nuune Posted September 8, 2008 Maxaad ka taqaanaa boqolaalka magac ee Soomaalida u taqaano geela, ama hadaad u maleesay inuu listiga khalad ku jiro, fadlan sax! abeer= hasha geela aan wali dhalin awr= waa geela la rarto, awrta yaa la jooga maanta baarfuran= hasha geela ee aan waligeed la rarin daandheer = waa geela ugu xoog badan ee awrta ku jiro dhaan= waa geela biyaha qaado inta badan luqmalliigle= geela yarka ah ee dhallinyarada ah nirig= waa geelka ugu yar ee naagta ah garruud= geelka duqoobey rati = geela labka ah qurbac= geela ugu yar ee ninka ah ramag = waa hasha geela ee markaas dhashey tulud= waa qofka geeloo dhan hal xabbo kaliya ka leh, tulud buu leeyahay qofkaasi, micnaha hal xabbo bas qoorqab = waa geelka aan wali xiniinyaha laga bixin hal= waa hasha geela ee naagta ah guubis= waa geela ninka ah ee loogu hor dhaley isaga farruud= waa geela qaan gaarey ee da'da dhexe maraya cashatab= waa hasha geela ee dhalmo diidey caano ka maalidna joojisey baatir= waa hasha geela ee dhalinyarada ah ee aan waligeed waxba dhalin qawaar= hasha geela ee duqda ah gool= waa geela buuran ee jirkiisu idilyahay, hashan waa gool baarqab= waa geela ninka ah ee doobka ah qooqan ee guuxa iyo gurxanka badan Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 9, 2008 War nuunnoow raga geela dhaqda ha ka hadleene maad iska dhaaftid,lol tulud= waa qofka geeloo dhan hal xabbo kaliya ka leh, tulud buu leeyahay qofkaasi, micnaha hal xabbo bas Tulud= Hal, side tulud qaalina, tulud baa naga luntay? Qaalin = Hal aan weli curan ama rati yar nirig= waa geelka ugu yar ee naagta ah Ni'rig, waa dhawaaq kale, waa geela ninka ah ee yar, sida nirig. Koran = waa Awrka xiniiyaha laga saaray, loona isticmaalo in la rarto. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 9, 2008 Dabshid, lol, maadaama aad geel dhaqata tahay, waxaan kaa sugayey listi aad u dheer, balse waxa ii cadaatey inaad lo'leey tahay, ilaa aan arko listi 20 magac kor u dhaafayo, agteyda lo'leey baad ka tahay Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 11, 2008 Nuunka, kan arag iyadoo Afinigiriis loogu micneeye ku jiro. Qaar kalena ka tagtay ku jiro xataa. Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 11, 2008 ^^^ MMA, dhankiis widaaw, maba akrin topikaas oo waliba sectionkan ah, dadka qaarkood ayey fudeed uga dhigee in magacyadaas loo badalay ingiriis, asante sana rafiki yangu Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted September 24, 2008 Nuunow kuwana ku darso: Irmaan Horweyn Dhaqayo Eri-dhaban Mar-curad Cadeysin Gorey-ciil Doob-dilaacsi hal godlan Dambar Gaagax Ma wadaa adeer? Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 24, 2008 Wad adeer hadaad heeso wax intaas dheer, aad baan u jeclahay alaabahan Waan kuu jeedaa inaad tahay Geeljire Share this post Link to post Share on other sites
guureeye Posted August 27, 2009 abdiladiifoow - hadii aan isku dayo waa sidaan:- IRMAAN= waa hasha dhashay oo la maaalo ama ,dhirigtu nuugto. HORWAYN=waa hasha gursan ee aan la maalin. DHAQAYO=waa hasha caanaha yar leh ee sii guri rabta. ERI-dhaban=waa geela oo la arooriyo iyadoo aan ubadkiisii la socon. MAR_CURAD=haa hasha hal mar dhasay CADAYSIN=waa ratiga aaan heeryadu saarnayn. ''''''''''''''''' intaas baan kusoo gabagabanayaa sxb. thanks Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted September 7, 2009 Sxb Nuune sheekadaan waa sheeko weyn wax ka bixi kara o kaliya ninkii ka soo jeeda ama ku soo dhaqmay galbeedka. Galbeedka markaan kuleeyahay waa marka laga soo bilaabo Dirirdhabe, Jigjiga ilaa Hawdka deedna hoos usoo deg illaa Feerfeer, Doolow ilaa iyo Nageele wixii intaas ahayn oo kale waa iska 'ciyaalka xaafadda' ama waa iska iskaashato (beerelay/kallumeysa to) ama lo'leey ama kuwo idaha maala (dhaqda). Aniguse unfortunately waxaan hoos imanaya category-ga 'ciyaalka xaafada' sheekada waxaan ku kordhin karo aba iska yar balse waxaan kaa saxayaa luuqad ahaan khalad yar oo malaha iska technical ah waxaad tiri: nirig= waa geelka ugu yar ee naagta ah Loool @ geelka!! teeda kale geelka naagta ah maxaa waaye? miyaanan la dhihin geela midiisa dhediga ah! waxaan so xasuustay waa anno yar hooyaday ku iri: "hooyo, waxaa halkaa marayey laxyuuyin, annoo markaa ula jeeday ido" qurbac= geela ugu yar ee ninka ah you see hadda geelka maadan dhihin hadda, balse waxaa saxsan sidan: geela ugu yar ee labka ah Af-somaliga aad ku qortay & topican laga hadlayo is-maba soo geli karaan marbaan is iri armuu Nuune buug inooga soo guurinayaa! cashatab= waa hasha geela ee dhalmo diidey caano ka maalidna joojisey sxb ii jilci halkan, haddiiba hashu marnaba aysan wax dhalin koleey sidan annigu u fahmay hashu waa mid ma-dhaleys ah markaa sidee baa caano looga maali karaa illeen maba dhasho'e! am bit confused here Nuunow! Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted September 14, 2009 ^^^ Cayaalka xaafadaa la iska yahay abaa, mararka qaarkood yaa kuu xasuusanaayo lab iyo dhaddig, nin iyo naag aa ka fudud Tan danbe cashatab ee dhalma diidey, horey ayey u dhali jirtey sxb, kadibna waa laga quustey, jumladaa si u yara cakiran malaha, dhalma diidmada iyo caana joojiska isku waqti ayey dhaceen weeyaan micnaha. Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted September 14, 2009 ^ haa oo micnaha waa siriqow-day, cajusa ama darajo ayeeyo e gaartey. Thanks haddan fahmay! Share this post Link to post Share on other sites
Cawaale Posted September 18, 2009 Nuunoow Layli aad aad ka tagtay ma is tiri.. Amisom aa daraad geel xamar ku leysay, Geel ha beeleene!! Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted September 18, 2009 lool@Nuune and "geelka naagta ah". That made me laugh. Share this post Link to post Share on other sites