Sign in to follow this  
Ismahaan

Somali v English

Recommended Posts

Ismahaan   

Su,aal baan qabaa why Somalidu uga cararaaayn luuqadooda hooyo iyagoo ku faanaya luuqad aaysan laheeyn? Somalidu miyaaysan Somali aheeyn ma English baan nahay? My Somali is not perfect and I make mistakes because Somalia kuma korin, schoolna kama dhigan laakiin i can read and write Somali,which am very very proud of it.

 

New days waxaan arkay so many Somali people oo hadii aad waaydiisi why afkaga hooyo (somali) ugu hadli waaysey ama u qori waaysey kugu xanaaqaya ama kula yaabayah: ku leh anigu Somalia kuma dhalan, Kuma korin ama Somali maxaa lagu falayaa English language is better. Somalida markaan u fiirsadey kuwa arabta joogaa arab baay iska dhigaan. Kuwa europe joogaa europian baay iska dhigaan, kuwa America jooga American baay iska dhigaan, Kuwa africa joogaa sida kenya ama other places in africa hadba wadankaay joogaan baay iska dhigaan luuqadiisana ku faaynaan. Taasi waxaay cadaaynaysaa dadka Somalidaa in aaysan aheeyn dad proud of their country, culture and langauge ah. Taasna waxaa sabab u ah anigu saan qabo ma ahin dad wadaniyiin ah. Waayo waxaa is waaydiin mudan qof aan wadani nimo ku jirin ma jeceylaan karaa luuqadiisa iyo dhaqan kiisa? Hadii kuwa idinka mid ah arintaan aminsan yihiin in aaysan wadaninimadu sabab u aheeyn.

 

Hadaba maxaay Somalidu intooda badan luuqadooda iyo dhaqan kooda uga faaynan? Maxaay ku jeceylaadeyn luuqadaha ajaanibka? Maxaa farah and xalimo wadankoodii Somalia few years ka soo maqnaa ku kalifay in aay iska dhigaan wax aaysan aheeyn?

 

Umada kale oo wadamada kale taga sida inaga oo kale waligood isma badalaan xataa hadii abayaashood ku dhasheeyn wadanka aay joogaan laakiin Somalidu waa dad is bad badal badan oo jaceyl hadba meeshaay tagaan in aay la qabsadaan. Marka maxaa fudeeydka saaidkaa inoogu wacan ma jaahil nimo baa mise waa genetic heredity disorder?

 

ladies and gentlemen,I would appreciate your thoughts on this subject, whether they be positive or critisicm. Thanks

 

Hoos ke eeg video bartamaha aay dad somaliyeed waaydiiyeen ma english baa fiican in wax lagu qoro mise somali:

 

 

Salams my nomads

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali v English

ladies and gentlemen,I would appreciate your thoughts on this subject, whether they be positive or critisicm. Thanks

Salams my nomads

Now tell me why ??? ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxmagarato ayaa ka cararto afkooda hooyo iyo aabo, iyo waxee dhaleen waxmagaratadaas.

 

Barbaarta waa lagu tarbiyaa, sida qowmiyadaha kale u bareen dhalintooda afkee ku hadlaan. Dad daciif ah nagu dhex jiro oo afkooda ku kalsooneen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

quote: Somali v English

ladies and gentlemen,I would appreciate your thoughts on this subject, whether they be positive or critisicm. Thanks

Salams my nomads

Now tell me why ??? ,,,
:DDhaawr eray oo englishka ah oo inta ku soo qoray jawaabtii ma aha hee. Aniga dhaqankayga and luqadaayda waan ku fanaa see camal adi doqa. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blessed   

^ :D:D @ woxoon. 'Cantarbaqash' ku daa. :D

 

Waanan kugu raacsanahay rayigaas, cidlay 'five ku hayaan' as they say in Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Blessed loool@cidley five ku hayaan, tu kaloo tan u dhigantana waa "laf cad ayuu toobin ku hayaa" as they say in miyiga :D

 

 

JB, waryaa jooji baaritaanka aad Ismahaan ku wado, salkiiba dhulkey kaa dhigi la'dahay.

 

 

Ismahaan, sababa fara badan ayey Soomaalida uga cararaan luqadooda, tan koobaad qaarkood waxeyba aaminsanyihiin in ku hadalka luqadaha kale khaasatan englishka inuu ka wanaagsanyahay kooda.

 

Waxaad arkeysaa laba waalid oo caruurtooda ku baraarujinaya iney englishka ku hadlaan, xataa ilmihii oo soomaaali kula hadlaya ayey english ugu jawaabayaan, anigu waan yaabey wallee.

 

 

Tan iigu darneed waxey aheyd bari hore, qoys Soomaali ah iyo caruurtooda ayaan ku arkey meel park ah, waanu isa salaaney, ilmihii yar yaraa baa damcey iney af soomaali igu salaamaan, hooyadii ayaa soo boodey oo ka hor istaagtey inuu cunugii yaraa ku hadlo Soomaaligii jajabsanaa, waxaadba moodaa iney ilmaha xabis ku jiraan, intaas ayaaba nafis u aheyd caruurta ay aniga i arkayeen ama qof soomaali ah, Soomaalida iyo afka soomaaliga dhan ayaaba laga ilaaliyaa.

 

 

Ilaahay ha noo gargaaro.

 

 

Ngonge lool@waxoon & cantarabaqash, I think dat is true :D but the correct one is "quuq iyo qaaq" :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by nuune:

JB, waryaa jooji baaritaanka aad Ismahaan ku wado, salkiiba dhulkey kaa dhigi la'dahay.

 

 

Ismahaan, sababa fara badan ayey Soomaalida uga cararaan luqadooda, tan koobaad qaarkood waxeyba aaminsanyihiin in ku hadalka luqadaha kale khaasatan englishka inuu ka wanaagsanyahay kooda.

 

Waxaad arkeysaa laba waalid oo caruurtooda ku baraarujinaya iney englishka ku hadlaan, xataa ilmihii oo soomaaali kula hadlaya ayey english ugu jawaabayaan, anigu waan yaabey wallee.

 

my dear bro I agree with you on this one,

many thanks. Adiga and MMR lee meeshaan luuqada somaligaa hada ku hadlaya oo ka faaynayn ka waran, kuwaan kale dhan waa is nabayaan. Waxaay is leeyihiin hadii Somali ku hadashaan armaa reer badi la idiin maleeyaa.:D Runtii problem ka waxuu ka yimi somalida ilbaxnimo muudaan in luuqad kale lagu hadlo. Waxaaba taas ka sii daran somalida wadanka aay joogaan qof luuqadiisa si fiican ugu hadlo waa ku yar yahay so ilmaha somalidaa Somalina ma bartaan, wadanka aay joogaan luqadiisana si fiican uma bartaan confuse.com ku dhaca ilmaha somalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by NGONGE:

^^ Woxoon iyou cantarbaqash?
:D

Still, it's a non topic really.

Kan topic hadii usan aheeyn maxaa topic u taqanaa?? Somali soo qor pls. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadii afsoomaali wax lagu qoro yaa huba in afsoomaaligaas la wada fahmayo. Dadbaa iska qardajeexa oo qulubaa gadiga isku qaada gidaarro dhaadheer iyo casrado aan loo dirane.

 

dhanka kele hadii idaa gudhuudii laguu diray maaha inaad idaa gadhaada faraha la gasho dee ilayn iyaduna waa dhako kele e.

 

Weligaa gaandhari ma noqotay horta ? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

War ha wareerin gabadha :D

 

 

Adigu waligaa intaad ina taree dusha ka fuushey dhulka ma isku soo tuurtey intaad yara qososhey gabadh agtaada marayso ma tiri dhabarka ii xoq, intaad qoorta ka jabtey isha ma ku murkacatey, adoo koob shaaha sugaya haraati ma ku dhufatey miiska hortaada yaala, kabaha buudkaad xirantahay adoo ku socda mas ma kuu galay ood xantaxantootey kadibna macaansadey xarakaatka uu maska sameenayo, intaad kor u boodey shaati adoon qabin ma is aragtey, sariirta intaad ka soo dhacdey suulka ma qaniintey kadibna ibriiq adoo madaxa kula jiro ma is aragtey, sakiin toobaz ah intaad qaadatey qadaadka ku xiiro is tiri qoortiiyoo banaanka taalo ma waad aragtey.

 

 

Hadii aad intaas mid ka mida sameesay waalni waad dhameesay, ee kaalayoo aan Quraan ku saaro ka faaiideeso Awliyada Alle niyahow :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this