nuune Posted July 14, 2009 lool@Paragon najjaasuu rimanyahay anaa og horaan u sheegay inuu imtixaan yahay Paragon Gheelle lool, mar haduu Xiin i keenay meesha waa inaan tinta xiirtaaye PS: tix baan kaa sugaynaa Xaaji Gheelle, dadkii uu Xiin magacaabey baad ku jirtaayee, maskaxda soo buttaaci adeer, saaruukhda soo gan Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted July 14, 2009 Originally posted by Gheelle.T: Wallee kii Gabay ahaa meeshaana lagu diley. Allah yarxan, baabah Nuune, kaagu deel qaaf waa dhaafay. Libaax waxaan islahaa dhuxdii awowyaddii ayyaa ku soo deggaysa, laakiin waa haawaa, just kidding! Wiil galbeed, xaaji jaceyl, iyo Xiin waa la akhrin karaa. Paragon bal mid kale soo xariiq. Walle Xiin qof niyadda u dhisuu helay. Belo! Geelloww been baad sheegtay hadaa tidhi Xiin baa gabay meesha ku haya. Ha i hor istaagine, jooji cammiraada Geelloow. Nuune iyo Jacayl baa horay dhulka iila dhacaye, joojiya dagaalka aad igula jirtaan ragiinii hore ee meeshu u camirnayd. There is a new kid on the block. Xiin jawaab culub baan u soo wadaaye canaasiir ha igu noqonina. Codkaa i yara xabeebsan mooyaane, mar baan is idhi ma duubtaa audio version. Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 15, 2009 I prepared this kolkuu Xinn shaah doontay, but now i see inuu soo rogaal celiyey. So, intaan kan danbe u soo diyaar garoobi kan hala iga sii raseeyo. Jiljileec la iguma xantee Jiifkii ma ka toosay Jigre waxaan ka dhicin iyo raggii jeedal ma la fuulay Qaxwo kuwo u jeestiyo kuwaan juuqba soo celinba Ninba Jahadu isyidhi waad ku bixi Jaanti ma u weecshay Share this post Link to post Share on other sites
Buuxo Posted July 15, 2009 ^Waaw Waaw.Abooyaloow ileen dheel dheel ma tihidin. Mugoo ani waan la dhacaaya gabayaashaan ,in kasto gabay waxna kaseyn Jb & Xiin,Mahadsanid .I knew I could count on you two for some niyad-dhis. A&T, Good stuff.Jaho kale baad ka heestay..saasna buu gabaygaag ku wanaagsan yahay.Hadaan Jiimleeydaan sii jabjabsado waxaan ku oran laha: Jaale intaa’dan cirka soo jeexin ama jaalabuud soo raacin Jamaad inta’dan ka soo tagin ama jidbeele Jalbeebta iyo Jaleecad Buuxo inta’adan jeclaan Jana-gale Aabe lasoo hadal Jawabtu hadeey taha haa Asagoo ku’aragna hadu ku ajiibo Jaarka ban ku jarmali oo jeeg oodkac baan jari Jadiinka baa ii qalali ,Jusna waan ku marin Jimcadaan bal so jug dheh aano jowhar ah aan ku arkee Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 15, 2009 Buuxooy Jawaabtaadu waa Juus macan badane Qlabigay i jeexdo walee jiidhkii baa jarane Kol haddaan Jareeyo hawada dhookhi iga jiidhay Jamaalkii ku dhalay waa inaan jeebabka u buuxsho Jaahil baan ogeyn wixii jawharad loo huro'e Kama jeedsanayo anigu, jidkaa jannadda aadaaya Hedde meesha wax gabay ila ekeeya kuma arkee armaan ku shax guuraa! Share this post Link to post Share on other sites
Buuxo Posted July 15, 2009 Wa saas.Yaan nala arbushin jamaca Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 15, 2009 Jiimka gabay dadow waad ka jirribteene hayeeshee jaxaasku ka fog in la jaleecaaye Jiho ma u yeelnaa hadalka jibbadu waa ceebe ? Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 15, 2009 War dee naga daa JB, waxani gabay maahe! Culumadda kala qabta ayey goor dhow qaar odhan doonaan, kolkaasaan meeshaba iskaga tagi doonaa. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 15, 2009 horta jamaacoy heedhe hadal iga jillaab maanta jiho u yeel dabuubta gabaygana u jeeljeel hadaf iyo jidna u yeel wax la jeexo soo tuur hadalkana bal jeexjeex jidka marin cad bal ii keen qodob jira bal ii sheeg dariiq toosan bal ii jeex jid hagaagsan ii door igu dheh halkaa jebi adiguna jalleecada igu jarrib waxaan falo Jidhkaygu dadow heedhe jeex la taabto waa maleh jug halkaad ka siisaba nabarraa ku jookhan dhiig baa ka jalaq leh amase waa jeex inta yarahe jadiidsani jaaha sare bal mooyee hoosta nabarku waa jufan waabayduna ku jiiftaa sarbeebtaa jaraynteeda hadalkiyo jidgoyntiisa jaallayaal dhamaantiin halkaasaan ku jarayaa ja'da hadalka sheekada Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 15, 2009 Waxaagu waa: The horse of This sayid, When it is on the move The dust it swirls The dung it splashes Ninkii yidhii ee kurka laga jaray. Anyway noocaa gaagaaban baad ku dhaantaa. Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted July 15, 2009 Waryaa Abtigiis&Tolka Sheekadaadu waxa weeye Jid aan u baxaanan hayn Jahadii baa iga hallowday Haddaan kuu jeedi laayoon Jabka kuu sheegi laa Awood baan jirin xaggaygoo Afkii baa juuqda gabay. Jirrada miyaad ila qabtaa Miyaad jeer qudha is tidhi Jalleecoo kalgacal ku eeg Adaa sida johoraddii Jirrada adigaa sidee Jawaab waafiya i siiyoo Jaahaaga sidaan u rabo Ma ii jirisaa Abaayo macaantooy ma ii jirrisaa juuuuuuuuuuuuuq ma ii jirrisaa Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 15, 2009 Waar don't say anything if you can't create your own ............. Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted July 15, 2009 loooooooool@hunguri. You are disqualified haddad hees meesha keento. Gabay aa wax lagu shukaansanayaa. Buuxo mid kalaan caawa u soo alifi. Kii arooska. That should be a hit and force her inay ticket soo goosato. Buuxo waa boqorad. Laakiin waa la isku haystaa. Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 15, 2009 Igu hallee inaan big spoiler kugu noqdo aniguna ... Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted July 15, 2009 Jacaylbro, maya anigu hadda I'm into composing a wonderful Gabay, that will rock this thread no worries! Waxyar iga war sug! Share this post Link to post Share on other sites