Sign in to follow this  
kyz

Gabaygii: Alifyeen 1835tii

Recommended Posts

kyz   

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayyadii Sh. Cali Cabdiraxmaan FiqqiKhayrre (Sh.Cali******teen), tiriyey abbaarihii sannadkii 1835tii badhtamihii Sh. qarnigii 20aad.

 

Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega

Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka

Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye

Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada.

 

Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo

Banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye

Ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane

Ninna baadil yuu cuni dadow baadi baad tahay.

 

Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne

Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye

Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye

Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye.

 

Sayteen siyaabaha adduun saafi laga waaye

Sifniheeda maqalnoo war baan innagu seegnayne

Sugimaynno saakaba kuwaad sare u qaaddeene

Sabab bay idiin noqon mar ay badan su’aashiiye.

 

Jiinyeen Jaliiloow adaan lagu jigraareyne

Jinni iyo Insiba maalintuu uunku wada joogo

Jahannamo ninkaad geeysey wuu jimidhwareeraaye

Jidka toosan Eebbow na mari Nebiga jaahiisa.

 

Xayteen Allaa xaakimoo xukunki juusaaye

Wax Xadiiska laga sheegayaa xaal aan fududayne

Xisaab li’i wax loo geyn Jannada nimuu xoreeyaaye

Bal xusuusta xaashida wax dhigan nin iyo xaalkiisa.

 

Khayteen wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyne

Ninkii khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaaye

Nin khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaaye

Khatar haysku ridin jeer danbay kula kharaarnaane.

 

Deelyeen daliilkii cilmigu waa kan daahiraye

Daarahakan loo baxay mar bay wada dumaayaane

Intaan mawdku soo degin intaan dabaqa lays geynin

Nin walaw naftaada u dedaal Aakhiraa darane.

 

Daalyeen dariiqada nin galay derejo loo sheegye

Culimmada digriga qaadayee duubay madaxooga

Xajka uma dawaafeen haddaan lays dangelinayne

Doqonniimo yaan loo dhimane daya asaaggiinna.

 

Siinyeen sidaad aadmi tahay waad silloontahaye

Fircoon baa sallaan dheer dhigtoy seegtay taladiiye

Nin waloo suldaan ihi ka socoy soof wuxuu dhaqaye

Sakadayska bixi yaad ku dhicin solayga Naareede.

 

Shiinyeen shar baa loo kiciyo shuqul an toosnayne

Sharcigii Ilaah laga tegyoo looma soo shiro e

Aakhiro wexeer sharrax u dhigan waa shiddiyo khoofe

Shayddaan ha raacina ayuu shaal idiin luline.

 

Saadyeen wax saadiqa ninkii soomay Ramadaane

Sadaqo u ratiba waalidkiin waydin sugayaaye

Ninba saaka wuxuu geystey baa saaddanbaw imane

Salaaddana ha deynina Jannaa la isku siiyaaye.

 

Dayteen wax doornimo la biday col iyo duullaane

Nin waliba anaa duul batuu dad ugu faanaaye

Wixii dunida joogiyo la waa dawladii sare e

Dabka baxaya yaan laysku ridin deregga hooseeya.

 

Caynyeen nin caasiyey Ilaah cadhadi waw meel e

Cunsur oo dhan baa lagu ridaa lagu ciqaabaaye

Cilmigiyo Quraankiyo intii caadadii Nebiya

Bal cuskada Allaa caaddiloo inna caqiibayne.

 

Qaynyeen maxaa laga qoslaa qaylo waa badan e

Maantii Qiyaamuhu dhecee ruuxa laga quusto

Ninba qayb wuxuu falo markii qoorta loo geliyo

Allahayow dartaa nagu quwee Qaaddir waa adiye.

 

Fayteen anaa faro leh iyo labo fadhdhoo geel ah

Haddii faan waxtaro gaaladaan lagu fidneeyeene

Wax ka fiican Naartiyo ninkii laga fogeeyaaye

Bal fekera wexeer idinku furan hawsha faraheeda.

 

Qaafyeen qubuurahani waa wada qabiilkiine

Haddaad qooshkan mooddeen inaan layska qabanaynin

Qadka waxaan ku dhaartaa inaan qolona waarayne

Qalbi li’idinaa soo ma arag galabba waa qayre.

 

Kaafyeen Kariimow adaa noo karaamadaye

Kurbi adag ninkii qabeyba wuu ku cuskanaayaaye

Wixii jiraba waad kaafidaa keli ahaantaaye

Allow naga kalkaal dunidatani waa kabaal jabaye.

 

Laanyeen lihiin ma lihinoo kuma lulmoodtaane

Lucfadii la soo cunay wallaan loola ledihayne

Nin laxaad lehow haysu filin inaadan laabmeyne

Ninna yuu ladnaan uurka gelin horeba loo waaye.

 

Miinyeen Macbuudow adaa lagu muraadaaye

Mulkigaaga adigaa leh oon lagugu maagayne

Adigaa masiibada ceshoo noo miciin fala e

Allahayow ku soo magangalnoo kuu martaan nahaye.

 

Nuunyeen niyaayiro la waa nolol la eegaaye

Intay nabaddu joogtaa arlada lagu nimcaysnaaye

Nabsigeed hadduu galay muggeer gelinba waa nooce

Neeryaa Ilaah soo rogiye yaan niyo xumaysnaane.

 

Wowyeen werdiga lama maqloo waano laga baydhye

Asaxaabihii kuma warramin waxaydin yeeshaane

Wanaag kuma galaan xoolahaan xaq u wanbaarnayne

Wariisada wexeedii la cunay Weyne ma illaabo.

 

Hayteen kuwii hodon ahaa haatan waa dane e

Iyaguba waxay hayn jireen wayagaa huraye

Hawo been ah lama raaco iyo hal aan ku haynayne

Waxa haybaddii helay Ilaah nimuu hadeeyaaye.

 

Yayteen an yaabaye maxaa yaradka loo qaatay

Wixii laga yakhaafoba maxaa loogu yididiishey

Nin yatiin dulmiyey Aakhiraa laga yamxeeraaye

Allahayow yaqiin lama hayee noo yassir amuurta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
UZTAAD   

Buug Cusub: Daahfurka Taariikhda Xaaji Cali **********

Posted to the MOL September 3, 2009, 8:38 pm

 

 

Waxaa Xaflan Daahfur Buug oo aad loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Horumarka iyo Cilmibaarista Punland (Puntland Development and Research Centre).

 

Daahfurkaasi wuxuu ku saabsanaa buug cusub oo ka hadlaya taariikhda Faqiic, Mujadid Al-Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqi oo ku Magac dheeraa ama dadku u yaqaaniin (Xaaji Cali **********). Waxaa buugaas qoray Caalimka ku caan baxay uruurinta, xifdinta iyo qorista taariikhda Soomaaliyeed waa Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise.

 

 

Xaaji oo ahaa Caalami noolaa intii u dhaxaysay dhamaandii 1700 iyo bilowgii 1800. Dadka wax ka qoray Xaaji Cali waxaa ka mid ahaa badmareen lagu magacaabi jiray Charles Guillain inuu kula kulmay Xaaji Cali 1840 magaalada Marka oo uu maanta ku aasan yahay Xaajigu gaar ahaan deegaanka Cagaaran oo uu weli ka taagan yahay masidkii iyo deegaankii uu isaga iyo xertiisu ka dhisteen goobtaasi. Admiral Guillain wuxuu oo ah qoraagii ugu horeeyay oo taariikh tifatiran ee ku saabsan soomaaliya qoray ayaa buugiisa lagu magacaabo Documents sur L’Histoire, le Geographie et le Commerce de L’Afrique Orientale.

 

 

Xafladda waxaa furay madaxa PDRC, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, isagoo u mahadceliyay ka soo qayb galayaasha iyo qoraagaba, muujiyayna sida uu ugu faraxsan yahay in Daahfurkaan lagu qabto xarunta uu madaxda ka yahay.

 

 

ka dib waxaa hadalkii qaatay laba aqoonyahan oo kala ah Hormuudka Kulliyada Waxabarshada ee Garoowe (GTECH) Dr. Cabdirasaaq Shoole iyo Dr. Cabdulqaadir Cabdi-Khadar Nuur, iyagoo labada aqoonyahan ay ka mid ahaa dadkii soo akhriyay buuga labadiisa qaybood ee carabiga iyo soomaaliga ah, iyagoo sharaxay nuxurka buugga iyo sida ay u arkaan iyo baahida loo qabo taariikhaha dadkii soomaaliyeed ee magaca weyn bulshadooda ku lahaa in la qoro walibana loogu magac daro goobaha muhiimka ah ee bulshada si loo xasuusto looguna hirto wanaagoodii

 

 

Kadub waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey Shiikh Aw-Jaamac Cumar Ciise oo isna faahfahin dheer ka bixiyay buugga oo uu sheegay inuu uruurintiisa bilaabay 1957. Wuxuu Sh. Aw-Jaamac tilmaamay in buugaani uu taabanayo oo keliya qaybo ka mid ah taariikh nololeedkii xaajiga, xog badanina maqan tahay meelaha uu wax ku tuhmayo oo hadda wax laga heli karana ay ka mid tahay Bombay oo masajid uu xaajigu dhisay ku yaal, Zinjibaar oo iyadan xog badan laga heli karo iyo gabar masaari ah oo macalimad ka ah kuliyad beeraha ah oo maqaal ay soomaaliya ka qortay ku soo qaadatay gabay carabi ah oo uu tiriyay oo aan lahayn qaybo ka mid ah.

 

 

wuxuu kaloo qoraagu codsaday cid kasta oo xog ka haysa inay u soo gudbiyaan, sidoo kale cidii ku aragta wax khalad ah buuga inay u soo gudbiyaan. ka dib su'aalo ayaa laga waydiiyay waxyaalihii uu ku qoray buugga iyo meelaha uu ka helay xogaha ku jira.

 

 

Intaa kadib waxaa daahfurkii erayo gunaanad ka soo jeediyay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxaa.

 

 

Buuga waxaa hada lagu iibinayaa oo qudha gudaha dalka , iyadoo la filayo inuu dhawaan soo gaari doono wadamada ay ku sugan yihiin qurba-joogtu.

 

 

Wixii taariikh kooban ah oo ku saabsan Xaaji Cali iyo Musanafaadkiisii (Kutubtii Islaamiga ahayd ee uu qoray) waxaad ka heli kartaa:

Share this post


Link to post
Share on other sites
kyz   

thanks mr daarandoole book gaa hadaan dalbanayaah

nin shiekh ah ayuu ahaa runtii waan kadan beeyahay dadkii taariikhda ku lahaa wadankii

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this