Paragon Posted July 21, 2009 Axmed Ismaaciil Diiriye ninkii la odhan jiray ee Qaasim[1] ku magacdheeraa ayaa 1974kii gabay mariyey. Gabaygaasi wuxuu ahaa mid qabyaaladeed, Soomaali badanna wax ka sheegaya. Sidaad arki doonto Qaasim gabayga wuxuu ka billaabay Eyle iyo Siwaaqroonta xumi ha i suryeeyeene. Eyle waa tol Soomaaliyeed oo koonfurta dalka ku badan oo ku abtirsada beesha Jareer Weyne, Siwaaqroona waa niman ********** ah oo bariga Soomaaliya dega. Dhoodaan oo xilligaa Hargaysa joogay ayuu gabaygaasi gaadhay. Kolkii uu dhagaystay ayuu wuxuu u tagay Cali Cilmi Afyare. Wuxuu ku yidhi “war ninku Siwaaqroon ayuu garaacay, faalooyinka kalena iyagaa ayunbay ku imanayaane u jawaab.” Cali haye waan u jawaabi ayuu yidhi. Muddo ayuu Dhoodaan is celiyey oo uu sugay jawaabta Cali Cilmi Afyare. Isagoon wali wax hadal ah ka maqal Cali ayuu Dhoodaan wuxuu arkay gabaygii Qaasim oo laysla fandhaaliyey oo si daran ugu faafay Xamar iyo Hargaysa. Gabadhu gabadhii ayey ku casuuntay, darawalku darawalkii ayuu ku casuumay, sarkaalku sarkaalkii ayuu ku casuumay, dibjirkuna dibjirkii ayuu ku casuumay. Sidoo kale Dhoodaan wuxuu arkay dadkii oo gabaygaa xiisad ka qaaday. Kolkaa waxay badday inuu jawaabo. Gabaygii Qaasim oo dhan iyo kii Dhoodaan oo in badani maqan tahay ayaan hoose kusoo qaadanaynaa si dulucdu kuugu ambabaxdo. Halkan guji si aad u akhriso gabayada Source: Doollo.com Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted July 21, 2009 Abwaan Qaasim Gabay noocan in uu tiriyay maba ogeyn. mar iyo labo in aan ku noqdo waaye si aan u fahmo. thanks paragon. Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 21, 2009 If you haven't heard this one Cawaale rer-gabay ma tihid. This is the famous one of Qaasim. My line has always been anagiyo saleebaandii waa nasidataaye. It is insulting, but that doesn't diminish its beauty from arts aspect. But I recommed you to his other big hit: Waxaan aheyn macaan iyo qadhaadh meel kuwad yaale. I didn' know about the Dhoodan reply. Let me read tonight. Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 21, 2009 Cawaale, Qaasim raggeedii buu ahaa. G.N, ninkaa Qaasim ahi waa raggeedii Walle, kama xishoon jirin in uu qirto kolkii la sito. Macaan iyo qadhaadh is classic. My favourite part is markuu leeyahay: Nin majiiro keliyuun qabsaday hay maleeynina e Matalooyin tallantaaliyaan Maandhow leeyahaye Marbaan ahay muddeec camal sanoon maagista aqoone Marna macangag laayaan ahoo miiggan baan ahaye Mar baan ahay Muftiga saahidnimo Mowlaca u gala e Marna makhaawi waasho khamriga miista baan ahaye marbaan ahay murtiyo baanisaba madadaxda reeraha e Ooy weliba muuna iyo dulqaad igu mjeertaane Marna reer magaal loofaroon muuqan baan ahaye Mar baan ahay xaaraan maqdaca marin jadiinkiiye Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixine Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 21, 2009 Classic stuff weeye alaabta Qaasim, shukran Paragon AT&T, gabaygii aad hada ka hor ku soo dhajisey halkan ee uu Dhoodaan qaadey muxuu ahaa, asoo video buu ahaa baan filayaa, somethin like Galoolxoor? ma xasuusto magaca, bal soo raadi wuu badnaaye Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted July 21, 2009 Nuune, gabay waa la tiriyaa lama qaado see camal adi Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 21, 2009 Gheele, Lol. Gardarro aan geed ku soo gabbad lahayn baad waddaa. Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 21, 2009 Siwaaqroonta xarafka la galayye uma u jeedin Qasim beluu ahaa Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 21, 2009 ^^ Gheelle, aknowledged, af suuqeyga aa iska isticmaalo maa i deysid EDIT: Paragon, ii daa Gheelle, waanu is fahamnaaye Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted July 21, 2009 War nuune saaxiib aa nahay ninyahow. Xiin, Siwaaqroon xarafka iska gala badanaa. Raage horay u yiri; Sambabaduba waa hilib hadday sarar ku yaaliine'e Subxaanyaba waa halaq hadday surin maraysee'e Siwaaqroonba waa niman hadday socoto xaafuune'e Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 21, 2009 ^^ nimabkaanb reer waqooyiga iyo galbeedka ka yimaada ma yaqaannan waxay ka hadlayyaan Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted July 21, 2009 War nimanku reerka ha daayaan!! Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted July 21, 2009 Nimankaa illaa ay sidii Khaliif Maruuryo gabyaan la deyn maayo. Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted July 21, 2009 Abtigiis, Macaan iyo qadhaah is my fav. i think it was sang by mooge. Share this post Link to post Share on other sites