nuune Posted June 26, 2009 Waa sheekooyin goos goos ah, maldahan oo nafaqa leh Waxaa la yiri afar gabdhood baa reerkoodi ka tagey oo doontey rag guursada, markey dhowr bari socdeen bay gabdhihii u yimaadeen reera meel dagan, sida caadada dhaqanka Soomaalida aheyd gabdhihii waa la soo dhaweeyey, neefna waa loo qaley oo lagu sooryeeyey, goor danbe habeenkii baa hilbihii oo wali kulul loo keenay gabdhihii, markaas baa gabdhihii middood cad hilib ah kala soo baxdey xeeradii, sey faraha ka gubatey oy tiri: "kululaa kama naallee!" "naa ma kaadsan karnee inoo kala goo" bey tiri tii labaad "naa kor saar ha kanfafee" bey tiri gabadhii sadexaad. Markii ay gabdhuhu sidaas ku wada hadlayaan raggii doobabka ahaa wey maqlayaan hadalka ayagoo meel ugu dhuumanaya, raggu waxey garteen in gabadhii koobaad ay samirxuntahay, tan labaadna ay hunguri xuntahay, tan sadaxaadna ay ugu garaad badantahay kuligood. Midkii ugu geesisanaa ragga ayaa gabadhii sadexaad halkaas ku guursadey, labadii kalena wey iska tageen ayagoo raadinaya rag guursada Stay tuned for more Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 26, 2009 Waxaa la yiri nin baa bari socdaaley oo afadiisi uga tagey reerkoodi, markaas bey afadiisi la saxaiibtey nin kale oo gurigeedi ugu yeeratey, ninkii reerka lahaa baa dhowr bari kadib soo galay aqalkoodi si uu u nasto daalkii dheeraa safarka isla markii naagtii baa waxey aragtey saaxiibkeed oo ku soo scodo guriga illeen waa xiligii ay ballansanaayeen maalin walba, odeygeeduna uu yimid xilli xun iyo goor xun waqti xun, si ay saaxiibkeed ugu baaqdo oy u tiraahdo ninkeygi ayaa yimid bey isku daydey, saaxiibkeed baaqii iyo tilmaantii gacanta waa fahmi waayey illeen waa nin meel u cadahay Ninkii saaxiibkeed ahaa guriga waa ku soo dhawaadey, isla markiiba kal iyo mooye ayay soo qaadatey si ay wax dadgdag ah u sameeso ninkeedana u ogaan xogteeda ay qarsaneysay. halkii bey badar ku tumatey kashii iyo mooyihii kuna heestay hees-hawleeddaan macaan ee nafaqeysan: "Sheerku sheerkii waa yahay shalay la isu sheegay laakin sheybkii sheedda lahaa shiilaqaabta jiifa" halkaas ayay ku farsameysay sirteedi iyo xogteedina qarisey saaxiibkeedna meeshii buu iska laabay Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted June 26, 2009 Affar.. Waxaa la yiri afar gabdhood baa reerkoodi ka tagey and "kululaa kama naallee!" "naa ma kaadsan karnee inoo kala goo" bey tiri tii labaad "naa kor saar ha kanfafee" bey tiri gabadhii sadexaad. Tii affaraad eey maa cunay? Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 26, 2009 ^^^ eey baa cuney, Nice catch, maba aan eegin, tirada afar unbaa ii muuqatey inaan afar gaarsiiyo xaawaleyda ayaan rabaa dhawaan, halkaas baa ii cadeed niyahow ee waa saddex gabdhood bey ahaayeen(will edit soon) Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted June 27, 2009 Nuune, Maxaa xadfan? mise qalinkaa kaa boobay, Tan labaad waxay ahayd der cuno. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 27, 2009 ^^ PS: Sheekooyinka waxaa laga soo sal guuriyey ama qorey Axmed Cartan Xaange sanadka markuu ahaa 1988. Waan soo wadaa sheekooyin kaloo nafaqeysan balse maldahan Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 28, 2009 Originally posted by Gheelle.T: Affar.. quote:Waxaa la yiri afar gabdhood baa reerkoodi ka tagey and "kululaa kama naallee!" "naa ma kaadsan karnee inoo kala goo" bey tiri tii labaad "naa kor saar ha kanfafee" bey tiri gabadhii sadexaad. Tii affaraad eey maa cunay? Waa qabatee. Anigaba waa wareersanaa, oo indhaheyga moodayba. Saas i dheh. Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted July 7, 2009 Waa wax markii horeba uu soo xaday nuune, waxay ku qaadanee inuu soo helo tii afraad for a while.. Go figure:........ Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 7, 2009 ^^^ Abbaay maa iska kee sugtid hee intaa dhiitiska ku jiro waa soo wadaayee sheekooyinka Wlcme back Xaajiyo Wiilo Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted July 8, 2009 waraa nuune bax nooh, haddii aan imid xitaa meesha aad joogto waad isoo dhawayn waysay... nin xun aad tahay nooh.. :mad: Go figure:...... ; Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted July 9, 2009 Aboow aboow, Wiilo wadaad noqotay miyaana qoftaan. Ar soo mood abaayadiis. Xaa noo keentay hadiyad ah? Califalaaxyo? Share this post Link to post Share on other sites
Wiilo Posted July 9, 2009 MMA come on, haddii aan wax keenaayo wax fiican ayaan idin keenaa maahee califalaax kaliya maan idin quuraa. London ayaan joogaa aqayaartiina midna kama haayo i don't know why? Anyone...????? Go figure:........ Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 9, 2009 Wiilo, see camalkaa adi, ani iyo Tuujiska aa soo dhaw hadaa kugu soo gaarno dalaq camal see waaye intaada bixin, and this saturday waa ogahay inaa da girls isla baashaaleesiin MMA, LOL@calfallaax, yaa ogaado maxaad buuma buluug isku taagtey kii xarriijimaha madoowga iyo buluuga lahaan jirey markaa yareed, buumahaas magaciisa aa ii gooyey Share this post Link to post Share on other sites
Indhoos Posted July 12, 2009 Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar: quote:Originally posted by Gheelle.T: Affar.. quote: Waxaa la yiri afar gabdhood baa reerkoodi ka tagey and "kululaa kama naallee!" "naa ma kaadsan karnee inoo kala goo" bey tiri tii labaad "naa kor saar ha kanfafee" bey tiri gabadhii sadexaad. Tii affaraad eey maa cunay? Waa qabatee. Anigaba waa wareersanaa, oo indhaheyga moodayba. Saas i dheh. No Waa tanaa... Kululaa kama naalee ma kaadsan karnee ka la goo naa kumbe haanta biyood naa kor ka saar ha kafafee...tan lee laga guursaday gabdhahii, kuwii kale dhuuni nimo waa loo geli waayey.... Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted July 12, 2009 ^^^ Thanks Indhoos, waa ogaa inaa mid hilmaansanaa iyo inee gabdhaha afar ahaayeen Share this post Link to post Share on other sites