Sign in to follow this  
xiinfaniin

Gabay aa I haayya

Recommended Posts

Hunguri   
:D Waar ninkii Gheelle waa tuurtay wadhiisa. LS, ileeyn Xiin waa farsamo miidhan. Haduunbaan ogaaday. Xiinoow, Raali waan ahay. Laakiin, dee taariikhday gashay :D . Ninkaa Pragon ah isaga Xiin ayay hoosta ka wada socdaan lol Waad aragteenoo intaa hoostaas ayay ka wada faqqayaan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hunguri, waa aragtaa xiin inuu i waabiyay marka waan iska aamusay dee. Laakiin, Nuune iyo carabka gees aan u tuuraa 2daas. Iyo xataa libaax :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sheekadan isla jirka ah umaan bogin anu :D

 

 

Lahjadiyo sharcigii aadmigaad laad la dhacdeene

isu looltami meyno waa inaan is leynaaye

oon luqunta idiin suro liijaankiyo gumace

lawyahana idin ka xiro ood laafyi kari weydaane

mar hadaad luuqadii lumiseen waa inaan leeb idin la dhacaaye

laabtiyo laf dhabarta idin ka toogto illaa aad ka lulmootaane

laqdabadaa aad lusheen meel kasta lillaahi baan moodaye

oon laiilaaf idin ku akhriyo illaa aad ka ligligataane,

 

 

Xiinkaa lartamee is moodey inuu yahay limitka sare

Libaaxaa luqunta taagee laxanka tiigsadey

Jaceylkaa lumiyey laamkii ee subaga leefay

Jamaalkaa looyarka is moodee lugooyada noqdey

lagdintaan ku dhuftey Gheelle waa tuu la loofaraye

Tusbaxlahaa calanka lushey ee libinta helay

luflufka soo hariyo soo Hunguri uma reebin

tuducaas aan laqmeeyey saw leebab kuma lifaaqin

lagdintaan idin ku dhufto waa mid laad culuse

leylkii yimaadaba lawyahaan idin ka tooganiye

 

 

,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walee sheekadu waa kululaatay ,,,

 

Cakuye ma markaan mashquulay baa la iga gaadhsiinayaa ,,,, :D

 

 

Nuune, dib ugu noqo gabaygaa ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Jaceylbaro iyo Gheelle, ku noqdey :D

 

 

PS: nimankii Sophist iyo Baashe ha la raadiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Allow nuune noo daada :D

 

When viewing from afar, nuune’s great literary loom has the promise of a talented poet. But beneath the bolded stanzas one finds nothing worthy of praise. His mighty labor has indeed produced mere mice for a contest where poet lions fiercely compete.

 

No chance . Mutakalim ha la doono

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Xiin :D saw adu igama aadan soo kaxeen anoo meel kale joogo.

 

 

Thanks guys, now dat will improve my protection of qaafiyada iyo wazniga, labadan aad uma aan ilaalin, hada ka dib se, waa la toosinayaa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Xinnow, adeer is dhiib Minnesotta shah iyo Cappuccino ka dhamaysee! :D:D

 

Qarda jeexa Nuunoo kaalaan, qosol ka qaadaaye

Qulubaa rogiisaa wallee, Xinn ka qara wayne

Ninkii Qorshaha soo qaadayee, qiiqa kicinaayey

Qaxwe raadin mooye wakaa, qawba laga waayey

 

Sidii qaalin uguboo ninkii, qalayeey loo geeyey

Kolkaan qolqolka soo fuulabaa, qadhqadh ka yeedhaaye

Mindidii lagu qalaayey lukkidu, qoob ku wadataaye

Allow Xinnfaniin yaa qabtoo, qaab wax ugu sheega

 

Allow yaa intaan qabar ku dhicin, qollad ku soo ooda

Qaamuunyuu la liic liicayaa iyo, qalbi xanuun weeyne

Qaafkaan yagleelaa mindhaa, quus ku sii ridaye

Qandhaa haysaa yaa soo wariya oo, qiil bal uga raadsha

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abtigiis &Tolka:

Waxaagu waa:

 

The horse of This sayid,

When it is on the move

The dust it swirls

The dung it splashes

 

Ninkii yidhii ee kurka laga jaray.
:D:D

 

Anyway noocaa gaagaaban baad ku dhaantaa.

who are you calling a horse??? - me or my xiinfaniin :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Sayid, gabatgaas nin baa tiriyey isagoo soomali ah! wuuna u dhintay, lore has it that way.

 

THIS THREAD IS CLOSED. TECHINCAL KNOCK OUT IN FAVOUR OF ABTIGIIS.

 

meesha haddaa ma intuu Ngonge gabyi baan ku sugnaa!

 

CLOSED! CLOSED! CLOSED!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaam C Ikhyaarta

 

Waryee Abtigiis ma saasaad u guul jeceshahay :D

 

Sida jacayl kuu sheegay xarafkii waad ka baxday oo meeshad,xattaa haddaad Y ka dhigi lahayd waxaa la oranlahaa ninku xarafkii waa adkeeyey. hoos baad u noqotay,Q ku waa xarafka lagu buraanburo

 

Bal aan jimicsado waa aroore :D

 

Abtigiis laciif buu noqdoo laanki holi waaye'e

Markii xarafka laga laalay buu qaafka laasimay'e

Liifad uma e helin oo nal iyo layr u bixi waaye'e

 

Ninkii layla caashaqay hadduu soo lulmahayyaaye'e

Liiq liiqad weeyye tixihii luudin kari waaye'e

Inuu laamku adagyuun ku dhicin lacif saqaariidku'e

Ayyaan lagu murmayn maanta oo shaahid looyahay'e

Lu'lu iyo mirjaankaan lubiga laaca iga buuxa'e

Sida maccalin loo xiis qabaan layli idin siine'e

Lucbad iyo shax weyn baan markaan leex idin geline

 

Laqimkayga dhigo darsigu yuusan ka lumine'e

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this