadawgooda soo jireenka ah waxaanse doonayaa in aan soo qaato inta ugu yar.

 

Umadda Soomaaliyeed ee Ogaa'deenya degan waa dad aan waligood Itoobiyanimo ogolaanin mana ogolaan doonaan waana dad Soomaali nimadu ka dhab tahay oo aan badhax ku jirin gumaysiga laftiisuna macangagnimo un buu isugu dhajinayaaye wuu ogyahay arintaas waligiina fagaare caalami ah magac aan Ogaa'deenya ahayn ma uusan dhulkaas ugaga yeedhin wuxuuse taliska dhiigyacab Zanaawi samaystay nidaam cusub kaas oo lagu tilmaamo Itoobiyada cusub oo la doonayay in reer Galbeedka laga gado waxaana shucuubta laysku khasbayo ee ay maanta qowmiyada tirada yar ee Tigaygu gumaysato loo qaybiyay 5 qaybood erayga qayb ayaa afka xabashida waxaa lagu yidhaahdaa Kilil, qaybahaas waxaa laga soo bilaabayaa Gobolka Tigrayag oo la yidhi Kililka 1aad Af Soomaalina ku ah qaybta 1aad Dhuka Ogaa'deenya oo gumaysigu gobol ahaan u istic maalayo ayaa lagu suntay Kilika 5aad ama qaybat 5aad.

 

Hadaba umadda Soomaaliyeed oo aan maanta u qalmin in aan ka cadwoono ayaa meel iska dhigtay wax walba oo dani ugu jirto jinsigeena Soomaaliga ah waxaana u fudud in danaha cadogeena si muuqata iyo si dadbanba loo fuliyo,aan ku noqdo boogta iqoomanta maalin walba, bulshada Soomaaliyeed waxay shacabka Ogaa'deenya ka galayaan dhagar taariikhi ah waxayna si xishood la’aan ah ugu badheedhayaan hagaradaamada aan kala go’a lahayn ee shacabkaas dulman loo gaysanayo.

 

Waxba waxbaa iiga daran Dilka duudsigaa iiga daran

 

Dakanada shacabka Ogaa'deenya ay Soomaalida inteeda kale ka galayso waxaa ugu culus duudsiga jiritaanka dalnimo iyo umadnimo waana wax aan loo dul qaadan karin oo in laga dagaalomo ay waajib tahay Itoobiya waxay rabtaa shacabka Ogaa'deenya in oo heeryada gumaysiga ogolaado hadii uu shacabka Ogaa'deenya taas ogolaado oo halganka huabysan joogsado Itoobiyana lagula gorgortamo maagca aanu leenahay waa Ogaa'deenya way ogoshahay waxa aanu isku haynaana waa aan ku xukumo iyo ixukumi maysid , sida muuqata Soomaalidii xorta ahaan jirtay waxaaba dhib ku ah in ay na xusuustaan waxaanad moodaa in 20 kii sano ee waalidu uu xiskooda ka lumiyay in aanu ahayn dad Soomaali ah oo wali gacanta gumaysiga ku baaqi ah waxaana taas cadayn u ah waxaa dhib ku ah in ay magaca aanu leenahay sheegaan waxaan in badan Saxaafada Soomaalida ku arkaa ama ka maqlaa magacyo uusan waligii gumaysigu in uu noogu yeedho ku dhiiarnin.

 

Saxaafada Soomaalida ee Af Soomaaliga ku hadasha noocay dooniba ha noqoto cid kastaana ha lahaatee marka ay dalka iyo dadka Soomaalida Ogaa'deenya ka hadalyaan way ku margadaan hadalka waxayna noo raadiyaan magac inaanu Itoobiyaan yahay muujianya sida

 

*Soomaalida Itoobiya

*Soomaalida dhulka Itoobiya degta

*Soomaalida kililka 5aad ee Itoobiya

*Gobolka Itoobiya ee Soomaalidu degto

*Qaybta 5aad ee Itoobiya

 

Intaas oo magac ah oo ay Soomaalidu noogu yeedho waa hiilo weyn oo gumaysiga loo hibayay waana dhagar culus oo nalaga galayo waxaanse ku kalsoonahay laba arimood

 

1. Shacabka Ogaa'deenya wuu isku tashaday ilahayna wuu isku xidhay halgankuna waa dhib ay dheefi ka dambayso isku day walba oo lagu xagal daacinayo halganka xaqa ah ee Ogaa'deenya lagu xoraynayona aakhirkiisa wuu fashilmaa.

 

2. Dadka Soomaaliyeed ee noo quudhi la’ in ay nagu tilmaamaan Soomaalinimo maanta iyagiiba naf isuma hayaan waanan ognahay in uu xarrka gumaysigu masakxdooda ku beermay sidaas daraadeed waa uun iga dareensiine iyo kayd aan u dhigayo jiilasha soosocda’e dad miyir iyo caafimaad qaba in aanan ka cabanaynin waan ogahay maata kobtaas ha inoo joogto waaxaanan idinku dhaafayaa.

 

*Kuwa isamka doolka ah shacbkiga ku ablikaynaaya.

*Itoobiyana nagu sheegayoow la ogolaan waaye.

*Abtirsiinadii iyo rirkaygaad ambinaysaane.

*Duntii lagu arooraayaybaad uub u qodaysaane.

*Anoo ubaxa Soomaaliyeed Eebbe iga beeray.

*Aanjii miyaan noqon karaa ina amxaaraad ah.

*Sideen ugu ekaadaa ma ihi Aabasiiniya’e

Qoraalkan waxaa qorey Rooda Ibrahim A/Gurey (Afjanno) oo ah Gabadh Abwaanad ah oo ku xeel dheer Gabayada

 

Waxaad kala xiriiri kartaa: Afjano2004@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Rooda is spot on again.

 

"Anoo ubaxa Soomaaliyeed, Eebbe iga beeray

Aanjii miyaan noqon karaa, ina amxaaraad ah"

 

Food for thought as the jargon goes for some in this forum, including native DUKE.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Jafe: I tried replying to you, but your inbox is full.

 

This article is too long in Somali, it will take me an hour to read it!! I'll give my view in 3yrs time when I learn more Somali- unless you want to give me a short summary.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   

Rooda Afjano is an amazing women, Somali women should envy her courage and charisma.

 

waxaa marwalaba idanqanaysa boog igu taala oo uu xoqayo ruux Soomaali ah.

This speaks volume about the two administration's who currently reighn over Pland and Sland.

 

Ogadeinia is a land sitting on the blood of thousands of martys, thousands of innoccent souls swept away by the injustice's of occupation, these souls say to us let not our passing be in vein....hence we continue, the fire is still burning within thousands of our youth, and as my father fought in the 77 war and my family member's continue to hold the batton of freedom, I too will never surrender my freedom....The somali republic is in no better state for today, its founder's roll in their grave's as what has become of a promising state, whilst its neighbours continue to be from its own stock, artificial border's keep them seperate

 

Roda Afjanno I salute you.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

I went over it twice and cant understand the writing very well(well there goes my confidence in my Somali). What is godobta aan ka galnay? We call them Somalida Etoobiya dagta? Like I mentioned not too long ago, I have difficulty calling the land Ogaandeenya for that is a tribe name.

As for help they deserve since they're fellow somalis, personally I believe we would do more if we could NOW, dont know anything about the history of Siyad Barre's regime and the reasons why we didnt join the people's struggle to gain freedom from Ethiopia.

All I know is when I was 11 or 12 in Kenya, Masaajidyada and dugsiyada oo dhan used to raise funds for the struggle, people would give away everything they owned and we were a host for couple of very badly wounded soldiers receiving a very expensive surgeries paid for by the mosque. And no I dont hail from there or even close.

So did I miss the point?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

C&H,

while you are justified to have issues with the name Og-blah-blah, you have no right to call us Somalida Ethiopia degta. We mind that and you please refrain from using it. There is an accpetable one out there. Use SOMALI GALBEED. That one is fine.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

This is not the first time you heard SomaliGalbeed. Use it. Your preoccupation with the wrongs of a particular group and a miasmic name issue won't advance our cause, if you agree it is our collective somali cause.

 

If it is conditional either you do this or that or I won't join anoo reer-hebel ah, I am afraid the hardliners will tell you " Iwir bishafit iska guwaaro" - meaning "The blind who rebelled was caught behind the compound."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes it is. And go read your PM. I explained it better.And no need to get hostile with me.

And yes, I do beleive in the cause and you're not the spokesperson for it and all you can do is educate and raise awarennes for the cause not get arrogant, adeer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Afjano's article is mainly concerned with: Mindida Cadowgaagu kugu halgaado iyo mijin qabashada walaalkaa midkee xanbuun badan?

 

So I think, to say the least, it's better to base our comments or arguements more often on that question.

 

Originally posted by *Ibtisam:

Jafe: I tried replying to you, but your inbox is full.

 

This article is too long in Somali, it will take me an hour to read it!! I'll give my view in 3yrs time when I learn more Somali- unless you want to give me a short summary.

Ibti, Lol. Yes, you are right it's too long and I forget your Somali was limmited just like my English is. However, I believe in 3 years of time Somali galbeed will be free, I'A. But to see Ibti being able to read, write or compose Somali gabays like or more than Afjano will be a great success, I think.

 

I've shortcomings with English so I will leave for garaad A&T to summerise for us.

 

Ps. My inbox is clear now, if anyone tried to send me a message earlier please you can resend it, thanks. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Somali galbeed markaan dhihi karo maxaa Itoobiya isoo arkey.

 

 

Roodo ,Ilaahay dartiis aan kuu jeclahay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Faafan   
Somali galbeed wa magac Dowladii Somaliya la baxday...WSLF magacii lagu dhisay OLF( ogadein liberation front) buu ahaa, oo makhtal dhahir uu hogaamiya u ahaa...magaca Ogadein waxaa loo doortay waa magac siyaasi ah, waa magac lagu jahwareerinayo itoopia, waa magac xujo ku ah oyna dhihi karin Somali baa dulaan nagu ah...waa magac indigenous ah oo tariikh leh, waa magac lagaga hoos bixi karo itoopia, ee ma'aha qabiil...Aduunka dhan Ogadein buu hada u yaqaanaa, somalida waxa ku dhibay baana fahmin. magaca markay xornimo timaato in laga tashado waa laga maarmaan...intaana la gaadhin, siyaasada la socda....waa in la dhiso profile, dowladaha aduunka u liqmi kara...SOmali galbeed waa term failed ah, ha laga gudbo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Jabhad,

 

dooda ku saabsan magaca waa la inagaga gar leeyahay ee inaga yareeya. Sow Soomali ma nihin? Maxay ina yeeli hadaynu soomaali la baxno? Waa haday danteeenu tahay inaan Ethiopia iyo Axmaaro ka xorwoono?

 

Haday danteenu tahay inaan rer-hebelka jaarkeena ah ee Dawladaha samaysatay la baratano, taasi waa kiis kale. Laakin adiguba waad ujeedda in SOmaliland reer leeyahay haddana SOMALILAND ayaa la yidhaa. Puntland reerbaa dhistay hadana waa PUNTLAND. Kolkaa mara-ku-dhaga inaga daaya. It is distracting from the big picture!!!

 

And people are right if they don't want to be called Oga.den!! Period.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Originally posted by *Buuxo*:

Somali galbeed markaan dhihi karo maxaa Itoobiya isoo arkey.

 

 

Roodo ,Ilaahay dartiis aan kuu jeclahay!

Maansha'Allah, habo Buuxo. Allah ha ku jeclaado. Waa saad sheegtay habo. Dadka dhahaayo Somalida Itoobiya waa kuwo jilcay oo gumaysiga isku dhiibay, halka kuweena isticmaala Somali Galbeed ama Og'adenia ay u yihiin gumaysi diid.

 

Ilaahay karaamo iyo naxariis waa kuu siiyay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this