Sign in to follow this  
AYOUB

Aadan Tarabi Jaamac iyo Dhaqanka Dhirta

Recommended Posts

AYOUB   

Hakan ka dhegeyso "Dhaqanka Dhirta"

 

 

“Bal aan wax ka magacaabo iyada oo ay dhirtu ay leedahay manaafacaad kala gedisan oo aan la koobi karayn haday tahay dheefsi iyo dhuuni, haday tahay dugsi iyo ood, iyo gabood, hadday tahay guri iyo garaacasho, haday tahay hoos iyo hadh, haday tahay dawo iyo sun, hadday tahay adeegsi iyo ku geeda-goosi, hadday tahay barwaaqaynta iyo roob soo jiidashada, hadday tahay ka ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyada oo ay waajib tahay in la barto. Hadana lama soo koobi karo dhirta faa’iidooyinka ay u leedahay noolaha bariga, hadaba inyar oo ka mid ah magacyadooda aan u soo tebiyo bulshada Soomaaliyeed inta dhaqanka xiisaysa.

Maansada ay ku jiraan magacyada 320 geed

 

Qudhaca iyo Galoolka.

Gobka dheer ee la taagay.

Dimcad aad garanaysiyo

Xammudhkoo la gedaasa.

Sogsogta iyo Sarmaanta.

Dhosoqa iyo Maraaga,

Garanwaaga iyo Tiinka

Gomortoo dhulka jiiftiyo

Jeerin aad garanaysiyo

Jaleefan la gedaasa.

Bilcil guud dhimbilyaystay

Cadaad aad garanaysiyo

Qansaxoo la gedaasa.

Guncad wayska qadhoontee

Muqladoo la gedaasa.

Gawlalo leh Quwaax

Dhidinoo la gedaasa.

Dhusisoo xabag leh

Milgatoo la gedaasa.

Berdaha guud u wayn

Dhicir geeluba eeday

Himir aad garanaysiyo

Daraygoo la gedaasa.

Cali Booyaha gaastiyo

Jinowgoo la gedaasa.

Gara’oo Lebbiga

Mee Hareeri gun-dheere.

Dhebigoo la gedaasa.

Dhuyuca iyo Madheedhka,

Iyo Dhuurtoo dhega-yar.

Dhumoodka aan dhuuxba lahayniyo,

Dhikre oo la gedaasa.

Qararoo Maydhax leh,

Xoday aad garanaysiyo

Xagaroo la gedaasa.

Quudka, kulanka, garaska,

Carmadoo la gedaasa.

Gurre oo xanjo leh,

Muqladoo la gedaasa.

Wegerka, Sheegayga,

Hadigoo la gedaasa.

Dhamaskoo cirka gaadhay,

Gabadh naaxday sideedii

Garaaruhu siman yihiin,

Dayiboo gedigood, ugu geed wacanoo,

Laga gooyo udbaha,

Takhay oo gacalle,

Isna gooni u dhaatay,

Baxrasaaf la gedaasa.

Midha-caanyo iyo dhafaruur,

Hohobta guudka caddaysiyo,

Yicib aad garanaysiyo,

Gomoshkoo la gedaasa.

Waysku geedka midhoode,

Murkudda, Guubali, Falaxfalax, Macarka, Maydida,

intaas oo isku geedoo laga soo guro Beeyo.

Qabadiyo Argeegta, Morohdiyo Xigga,

Gargaradiyo Ilgaasha, Maydhadiyo Doomaarta,

Duurka iyo Dingaxda, Maajeenta iyo Maydhada,

Baalxooraha iyo Dixida, Dayadiyo Cawda,

Dareemada iyo Gambista inaasuna geed-guri weeye.

Minxidada iyo Aadari, Maqaari iyo Laama-lawshe,

Dhaloosha iyo Bacaroorta, Bisiqaad garanaysiyo,

Wisiloo la gedaasa.

Gagagaboodkiyo Dhirindhir,

Waxara-waalis iyo Bulunbul,

Af-doxorka iyo Jadeerka,

Maskax-buq iyo Salam-nac,

Jimbaca iyo Xayramadka,

Sarinka iyo Hiisha, Galbista iyo Adaarka,

Gawsagiyo Xadhig-xadhiga,

Jilba-dhiiga iyo Soonah,

Ilcas aad garanaysiyo,

Jilibkoo la gedaasa,

Godorka iyo Cinjirka,

Xangeeyadiyo Witirka,

Gamca-gooyiyo Mariidka,

Gawracatada iyo Bacaroorta,

Ciinka oo la gedaasa,

Unuunka iyo Qalfoonta,

Mooha oo aad garanaysiyo,

Kariiri la gedaasa,

Wancadka iyo Geed-xamarka,

Surradka iyo Caladhyaha,

Shadaabka iyo Caws-dameerka,

Hibaaqa iyo Buctureenka,

Sahoodka oo la gedaasa,

intaas geed udug weeye.

Gacayradiyo Maroorada,

Doombirtiyo Tidhadhka,

Dhibriyaadka iyo Fara-xuunshada,

Uneexadiyo Carrab-lo’aadka,

Askaxdiyo Gurrujaaga,

Guraarigta iyo Boqoshaaga,

Likaha iyo Xamakowga,

inta geed ee la quutana ma isu soo wada geeyay?

Gabal-daye iyo dhamal-koolis,

Budhdadka iyo Hanwalista,

Gambayoodkiyo Gasan-gas,

Gulaanka iyo Daranta, Durrujaaga iyo Baskalax,

Dharjada iyo Qadawgoo la gedaasa.

Dhosoqa iyo Maraaga,

Garaabiidliyo Mirrigta,

Isku-dhoonkiyo Xayrabanta,

Yibbahaad garanaysiyo Xamaroo la gedaasa.

Birre iyo Yamaarug, Qocondhiyo,

Qandhuri-qoofal, Gubtaanyadiyo Maaraboobta,

Tuudhcadaa iyo Jac-jacle, Qadhaadheeyiyo Dhanaaneeye,

Yagcar iyo Xunba-weyne, Cobol iyo Turray,

Calaa-ku-yaal iyo Hugunbaa, Niyaale iyo Hini,

Baynax iyo Xiiska, Wadhaf-ka-roone iyo Gaadeeryo,

Dhalaan-dhuug iyo Gawsa-madoobeeye,

Hiirinka iyo Margiyo-daalis, Caddiinka iyo Suufka,

Mirrow iyo Jirda-cado, Nidiqiyo Cilaaliyo Geedi-daaq,

Gas-riyaad iyo Jan-jeedho, Shay iyo Barda-yaro,

Baahiye iyo Baleenbaal, Dhufeeco iyo Xaydh-aboor,

Galool-yariyo Dinaax, Arooraaliyo Marmarsoole,

Mara-madoobeebiyo Wanan-tume,

Dhali iyo Dhul-ka-aroor, Riyo-la-jabe iyo Jarto,

Dhalaaloo iyo Xamilka, Jabi-oke iyo Casaa-jimo,

Kabo-madoobeeye iyo Dacar-budhuq,

Siidhe iyo Carab-jeeb, Caws-bawne,

iyo Badhi-weyne, Caws-qansax iyo Tima-haweenliyo Hadafta.

Caws-goodir iyo Casuuro, Haliyo Nirig iyo Raxanreeb,

Guufka iyo Tagoogo-wareen, Gobyariyo Jilbada,

Qodox iyo Raguugaa, Faraacood iyo Buuxiso,

Qoxda iyo Darifka Mulqiska iyo Bardawga,

Dhego-weyne iyo Xuubab-lahowiyo Jaayo.

Hara-marshaa iyo Jaw-jawle,

Qoodho-waraabe iyo Mawo,

Tiiraha iyo Qaaxoodka,

Maraq-fur iyo Gatawaha,

Habawga iyo Heelalo,

Dinaasiyo geed-cad, iyo Shanbadhyoole.

Dhirkaynka caanaha keena,

Darxumoow jiic-gun-madooobe,

Maygaagoo la gedaasa.

Qaydar aad garanayso, Yunbuc kaama ilaawin,

Qaydaroo la gedaasa.

Caano-macaaneeye iyo Canjeelka,

Cawtal-gasiinka iyo Balan-baalka

Shan-bogsiiyo iyo Booc-madowdiyo

Boora-dhayaha.

Ramaaska, Gocosada, Sifaarka,

Saddexada, Gadh-orgiga, Kaba-qoyska,

-ka-xaariska, Caraancarka,

Cadayga iyo Ilka-caddayska,

Tuka-lalmiska iyo Dhilowyahanka,

Cayo-gurigiyo, Geed-xadhaadhkiyo,

Geel-wanaajiyo, Guryofankiyo Gargoorka

intaasoo wada geedoo

Geyigeena ku taala,

ilayn garan mayo hadeeroo ilayn way gadmadeene,

Maysu soo wada geeyay.

 

Cabdiqani Xuseen Baynax

cabdiqani0001@hotmail.com

http://www.somalilandpress.com/print.php?type=N&it em_id=566

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waa alaabahygi qalabkan nafaqeysan, meesha maxaa dhushuq ka buuxda, waaba nicmatul fashuuq wallee, shukran yaa Sheikh Ayoub.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this