Sign in to follow this  
xiinfaniin

Gabay aa I haayya

Recommended Posts

Lurtu waxay ka timid waa markaan jiimka laabudayye

Haddaan laanka qaabili lahaa la ima loodsheene'e

Midkastoo is luudinahayyaa ima luggooyeen'e

Lalaay kuma orsheen libaaxii layziga ahaaye'e

Lahjad iguma caayeen jacayl intuu leebka soo rido'e

Ima lafa gureen nuunihii laangarka ahaaye'e

Laad-laadsi kumasoo galeen oo tixaha iguma laadeene

Abtigiis ma laayeen gabdhaha layl iyo nahaare

lisaan xumada kuma laazimeen lucufkii dheerayye'e

Ma laaceen laamaha sariyyo warasadii loore'e

Habbeen kuma ladeen inuu buuxo loodshe waayahane'e

leeg-leegsi kama uu damceen meelaan anigu laafyoone

 

anaa laayacee maansadaan wallaan la-ila sheegteen'e

lucbad weeyye jiimkuyee haddaa laanka loo rogaye'e

lab haddaad tahood gabayga laarin garanayso

haddaad laaxin-bixis tahood lammiga saari karahayso

asaad laacib tahay oo aad taqan laba jibaarkiisa

 

lagga inaan ku saaran rabaa iyo looxa toogada'e

haddaan kula legdamo waa hubaal inaan ku laacaaye'e

lafa jabiska anigaa aqiin oo layli ku ahaayye'e

anaa libinta waligay lahaa lahan la'aaneede'e

laqdabadii dhammaatay oo kolkaan laanka loo yimi'e

luf-luf iyo ninkii jiim rabow leelad baad tahay'e

 

 

jiimkiii markuu Hunguri & Libaax ku gabyuu jabay, waa la beddelay

 

erayyadda

========

lurtu: dhibka

laabudid: shardi ka dhigid

lalaay: eray ciyaareed

lucbad: dheel dheel

lab: rag

lammi: godid, shaqal xuruufta hijaaiga ah

layli: tababaran

laacid: gaarid (halkanse waa soo qabasho)

leelad: kalsooni la'aan, isma hube

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ :D

 

 

Laamleyda maansadu beryahan, iguma leersanine

Waxaan luuqda koolkoolin jirey, laygu kari waaye

kuma looltamin jiimkuye, waan garasho liitaaye

Laf iyo gabay macaankiis, loofar baan ka ahaye

hayeeshee laxaadku ma li'iye, waan yara laafyoone

madaxiyo laabtay fayow, oo xiskay ladane

lixdaa looxa ku libdhan, waa inaan ku liicaaye

 

 

 

,,,, :D

 

 

PS: raggii hal abuurka ahaa ee Gheelle, Abwaan iyo Ayoub mee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by xiinfaniin:

jiimkiii markuu Hunguri & Libaax ku gabyuu jabay, waa la beddelay

Now that you saw what Libaax was planning ayaad si clever-nimo ku jirto Jiimkiiba ugu bedeshay "La". Fulay. :D

 

Kaa hadhi maayo gabay-xume

 

Here is a quick one ...

 

Ha u labakaclayn gabayga adeer -- waa lays gudhayaaye

Leexleexashada ka daa gabayga -- luflufka iyo ceebta

Lalabboda dheer iyo marabo -- laabtan kaa madhane

Laqanyooday lur-qabe markaad -- laabta ka cidlootay

Ku ludhimaayo Libaax mardambe -- laacib maad tihide

La noqday lixleydii markaad -- La'da noo bedeshay

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

Waraa Libaax wallaahi ma haraysid

 

Nune hordhacaa i dilay, laakiin gadaal baad ka qastay bahasha

 

Laamku igusoo orod maaha, Libaax

 

lucufada u sheeg laamku waa maanso libinteede

ninkii lari yaqaanaa u mudan inuu loolankan gale'e

laacibkii awowgaa sidii uguma luuqayne'e

laxmadduu yiqiiniyo tixihii haatan kaa lume'e

ha lugo'in libaaxow :D markaan layslakaa aragye'e

 

alifyeyn tii oo kale keen meesha ninyahow,hadba tixo caatta ah hannoo keenine

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Libaax, alleylahey La noqday lixleydii markaad -- La'da noo bedeshay iyo lixdaa looxa ku libdhan, waa inaan ku liicaaye :D meesha Jaceylbaro iyo Xiin waa ku hoobteen

 

 

Nin kastaa kan la xulufa ah wuu garanayaa magacaabis uma baahna :D

 

 

EDIT: Xiin, tixdaan ku sheegay in uu uumi iga baxayo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^war postiga libaax ka hoosaysa aqri, meesha odoga qunbulad baa ku dhacdaye :D

 

Jacayl ragguu uu gabayga ka gadanjiruu la yahay oo riyaale meeshii lasyku waraysan jirey xiray

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waryee nuunow,miyaan Abwaan shuruucda threadkan loo sheegin? nin fara maran lama ogola meeshan, abwaan waa inuu gabyaa ma Hunguri, Libaax & aduu :D ka liittaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Xiinoow, ninka Abwaan ah mar haduu magaca Abwaanimada wato waa inuu meesha alaab dhugucsan keenaa :D

 

 

anoon waligey gabyina wakaa uumiga iyo kaaha i kuleeliyee

 

 

Xaaji xiin, ma aadan sheegin ninkii Gheelle ahaa, waan kaa shakiyey niyahow :D

 

 

PS: Sharciga threadkan qor oo ku taagtaagso, anna waan ku tiigsaniye, nimaan hal isla heenin yuusan fooda soo galin

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ :D midhaa Libaax soo fafakey, meel buu leebka ka heestay

 

 

u dhawaaq Jaceyl, politickuu ku gabanayaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laacib iyo inaan ahay laba nin doorkooda

oo aan leebkana ka ridi labada taagtaagan

laabta inaan kaaa tumaad rabtaa leexadiyo diirka

laamka miimka iyo toosanow alifka laadlaada

dhankaad u leexisaan kaa xigaa leebka kuu sudhi

laamadood rag kaama saaree keen bal laxankaaga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Nin liitaa abid lagu yaqaan, laba jar layntaaye

Allow luun ma kuu yeelayoo, laydh ma ku cabsiiyey

Jiimkii ma kaa leexshayo, laam ma kugu tuuray

Luquntaa intaan laac u qabtay, laad ma kaala daalay

 

Lugoyaad tahoo Xinnoow, koley lurka waad wadiye

Lamarkaad fuushay anigaa aqaan, oon Laxejeclooneyne,

Bal la kaalay luuq wixii kugu hadhee,muhatay laabtaadu

 

Afartaa ma liishaamayoo, liif ma qabadsiiyey

Leexleexad baan lagu aqoon, laqanka aan ahaye

Lugta iyo tagoogtii xumayd, leeb ma kaga taagay

 

Laan dheer anoo saaraan, oo Laydh ka bixinyaa

Lambaad baad la soo roortayood, igu luraysaaye

Luxlux kaagama hadho, Laximkii labis kuu noqda'e

Waa lugooyadii lagu yiqiin, laanta aad tahay

Las Canood nin uu Layn u galo, yey jawaab laziim ku aheyde

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D @laambad baad lasoo roortayyoo igu luraysaayye'e

 

saaka waa qaxwe bahashu, ii kaadi aan hurdada is ka ridee Abtigiisow

 

Jacayl hawla kalaa haystoo ayyaamahan aad uma gabyo

 

raggii kale markii laamka loo roggay hareen :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this